telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe Oo Shucuubta Islaamka Iyo Shacbiga Somaliland Ku Hambalyeeyay Munaasibadda Ciidul Fidriga + Muuqaal/Sawiro

Hargeisa(Gaaroodinews) Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe, Waxaa uu Shucuubta Islaamka Iyo Shacbiga Somaliland Ku Hambalyeeyay Munaasibadda Ciidul Fidri.

Gudoomiyaha ayaa Ilaahay ka baryay in uu acmaashi wanagsanayd ee Bisha Ramadaan innaga aqbalo.

“Nabad Ku Ciida” Gudoomiye Faysal Cali Waraabe

Dhinaca kale, Gudoomiyaha ayaa Xusay in Bishan May ay tahay bil kulmisay, Ramadaan, Ciid, Xuska 18-may Iyo Doorasho.

Waxaanu Rabbi ka rajeeyay in guul uu inoogu dhameeyo, dhamaan arrimaha muhiimka ah ee Bishan ku kulmay.

Ugu dambayn, Gudoomiyuhu wuxuu carrabka ku adkeeyay, Nabadda, Waxaanu sheegay in Nabaddu ku yartahay Caalamul Islaam, waxaanu Bulshada ugu baaqay in ay isu naxariistaan, Is Xidhiidhiyaan, si Ilaahay ugu Naxariisto.

 

Daawo Muuqaalka Warkaas :-

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom