telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

Hoggaanka xisbiga KULMIYE iyo Xukuumadda oo Dalka Ku soo Dhaweeyey Wasiir Maxamed Kaahin + Sawiro

Hoggaanka xisbiga KULMIYE iyo Xukuumadda oo Dalka Ku soo Dhaweeyey Wasiir Maxamed Kaahin


Hargeysa(Gaaroodinews)-Qaar ka mid ah xubnaha hoggaanka sare ee xisbiga KULMIYE oo ay ka mid yihiin Guddoomiye-ku-xigeenka 2-aad Md. Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi-dheere), Guddoomiye-ku-xigeenka 4-aad ee xisbiga, ahna Wasiirka Ganacasiga Md. Maxamuud Xasan Saajin, wasiirro ka tirxsan Xukuumadda iyo qaar ka mid Taliyeyaasha Ciidammada Somaliland iyo masuuiliyiin kale, ayaa ku soo dhaweeyey madaarka diyaaraha ee Hargeysa Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, ahna Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed oo maanta dalka dib ugu soo laabtay kadib muddo uu xaalado caafimaad dibadda ugu maqnaa.
Wasiir Maxamed Kaahin oo kadib soo dhawayntiisa warbaahinta la hadlay, waxa uu si weyn ugu mahadceliyey masuuliyiinta soo dhaweeyey iyo dadweynaha reer Somaliland oo muddadii uu xannuunsanayey ducada la barbartaagnaa, waxaanu sheegay in hadda caafimaadkiisu taam yahay Alle ha ugu wadee

 

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom