telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

Ardaaga Cawad Iyo Aadan Oo Taageero Umuujiyay Musharax Cabdinaasir Yuusuf Qodax + Muuqaal

Hargeisa(Gaaroodinews) Waxaa Magaalada Hargeisa Lagu Qabtay Munaasibad Ay Taageero Ugu Muujinaayeen Ardaayada Aadan Cabdi Iyo Cawad Cabdi Oo Kamid Ah Beelaha Cabdiciise Iyo Bahihiisu Musharax Cabdinaasir Yousuf Cismaan Qodax Oo Kamid Ah Musharaxiinta Usharaxan Doorashada Golaha Wakiilada Gobolka Maroodijeex

Munaasibadan Oo Aykasoo Qaybgaleen Badiba Labeenta Iyo Waxgaradka Iyo Cuqaasha Beesha CCB Ayaa Waxaa Halkaasi Cod Dheer Lagu Sheegay In Beeshanu Ay Isku Raacday In Musharax Cabdinaasir Qodax Uu Ahaado Musharaxa Kumatalaaya Beeshooda Doorashada Golaha Wakiilada

Dhanka Kale Dhamaan Cuqaashii Iyo Waxgaradkii Munaasibadaasi Kahadlay Waxay Meesha Kasaareen Inaanay Jirin Meel Ardaayada Cawad Iyo Aadan Ay Kula Shuraakoobeen Beelkale Wararkaasuna Ay Yihiin Qaar Aanwaxba Kajirin Beesha Cabdiciisana Uu Musharaxooda Rasmiga Uu Yahay Musharax Cabdinaasir Yousuf Qodax

 

Daawo Muuqaalka Warkaas :-

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom