telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Oo Kaqaybgalay Munaasibad Hadhimo Sharafeeda Oo Uu Sameeyay Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti + Muuqaal

Hargeisa(Gaaroodinews) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa Ka Qaybgaley Hadhimo Sharafeed Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle Ku Maamuusay Madaxweynayaashii iyo Diblamaasiyiintii Ka Soo Qaybgelay Caleemo Saarka Madaxtinimadda Dalka Jabuuti.

Madaxweynaha la Dhaariyey Ee Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa Qasriga Madaxtooyada Hadhimo Sharafeed Ku Maamusay Madaxweyneyaashii, ra’iisal wasaarayaashii, Wasiiradii Amuuraha Dibada iyo Diblamaasiyiintii Ka Soo qaybgaley Caleemo Saarka iyo Dhaarinta Madaxeynaha Dalka Jabuuti oo Maanta Ka Qabsoontay Caasimda Dalka Jabuuti, Madaxdaas oo uu ka mid ahaa madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi.

 

Daawo Muuqaalka Warkaas :-

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom