telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

Masuuliyiin Katirsan Xisbiga Kulmiye Oo Tababar Ufuray Qaybo kamida  Muraaqibiinta Gobolka Maroodi jeex

Masuuliyiinta Xisbiga KULMIYE oo Tabobar u Furay Muraaqabiinta Afar Degmo oo Ka tirsan Gobolka Maroodi-jeex

Hargeysa (Gaaroodinews)- Masuuliyiin katirsan xisbiga Kulmiye oo ay kamid yihiin xoghayaha guud ee xisbiga, Mudane Ibraahim Axmed Raabbi, Afhayeenka xisbiga, Mudane Cabdinaasir Muxumed Xasan (Buuni) iyo guddoomiyaha gobolka Maroodi-jeex ee xisbiga KULMIYE, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac(Hadhiye), ayaa tabobar u furay muraaqibiinta xisbiga u fadhiyi doona doorashooyinka isku sidkan ee wakiillada iyo deegaanka, gaar ahaan Afarta degmo-doorasho ee Axmed-dhagax, Maxamuud Haybe, Sallaxley iyo Balli-gubadle ee gobolka Maroodi-jeex.

Madasha lagu tabobarayey muraaqibiinta xisbiga uga wakiilka noqonaya xarumaha muwaaddiniintu codkooda ka dhiiban doonaan ee Degmooyinka Axmed-dhagax, Maxamuud Haybe, Sallaxley iyo Balli-gubadle ee gobolka Maroodi-jeex, ayaa si weyn loogula dardaarmay dhallinyarada muraaqibiinta ah, waxana lagu boorriyey inay si xilkasnimo leh uga soo dhalaalaan hawsha culus ee dummaddooda la saaray, waxana hawsha fududaynaya Aqoonyahanno dhallinyaro ah oo uu Sacad Cabdi Daahir oo kamid Aqoonyahanka reer Somaliland.

Ugu horrayn guddoomiyaha gobolka Maroodi-jeex ee xisbiga KULMIYE, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac Hadhiye oo kulanka Daah-furay, ayaa faahfaahiyey ujeeddada iyo nuxurka tabobarkan laga leeyahay, waxana dhallinyarada tabobarka qaadanaysay kula dardaarmay inay muhiimad gaar ah siiyaan ilaalinta codadka uu xisbigu ka heli doono goobaha ay ka hawlgeli doonaan.

Af-hayeenka xisbiga KULMIYE, Mudane Cabdinaasir Muxumed Buuni, ayaa isaguna dhankiisa dhallinyarada la tabobarayo hogo-tusaaleeyey sida ay udub-dhexaadka ugu yihiin hawlaha xisbiga iyo xasilloonida amniga ee maalinta codaynta, waxana uu kula dardaarmay inay masuuliyad gaar ahaaneed isa saaraan.

Xoghayaha guud ee xisbiga KULMIYE, Mudane Ibraahim Axmed Raabbi oo madasha soo gunaanaday, ayaa Muraaqibiinta xasuusiyey in gobolka Maroodi-jeex ee ay degmooyinkiisa ka hawlgeli doonaan yihiin goobo xaasaasi ah oo u baahan in maskax-furnaan, karti iyo kalsooni lagaga hawlgalo, waxana uu faray inay xilkasnimo iyo masuuliyad xisbi iyo mid qaranba muujiyaan.

 

Daawo Muuqaalka Warkaas :-

 

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom