telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

Sheekhul Baladka Caasimada Hargeisa Sh.Ismail Maxamed Ciise Oo Gurigiisa Hadhimo Sharafeed Afur Ah Ugu Sameeyay Musharax Siciid Cabdisamed (Siciid Cudhay) + Sawiro

Hargeisa(Gaaroodinews) Xoghaye Kuxigeenka Abaabulka Iyo Wacyigalinta Xisbiga Mucaaradka Ah Ee Ucid  Ahna Sheekhul Baladka Caasimad Hargeisa Xoghaye/Sheekh Ismail Mahamad Ciise Ayaa Galabta Afurkii Aqalkisa Martiqaad Ugu Sameeyay Isla Markaana Hadhimo Sharafeed Afur Ah Kumaamuusay Musharax Siciid Cabdisamad Ahmed (Siciid Cudhay) Oo Kamid Ah Musharaxiinta Usharaxan Doorashada Golaha Deegaanka Caasimada Hargeisa

Munaasibadan Hadhimo Sharafeedka Afurka Ah Ee Uu Sameeyay Sheekh Ismail Maxamed Ciise Ayaa Waxaa Kasoo Qaybgalay Jiif Caaqil Faysal Guun Dhalinyaro Aqoonyahan Tiro Badan Oo Ah Taageerayaasha Iyo Gudida Kaanbaynka Musharaxa Iyo Marti Kale

Hadhimo Sharafeedan Oo Cawaa Fiidki Dhacday Ayaa Kamid Ahayd Munaasibadihii Ay Beesha Bahadhamal Ay Mudooyinkii Udanbeeyay Usamaynaysay Kuna Maamuusaayeen Musharax Siciid Cabdisamed Ahmed (Siciid Cudhay )

Xoghaye Kuxigeenka Abaabulka Iyo Wacyigalinta Xisbiga Ucid Sheekhul Balad Ismail Maxamed Ciise Oo Warbaahinta Gaaroodinews Waxka Waydiisay Ujeedada Kulankan Hadhimo Sharafeeda Ah Ee Uu Musharaxa Ugu Sameeyay Gurigiisa Ayaa Sheegay In Ay Munaasibadani Ahayn Munaasibad Duco Ah Oo Musharaxa Ay Ugu Ducaynayeen Isla Markaana Kula Dardaarmayeen Inuu Bulshada Ugu Shaqeeyo Sidaacad Nimo Ah Marka Uu Ku Guulaysto Doorashada Golaha Deegaanka

Waxaanu Xoghayuhu Intaa Kudaray Inay Musharaxa Ay Ugu Duceeyeen Inuu Ilaahay Kuguuleeyo Xilka Kursiga Golaha Deegaanka Caasimada Hargeisa

 

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom