telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

Maansada Doorasho /Hal-Abuur Xasan Ahmed Yousuf

Maansada Doorasho/ Hal Abuur Xasan Afgaab   

           

Maansada Doorasho                                  
 
Doorashadu adduunyada
Waa dawga loo maro
Dal inuu hore u maro
In la doorsho xaalado
Oo duruufo laga baxo
Iyo dib u dhac nololeed 
In diktaytar lagu rido iyo
Xukun  dalka u daran
In hoggaan la daydayo
Iyo gole danta u roon
In sharciga la daafaco
Deegaanka loo tudho
Kii shalayto loo diray
Hadduu gabay docdiisii
Danta guud in loo xulo
Mid kaloo dawayn kara
Isagana la dabo galo
 
Doorashadu adduunyada  
Fursad dahab ah weeyaan
 Dadku inay han yeeshaan
Dadku inay wax doortaan
Waa xuquuq dastuuri ah
 Diktoor macalin dhaafiyo
Garyaqaanno diraniyo
Dar la baray dhaqaalaha
Hormuud dhiga duruustiyo
Saynisyahanno dooriyo
Qaar diin ku talax tegay
Ama dhaqanka duugga ah
 Iyo qaar wax daabacay
Daraasado nafta u huray 
Oo daahfur badan dhigay
Oo cilmiga ku duugnaa
Dalka hore wax soo taray
Maalqabeenno lagu daray
Magac doon adduunse leh
Dunidaynu wada naal
Kala doorashaa badan
 
Qabiil laguma doortee
Danta yaa meteli kara
Dadka yaa hor kici kara
Dawladnimada garan kara
Yaa daryeel u sahan taga
Yaa aqoon u door bidan
Yaa xil daadahayn kara
Dadku waxay u eegaan
Dabcigiisa muuqdiyo
Darajada aqoontiyo
Doorarkuu lahaa shalay
Diiwaan war ugu yaal
Dadnimada kartiyihiyo
Daljacayl wadaninimo
Doodiisa hadalkiyo
Duur xulkiisa ololaha
Wuxuu soo daliishado
Da’yartuu wax tarayaa
Danyaraha rafaadiyo
Dadka baahiyaha qaba
Dumarkuu u maqan yahay
Deegaan jir weeyaan
Sharcibuu dejinayaa
Iyo xeerar lagu daro
Danaheeda noloshiyo
Dadka horumarkooda ah
Lacag lagama doonee
Waase lala dardaarmaa
Dalka wuxuu ku tarayay
Dadku kala heshiiyaan
Shakhsi lama danaystee
Mabda’baa la doortaa
Kumaa daacadda u dhaw
Marka ugu dambaysana
Dalka waxaa usoo baxa
Gole aan dalbo lahayn  
Ninba meel u dawo yahay
Ninba eel dawayn karo
Dadka meel u wadi kara  
Dunidaynu wada naal
Kala doorashaa badan
Adna kama dambayside
Dar horyaala baa badan
Iyo diric wax qaban kara
Kama dayrinaayee  
Misna iiga daba gee 
Dilaal macalin sheegtiyo
Afmiishaar dallacay iyo  
Dar baloodho iibshiyo
Kuwii hore u daashaday
ee xilkooda daayacay 
Deegaanka dhaawacay
Dheemaal u doodkii
Iyo mooshin doonkii  
Iyo daba ka tuurkii
Ku danayste shaqo taga
Uu damac hadana galay
 
Hayska daahsanaatee
Ta dambaan dadaaliye
Darajaan wax dheerahay
Dalal baanan dhaama
Kuwaan diir wadaagniyo 
Duul Carabo sheegtiyo
Dariskeenu kow yahay
Dadku aanu juuq odhan
Distoorkana qof leeyahay
Waxse iga dardaarana
Duco qabe abwaankii
Dabuubtiisa weli taal
Dugsi ma leh qabyaaladi
Waxay dumiso mooyee 
 Kala doorashada laba
Ha dabaqin qabyaalad
Iyo hore wax kuu dilay
Weli dabada haysaan
Haw dulmiyin xaqiiqada
Danta uu qof leeyahay
Ee qabiilka lagu daday
Durki garashadaadoo
Kala doorashada laba
Danta guud sida u wacan
Misna adiga kuu dana
Adoo daacad noqon kara
Runta yaan laga duwin  
Xaqa yaan lagaa duwin
Dad abaal galaa jira
Taariikhda door ku leh
Duq hormuuda baa jira
Da’da maaha garashadu
Daan cirroolayaaliyo
Da’yar heellan baa badan 
Dadka hawl u qaban kara
Dumarkana u hiiliya 
 
Doorashadu adduunyada
Ninka damac kursi u jira
Ee dadaal usoo gala
Inuu dadarta qaybshuu
Dayn u galo hankiisiyo
Haddaan loogu deeqayn
Lacag lagama doonee
Halka ugu darraydiyo
Deegaanka tiisiyo
Shacab doonistiisiyo
Waxbay kala dardaarmaan
 
Deegaan ku baarlamaan
Ninba damacu leeyahay 
Allaha Daa’imka ahbaa
Deeqdiisu weyntoo 
Dadka guusha siiyee  
Doonaa ha helayee
Doorashadani waa guul
Soddon guuro lagu daray
Daafaha adduunyada
Waa la daalacanayaa
Dalkan wada cajiibka ah
Uu nuurku daalacay  
Deganaansho nabaddiyo
 Dimuqraadinimadiyo
Dhaqankaan ku dabariyo
Hannaan kala dambaynliyo
Dastuurkiyo sharciga jira
Dawladnimada loo bogay
Isagoon cidina dirin
Oon dabada laga wadin
Oon lagu dirqiyin talo
Oon deeqo lagu bixin
Doorashooyinkuu galay
Dabka baxaya geeskaba
Waa la daacalanayaa
Dardarta iyo ololaha
Doonistaadu waa guul 

Doonaa ha helayee
Danta guud ilaashada
Noqo uliyo diirkeed
Cadawgiinnaa dibadiyo
Nacas lagu danaystiyo
Dakanada ka wada jira
Digtoonaada weligiin
Doqon baa la yidhi bari
Dadab lagu kaftamay bay
Dirir taagan mooddee
Doorashada adduunyada
Dadku kuma collaabaan
Ha dar jiidhin weligaa
Haddaad danaca leediyo
Codka doono leediyo
Haddaad cid u duwi leediyo
Haddaad daabacaysiyo
Haddaad hadalka duubtiyo
Haddaad dooro leediyo
Haddaad daawanaysaba
Deelqaaf ku waa ceeb
Durbaad tumaysaa
Yaanu dakharro kuu tarin
Adoo hebel duqeeya
Ama dura dhinaca kale
Waxaa kaaga door roon
Adoo taada daafaca
Adigoon u duur xulin
Dool waxaad ka mudantahay
Ku bayaansha daabaca
Badanna way dambaysaa
Dabuub hore waxay tidhi
Nin durbaan tumanayaa
Ilaaq buu dalbanayaa  
U dulqaado kugu yidhi
Danbi yaan cidina gelin
Dabbaq xeerarka u yaalla
Dawga cagta saartee
Dabac yaanu kugu iman
Yaydaan dib uga noqon
Daa’iimoow ku guulee

 
 Xasan Axmed Yuusuf 
 xasanafgaab@gmail.com, 063 4081527
May 15, 2021

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom