telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

Daawo:- Taageerayaasha Musharixiinta Bilgob Oo Maanta Sameeyay Isusoo Bixii Ugu Weynaa Ololihii Maanta Ee Xisbiga Kulmiye .

Hargeisa(Gaaroodinews) Taageerayaashii Musharixiinta Golayaasha deegaanka iyo wakiilada Eng Fadxi Jamaac Baaruud Iyo Muj C.raxmaan Daahir Caynaashe Oo maanta Cududoodii taageero ku soo bandhigay ololihii maanta xisbiga kulmiye.

Waxaa ka soo qayb galay Masuuliyiin uu hogaaminayo wasiirka wasaarada arimaha gudaha JSL ahna Gudoomiye ku xigeenka koobaad ee xisbiga kulmiye , wasiirka waxbarashada , wasiir ku xigeenka waxbarashada , wasiir ku xigeenka arimaha gudaha , wasir ku xigeenka maaliyada iyo badhisaab ku xigeenka gobolka maroodijeex ayaa kala qeybgalay murashixiinta iyo taageerayaashooda ololaha xisbiga kulmiye

Goobtani waa barta dalxiiska ee isha gobka ee magaalada Hargeisa oo ay isu soo baxeen taageerayashii ugu balaadhnaa xisbiga talada dalka haya ee kulmiye.

 

Halkan hoose ka daawo Sawirada iyo Muqalada:- 

 

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom