telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

Musharax Siciid Cudhay Oo Socdaal Lug Ah Oo Soo Jiitay Shacabka Reer Hargeisa Kudhexmaray Qaarkamida Degmooyinka Caasimada Hargeisa + Dareenka Dadwaynaha

Hargeisa(Gaaroodinews) Musharax Siciid Cabdisamed Ahmed (Siciid Cudhay) Oo Ah Musharaxa Ugu Cadcad Musharaxiinta Usharaxan Golaha Deegaanka Caasimada Hargeisa Isla Markaana Kasharaxan Xisbiga Ucid Ayaa Maanta Socdaal Lug Ah Kugaalaa Bixiyay Qaarkamida Degmooyinka Caasimada Hargeisa Isaga Oo Shacabka Reer Hargeisa Ee Uu Musharaxa Uyahay Kula Kulmay Wadooyinka Iyo Goobahooda Ganacsiga Iyaga Oo Kusugan

Musharaxa Ayaa Intii Uu Kuguda Jiray Socdaalkiisaa Uuku Maraayay Degmooyinka 26june Iyo Ibraahim Koodbuur Ilaa Suuqa Wayn Ee Waaheen Wuxuu Bulshada Kala Duwan Ee Reer Hargeisa Uqaybiyay Kaadhadh Ayku Xardhantahay Astaanta Iyo Nambarka Codaynta Musharaxa Oo Ah 101

Shacabka Reer Hargeisa Ee Uu Musharaxu Uula Kulmay Ayaa Musharax Siciid Cudhay Kuqaabilaayay Farxad Iyo Waji Furnaan Iyo Soo Dhawayn Iyaga Oo Uhanwayn Musharaxa Isla Markaana Ubalanqaaday Inay Codkooda Siin Doonaan

Musharax Siciid Cabdisamed Ahmed ( Siciid Cudhay ) Ayaa Dadwaynihii Kala Duwanaa Ee Uukula Kulmay Wadooyinka Iyo Goobahooda Shaqada Ayku Sugnaayeen Ubalanqaaday Markuu Kuguulaysto Kursiga Golaha Deegaanka Caasimada Hargeisa Inuu Ka Shaqayn Doono Horumarkooda Nololeed Iyo Bilicda Caasimadooda Waxaanu Sheegay Inuu Yahay Musharax Usharaxan Dhamaan Bulshawaynta Reer Hargeisa

Hadaba Musharax Siciid Cudhay Ayaa Bartiisa Uu Kala Xidhiidho Bulshada Kula Wadaagay Taageeyaashiisa Iyo Shacabka Hargeisa Fariin Dhiirigalin Ah Isla Markaana Uukaga Codsanaayo Inay Ucodeeyaan Uguna Codeeyaan Lanbarkiisa Codaynta Oo Ah 101 Umariyay

Waxaanuu Yidhi :- 

” Asc Guud Ahaan Waxaan Salaamayaa Shacabka reer Somaliland Gaar Ahaana Shacabka Caasimadda Hargeysa iyo Nawaaxigeeda ku dhaqan’ iyada oo kabaabiga ay inagu soo hayso Maalmaha loo Asteeyey Kaambaynka Doorashooyinka Isku Sidkan ee Golayaasha Deegaanadda iyo Wakiiladda JSL.

Hadaba Illaahay Mahadii Maanta oo ah Maalin Khamiis ay Bisha 20/5/ 2021ka waxa noo suurto gashay Aniga iyo 8 Guddiyadda Kala Duwan ee Dhalinyaradda iyo Haweenka Sharafta leh ee ii qaabilsan Kaambaynka Doorashadda Ee maalmo ka dib inoo Bilaabmay in aanu u Qaybino 2500 (Laba Kun iyo Shan Boqol) Kaadhadhka ay ku Xardhan yihiin ASTAANTA Numberkayga Codbixinta Ee ( 101).

Degmooyinka Aanu booqanay waxa ka mida Degmadda Ibraahim Koodbuur iyo 26 June ee Goobaha ay ka mid yihiin Suuqa Weyn ee Shiraaqle (Waaheen) iyo Ilaa Iyo Huteel Guuleed ee Caasimadda Hargeysa Inshaalaahu waxaan ku Rajo weynahay in aynu si Habsami ah Qof kasta oo reer Hargeysa ah u gaadhsiin doono Barnaamijkayga iyo Astaantayda Murashaxnimo ee (101) oo aan idinla wadaagi doono ” 

Murashaxa Golaha Deegaanka Ee Caasimadda Hargeysa Siciid Cabdisamad Axmed (Cudhay)

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom