telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

Safiirka Midawga Yurub Amb Nicolas Barlanga Ayaa maanta gurigiisa ku Booqday Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe

Hargeisa(Gaaroodinews) Safiirka Midawga Yurub Amb Nicolas Barlanga Ayaa maanta Guriga Uu Magaalada Hargeisa Uu Ka Daganyahay ku Booqday Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe.

Safiirka Iyo Gudoomiyaha Ayaa Sida Ila Wareedyo Kudhaw Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe Ay Sheegayaan Waxaa Ay Kawada Hadleen Arrimaha Doorashooyinka, Waxaanu Gudoomiye Faysal U sheegay Safiirka in Diyaar Garawga Doorashadu Marayo Meel Fiican Isla Markaana Dhamaan Daneeyayasha Doorashadu Ay ku Midaysanyihiin Sidii Doorashadu Wakhtigeedu Ugu Qabsoomi Lahayd.

Gudoomiyaha ayaa safiirka uga mahad-naqay dadaalkii uu galiyay Sidii Doorashadu u qabsoomi lahayd.

Safiirka ayaa maanta soo gaadhay Hargaysa, kadibna Gurigiisa ku booqday Gudoomiye Faysal Cali Waraabe.

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom