telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

“Waxaan Qabaa Kalsooni Badan Inaan Guulaysanayo Insha Allah ” Musharrax Faadumo Amran Bile Cali

“Waxaan qabaa Kalsooni badan inaan guulaysanayo Insha Allah.”
Musharrax Faadumo Amran Bile Cali

“Dalkan horumarkiisiyo
Daryeelkaad tabaysaan
Dumarkaa u hiilee
Doorkan ugu codeeya”

Hargeisa(Gaaroodinews)Musharax Faadumo Amran Bile Cali Oo Kamid Ah Musharaxiinta Usharaxan Doorashada Golaha Wakiilada Xisbiga Kulmiye Kana Sharaxan Gobolka Saaxil Ayaa Dhambaal Aysoo Gaadhsiisay Xafiiska Warqabadka Gaaroodinews Waxay Kaga Hadashay Kaalinta Ay Haweenka Somaliland Kagajiraan Horumarka Dhaqan Dhaqaale Ee Dalka Iyo Doorka Ay Haweenka Somaliland Kaciyaari Karaan Siyaasada Dalka

Musharax Amran Bille Cali Waxay Sidoo Kale Kahadashay Caqabadaha Ka Hortaagan Haweenka Somaliland Kaqaybqaadashada Siyaasada Dalka

Marwo  Musharax Amran Bille Cali Waxay Bulshada Reer Somaliland Gaar Ahaan Deegaanada Ay Codka Kadoonayso Ay Ucadaysay In Aanay Aduun Usoo Doonan Kursiga Golaha Wakiilada Somaliland Ee Xeer Dejinta Balse Ay Jeceshay In Aqoonteeda Iyo Kartideeda Waayo Aragnimo Ay Jeclaatay Inay Dadkeeda Wax Ugu Qabato

Hadaba Waakan Maqaalka Ay Musharax Amran Bille Cali Ay Kaga Hadlayso Arimahaa Aan Korkusoo Xusnay Iyo Arimo Kale Oo Faahfaahsan :-

 ”  Haweenka Somaliland Waxay Kaga Jiraan kaalin muuqata oo waxku ool ah ama ay laf dhabar u yihiin waligoodna u ahaayeen dhaqanka bulshada, dhaqaalaha, dhismaha iyo geedi socodka horumar ee qaranka JSL. Dalkeenna oo dhaqaalihiisu hooseeyo, shaqo la’aantuna ku badan tahay , haweenka Somaliland ee qaran-joog iyo qurba-joog ba leh ayaa mar walba dhexda u xidhan inay u xoogsadaan qoysaska u badan ee reer Somaliland si ka badan inta uu raggu qabanayo. Waxaan odhan karaa doorka haweenka hooyooyinka Somaliland ayuu dalkani ku soo badbaday in badan, kaga soo gudbay duruufo badan, horumar iyo barwaaqana ku gaadhi doonaa haddii dareen iyo daymo aan u yeelanno waxtarkooda iyo heerkastaba waxay qaban karaan, lana horumariyo hablaha xagga waxbarashada iyo saamigooda siyaasadda heerkastaba.
Caqabadaha haysta haweenka Somaliland xagga siyaasadd:
Su’aashu waxa weeye, halkee ayay ka joogaan haweenka Somaliland xagga siyaasadda?
Waxaynu ka joognaa meel aad u hoosaysa haddii aynaan ahayn ba dalka uu saamiga dumarku ugu hooseeyo dunida. Caqabadaha haysta waxa aan ku soo ururin karraa qodobadan:-

1)Dhaqanka soo jireenka ah ee qabiilka ku salaysan

2) Siyaasad dhiirrigelisa kaalinta haweenka xagga siyaasadda sida wadamada kale oo aan loo samaynin

3) Dumarka oo aan isu codayn xilliga doorashada

4) Caqabado dhaqaale iyo dumarka oo aan isu kaashan xagga siyaasadda iyo

5)Heerka waxbarashada hablaha oo inkastoo muddooyinkii dambe wax badani is bedeleen hadana weli aan la dhayalsan karin dalkeenna.

Aan usoo Daadagee, Waa kuma xildhibaanka ay Somaliland u baahan tahay maanta?
Waxaan aaminsanahay Somaliland oo ugu yaraan 25% gaadhsiisa saamiga haweenka dhammaan goleyaasha qaranka iyo qaab dhismeedka dawladda ee leh Baarlamaanka labada aqal ba, Wasiirada, Garsoorka, Goleyaasha Deegaanka iyo weliba shaqaalaha guud ee qaranku inay is bedel degdeg ah oo horumar xaqiin lahayd xagga dhaqaalaha, bulshada iyo siyaasadaba.

Dalkeennu wuxu u baahan yahay in laga qabyo tiro ama laga horumariyo xagga shuruucda taasoo u horseedaysa qaranka ku dhaqanka maamul wanaagga iyo dhinacyada nolosha ee ujeedooyinka iyo baahiyaha badan, waxaana taas hirgelin kara baarlamaan aqoon leh, Ilaahay ka baqanaya oo daacad ka ah gudashada xilka iyo waajibaadka loo doortay iyo xasaanada la saaray

• Xildhibaanka dumarka ahi waxay noqonaysaa mid uga xog ogaalsan, uga naxariis badan, uga jajaban oo uga daacadsan danaha bulshada xildhibaannada ragga ah, waayo waxaad ka qiyaasi kartaa uun kaalinta hooyada iyo kaalinta aabbuhu ugu jiraan ama u kala qaabilsan yihiin ubadka iyo qoyska iyo sida ay u kala duwan yihiin. Sannadka oo dhan, dhawr goor oo kaliya ayaan arkaa ama aan warbaahinta ka maqlaa baarlamaanka oo ka doodaya ama ansixiya xeerar;
• Weli kuma aan arag Somaliland Xildhibaan Baarlamaan ah oo booqanaya dugsiga iyo xaaladda deegaan ama waxbarasho ee dugsiga, xanaanada caafimaadka iyo xaaladda adeeg bixineed, shaqaale ama bukaanka jiifa, saldhigga bilayska iyo ama goobaha adeegyada aas’aasiga ah iyo kaabayaasha bulshada ee xaafadda, degmada ama gobolka laga soo doortay;
• Waxaan u baahannahay xildhibaan innaga saari kara qabyaaladda iyo sidii ujeedadeennu ahayd markaan qaadannay nidaamka xisbiyada badan iyo dimuqraadiyadda isagu ka jawaabi kara (Responsive ah) dareenka bulshada, kana shaqayn kara inuu sharciga ku ilaaliyo xuquuqda iyo danaha muwaadinka;

Shakhsi ahaan, waxaan leeyahay waaya aragnimo shaqo soddon sano ka badan oo aan dalka iyo debadda wadamo kala duwan ba ka soo shaqeeyay, oo aan ka soo shaqeeyay arrimaha bulshada, lana soo shaqeeyay xafiisyada iyo hay’adaha dawladda qaarka mid ah iyo ururada bulshada ee madaxabannaan ba. Waxaan inta awooddayda ah markasta iyo meelkasta oo aan joogo ahaa shakhsi ku dadaala inuu ka shaqeeyo danaha caamka ah ee bulshada Somaliland xagga siyaasadda ama ilaalinta iyo waynaynta magaca Somaliland iyo qadiyadda madaxbanaanida, xagga tabarucaadka iyo dhiirrigelinta hawlaha khayriga ah ee wadanka wax loogu qabanayo, waxanan ka soo qaybqaatay maalgashiga iyo shaqo abuurka dalka maadaama oo aan ahay ganacsaday maalgashaday dalka JSL oo meherado kala duwan ku leh.

Ujeedadayda tartanka doorashadani maaha inaan shaqo ku helo iyo adduunyo waayo waxaan ahay qof ganacsade ah, hanti leh oo wax igu filan maalmaha nolosha ii hadhay maanta haysta balse waxaan ka fikirayaa inaan u adeego bulshada Somaliland oo aan waxku kordhin karo is bedel shaqo ama xil gudasho firfircoon oo hufan oo Baarlamaanka Somaliland yeesho. Waxaan ka fikirayaa inaan curiyo xeerar badan oo gaar ahaan arrimaha bulshada iyo dhaqaalaha taabanaya oo la jaanqaadi kara dunida casriga ah ee maanta, inaan qaar badan oo jira waxka bedeli karo, inaan u hadli karo, ka shaqayn karo oo aan waxka qaban karo danaha iyo baahiyaha haweenka iyo ubadka Somaliland iyo arrimaha bulshada guud ahaan iyadoo aan gudanayo waajibaadkayga xildhibaannimo haddii Alle igu guuleeyo. Si gaar ah, waxaa far waaweyn iigu qoran oo meel sare kaga jira barnaamijkayga siyaasadeed ee aan usoo bandhigayo bulshada inaan ku dadaalo sidii loogu jeesan lahaa horumarinta xeebaha Somaliland iyo ka faa’iidaysiga khayraadka duugan, daryeelka nolosha qorrax joogga iyo bulshada gubanka ku dhaqan iyo weliba inaan ka shaqayn doono haddii Alle sidii ay xuquuqdooda u lehi lahaayeen bulshada tirada badan ee lixda deegaan ee xeebta galbeed ee mudada labaatanka sano ku dhaw gobolla aan raacsananayn kuna waayay sidaas xuquuqahoodii siyaasadeed, adeegyo bulsho iyo waxqabad ba iyagoo ka mid ah deegaannada ugu dambeeya ama dib u dhacsan xagga waxqabadka iyo horumarka guud. Waxaan ka fikirayaa sidii loogu jeesan lahaa deegaannada taariikhda faca weyn leh ee gubanka, taariikhda ku duugan iyo fursadaha dalxiis iyo cilmi baadhiseed ee ku jira.

Guushu Ilaahay bay gacantiisa ku jirtaa, waxaan se qabaa kalsooni aad u badan inaan ku guulaysanayo tartankan oo ay jiraan fursado badan oo ii saamaxaya inaan guulaysto, waxaanan u mahad celinayaa dhammaan taageerayaashadayda, dhalinyaro, haween, reer miyi iyo reer magaalba, qorrax joog iyo ooga joog ba, dhammaan Cuuqaasha iyo Bahda Dhaqanka ee hankayga igu taageeray, hoggaanka Xisbiga Kulmiye, madaxda iyo masuuliyiinta xisbiga heerkastaba, gudida doorashooyinka iyo dhammaan inta ku lug leh xaqiijinta habsami u socodka hawlaha doorashooyinka qaranka JSL.

Ugu dambayntii, waxaan ugu baaqayaa taageerayaashaday iyo guud ahaan bulshada sharafta leh ee Gobolka Saaxil ee haweenku ugu mudan yihiin inaad u hiilisaan codka haweenka oo aad igu garab istaagtaan inaan guul soo hoynno haddii Alle inno qoray ” 

Faadumo Amran Bile Cali
Musharraxa Golaha Wakiillada Somaliland
Gobolka Saaxil, Xisbiga Kulmiye
Astaanta Musharaxu waa Bureeqa

 

 

 

Hargeisa/Office

Gaaroodi.net

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom