telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad Ee KULMIYE Oo Tabobar U Furay Muraaqibiinta Xisbiga U Fadhiyi Doona Goobaha Codaynta Ee Gobolka Togdheer + Muuqaal/Sawiro

Guddoomiye-ku-xigeenka 2-aad ee KULMIYE oo Tabobar u Furay Muraaqibiinta Xisbiga u Fadhiyi doona Goobaha Codaynta ee Gobolka Togdheer


Burco (Gaaroodinews)-Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE, Md. Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi-dheere), ayaa maanta tabobar u furay in ka badan shan Boqol oo muraaqib oo xisbiga KULMIYE uga wakiil noqon doona goobaha ay codayntu ka dhacayso ee gobolka Togdheer.
Guddoomiyaha oo ay wehelinayaan saraakiil sarsare oo xisbiga Kulmiye ka tirsan oo ay kamid yihiin guddoomiyaha Hay’adda Qaxoontiga iyo Barakacayaasha Qaranka, Md. Cabdikariin Axmed Maxamed(Xinnif), guddoomiyaha xisbiga u qaabilsan gobolka Togdheer, Mudane Ismaaciil Xalane Daahir iyo Ex. Wasiir Axmed Nuur Faahiye oo katirsan saraakiisha sare ee xisbiga, ayaa goob joog ka ahaa madasha furitaanka Tabobarka ee maraaqibiinta xisbiga u qaabilsan goobaha ay codayntu ka dhacayso ee gobolka Togdheer.
Guddoomiyaha KULMIYE ee gobolka Togdheer, Mudane Ismaaciil Xalane Daahir, ayaa ugu horrayn faahfaahiyey ujeeddada tabobarka laga leeyahay, isaga oo kelmado waano ahna u jeediyey xubnaha muraaqibiinta ah ee tabobarku u furay.
Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE, Mudane Axmed Cabdi-dheere, ayaa si waayeelnimo leh ula dardaarmay muraaqibiinta xisbiga ee Gobolka Togdheer, waxana uu ku adkeeyey inay muujiyaan xilkasnimo iyo masuuliyad dheeraad, maakankana ku hayaan inay goob kasta oo codayni ka dhacayso ay ka yihiin metelayaashii rasmiga ahaa ee xisbiga KULMIYE, isagoo kula dardaarmay inay caddaaladda iyo ilaalinta waajibka saaran ilaaliyaan.

 

Daawo Muuqaalka Warkaas :-

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom