telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

Biyo-xireenka Nile:- Masar Ma Waxay Weerareysaa Itoobiya Iyadoo Kaashaneysa Jabuuti ?

.

Muddooyinkii lasoo dhaafay waxaa soo xoogeysanayay xiisadda ka dhex taagan Masar iyo Itoobiya ee salka ku heysa dhismaha iyo buuxinta biyo xireenka ay ku adkeysaneyso Addis Ababa halka Qaahira ay hanjabeysay.

Madaxweynaha Masar Cabdifataax Al-Sisi ayaa Khamiistii magaalada Jabuuti kulan kula qaatay dhiggiisa waddanjaas, Ismaaciil Cumar Geelle, arrintaas oo qayb ka ah dadaalka diblomaasiyadeed ee Masar ay ku dooneyso inay sameysato xulafo dheeraad ah oo reer Afrika ah xilli uu cirka isku sii shareerayo muranka kala dhaxeeya Itoobiya.

Booqashada Al-Sisi uu ku tagay waddanka ku yaalla geeska Afrika waxay noqotay tii ugu horreysay ee uu madaxweyne Masaari ah sameeyo tan iyo markii ay Jabuuti xornimadeeda qaadatay sanadkii 1977-kii.

Arrintani waxay abuurtay hadal heyn ay wadaan qaar ka mid ah warbaahinta caalamka oo ku aaddan in Masar ay ka fikireyso sidii ay awood ugu adeegsan lahayn Itoobiya.

Lama oga tallaabada xigta ee ay qaadi doonto xukuumadda Qaahira, laakiin wadahadalka Al-Sisi iyo Geelle ayaa si guud ugu saabsanaa xoojinta xiriirka labada waddan iyo in Masar ay Jabuuti kala shaqeyso amniga iyo xasiloonida gobolka, waxayna isla meel dhigay “inay iska kaashadaan” dagaalka ka dhanka ah argagixsada geeska Afrika.

.

XIGASHADA SAWIRKA,ISMAIL OMAR GUELLEH

Dhanka kale, waxay labada madaxweyne isku raaceen in Biyo xireenka Itoobiya la buuxin karo oo kaliya marka “laga gaaro heshiis dhinac walba dani ugu jirto” oo ilaalinaya xasiloonida dalalka ay xaaladdu khuseyso, sida lagu shaaciyay bayaan kasoo baxay xafiiska Al-Sisi.

Booqashadan waxay kusoo aadday waqti Masar iyo Suudaan oo isku dhinac ah iyo Itoobiya oo dhinaca kale ah ay isku hayaan mashruuca biyo xireenka Itoobiya ee ay ku kacday lacag dhan $4.6 bilyan oo doolar, labada waddan ee Carbeed ayaana ka cabsi qaba in tallaabada biyaha looga weecinayo Wabiga Nile ay horseedi karto inuu isdhimo xowliga biyaha ay helaan, gaar ahaan xilliyada abaaraha.

Hanjabaadda Masar

Dhowr jeer ayay dowladda Masar ku celcelisay in aysan u dul qaadan doonin cid walba oo isku dayda inay mashruuc ka sameysato wabiga Nile.

Saamiga ay Masar ku leedahay biyaha wabiga Nile waa “mid lama taabtaan ah” haddii uu wax u dhimo biyo xireenka ay Itoobiya sameyneysana waxaa arrintaas ka dhalan doonta “cawaaqib xumo saameysa gobolka” ayaa lagu yidhi warka kasoo baxay madaxweynaha dowladda Masar.

Si toos ah ayuu Cabdifataax Al-Siisi ugu gooddiyay Itoobiya haddii ay ku sii adkeysato inay buuxiso biyo xireenka muranku ka taagan yahay.

“Ma jirto cid qaadan karta dhibic ka mid ah biyaha Masar, qof walba oo taas inuu isku dayo rabana ha isku dayo. Anigu cidna uma hanjabayo hadda, wadahadalku mar walba wuu furan yahay, laakiin qofna dhibic kama qaadan karo biyaha Masar haddii ay taas dhacdana waxaa ka dhalan doonta xaalad aan wax ka qabasho lahayn oo ku imaan doonta gobolka,” ayuu yidhi A-Sisi..

XIGASHADA SAWIRKA,ISMAIL OMAR GUELLEH

Ma aha markii ugu horreysay ee ay Masar hanjabaadda noocaasi ah jeediso.

William Davison, oo ah falanqeeye ku xeel dheer arrimaha Itoobiya ayaa telefishinka Al-Jasiira u sheegay in Itoobiya aysan u muuqanin mid u joojineysa hadalka Masar.

“Waa run in xiisaddu ay mar kale soo cusboonaatay markii ay Itoobiya waqti u qabatay buuxinta biyo xireenka ee sanadka dambe, xiisad noocan oo kale ah ayaa kacday markii sanadkii lasoo dhaafay la billaabay buuxinta, laakiin runtii ma filayo in Itoobiya ay baddali doono mowqifkeeda ku aaddan arrintan, oo ah inay sii waddo dhismaha iyo buuxinta biyo xireenka,” ayuu yidhi.

Mareykanka iyo Qaramada Midoobay ayaa dadaal weyn ugu jira sidii xal loogu heli lahaa murankan oo sannado soo jiitamayay.

Dagaal ma dhex mari karaa Masar iyo Itoobiya?

Maadaama la isku mari waayay wadaxaajoodka, suurtagal ma tahay in arrintu ay isku baddasho ficil milatari?

Dad badan oo ka mid ah kuwa wax indha idheeya waxay sheegaan in dagaalka adduunka ee xiga uu noqon doono mid ay sabab u yihiin biyo, waxaana jira dhowr meelood oo ka mid ah caalamka, oo ay ka taagan yihiin xiisado la mid ah tan ka jirta gacanka Nile.

Ismari waaga dhismaha biyo-xireenka Nile-ka wuxuu horseedi karaa dagaal ku saabsan biyaha haddiiba ay Itoobiya heshiis la gaari weyso Masar iyo Suudaan, inkastoo qolyaha arrintan u dhuun daloola ay rajo ka qabaan horumar laga gaaro xaaladda ka taagan gobolka.

“Masar waxay Hibo u tahay wabiga Nile”, sidaas waxaa oran jiray faraaciintii hore, laakiin waxay Ilaah ahaan u caabudi jireen wabiga Nile-ka.

Kumannaan sano ka hor iyo waliba xilliyadii ugu dambeeyayba, Masar oo gacan ka heleysa gumeystaha Ingiriiska waxay khilaaf ku lug lahayd khilaaf siyaasadeed oo salka ku haya wabiga Nile. Waxay Masaaridu damacsanaayeen in wabiga qulqulkiisa loo soo weeciyo dhankooda oo kaliya,si ay iyaga uun uga faa’iideystaan.

.

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka,Biyo-xireenka Itoobiya laga dhisayo wuxuu noqon doonaa kan ugu weyn Afrika

Hase yeeshee, Itoobiya ayaa mar walba hortaagneyd rabitaankaas, maadaama ay tahay waddanka uu ku dhammaado wabiga.

Sanado badan ayey taagneyd sheekada la xiriirta in biyo-xireen laga dhiso Blue Nile, balse markii ay Itoobiya billowday inay dhisto biyo-xireenka, waxaa qarxay kacdoonkii dalalka Carabta, Masarna waxay la tacaaleysay arrimo gudaha waddankeeda ah.

Dagaalladii horay u dhex maray labada waddan

labo jeer ayuu dagaal dhex maray labadan waddan, Itoobiya ayaana ku guuleysatay labadaba, sida ay sheegeen dad badan oo ku xeel dheer taariikhda.

Masar waxay noqotay waddan awood milatari oo aad u weyn ku leh qaaradda Afrika xilligii ay soo ifbaxday boqortooyadii Cusmaaniyiinta.

Sidaas awgeedna in ay Itoobiya dagaal la galaan waxay ahayd lama huraan, maadaama ay Itoobiya ahayd boqortooyo awood weyn ku leh qaaradda.

Bishii Dsembar ee sanadkii 1874-kii, ciidamo ay leedahay Masar, oo tiradoodu dhan tahay 1,200 oo askari ayaa ka baxay dkadda Kassala, waxaana hoggaaminayay sarkaal u dhashay Switzerland oo lagu magacaabi jiray Monsinger.

Durba waxay qabsadeen Killin.

.

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka,Suldaan Ismaaciil wuxuu goob joog u ahaa 2 dagaal oo ay Masar la gashay Itoobiya

Bishii October ee sanadkii 1875-kii, ciidamo kale oo ka socday Masar, oo uu hoggaaminayay korneyl u dhashay Denmar oo lagu magacaabi jiray Sorn Arendob ayaa qabsaday gobolka Genda, waxayna ergay u direen boqorkii Itoobiya xilligaas heystay ee John VI, iyagoo ka dalbaday in la calaamadeeyo xuduudda.

Laakiin ergada intii aysan boqorka gaarinba, waxaa ka hor maray war sheegaya in Masaaridu ay ciidamadooda ku xoojiyeen 2,000 oo askari, ayna ku jiraan Ciidda Itoobiya.

14-kii bishii Nofembar, 1875-kii, ciidamadii uu watay korneyl Arendub waxaa lagu weeraray gobolka Gondet.

Ciidamada halkaas ka joogay Masar oo ay tiradoodu ahayd 2,500 waxay la fajaceen sida ay ciidankii Itoobiya u isticmaalayeen hubka gacanta lagu qaato.

Markii la gaaray 16-kii Nofembar, dagaalkii wuu dhammaaday, wax yar ayaana ka badbaaday ciidankii Masaarida.

Dagaalkii Gore – 1876

Ka dib markii Masar looga adkaaday dagaalkii hore, ciidamada Masar oo tiradooda la gaarsiiyay 20,000 oo askari ayaa weerar ku qaaday Itoobiya sanadkii 1876-kii, waxaana markaas hoggaaminayay Maxamed Rateb Pasha iyo Janaraal u dhashay Mareykanka oo la oran jiray William Loring.

Markii ugu horreysayba ciidankii Masaarida waxay gudaha u galeen magaalada Gore ee dalka Itoobiya, halkaas ayeyna fariisin ka sameysteen.

5-tii iyo 6-dii bishii Nofember, ciidamo Itoobiyan ah oo ay tiradoodu dhan tahay 200,000, aadna u hubeysan ayaa billaabay weerar ka dhan ah ciidankii Masaarida.

8-dii iyo 9-kii bishii Maarso ee sanadkii xigay, Ciidamadii Itoobiya waxay weerar ku qaadeen magaalada Gora, 10-kii bishaasna abaan duulihii ciidamada Masaarida ayaa qaaday dagaal rogaal celis ah, si weyn ayaana Masaarida loogu jabiyay halkaas.

12-kii Maarso, qunsulkii Faransiiska ee magaalada Massawa, oo lagu magacaabi jiray Monsieur Sarzac, ayaa tagay goobta dagaalka, ciidamadii dhaawaca ahaa ee Masaaridana waxaa loo daad gureeyay magaalada Massawa.

Ciidamadii Itoobiya waxay markaas ku hareen goobta dagaalka, waxayna la wareegeen qalab ciidan oo aad u farabadan oo ay wateen ciidamadii Masar.

Isbarbardhigga awoodda Masar iyo Itoobiya

Marka ay timaado awoodaha milateri ee dalalka Masar iyo Itoobiya, milateriga Masar waxaa lagu qiimeeyay in uu kamid yahay tobanka dal ee ugu awoodda badan caalamka, dhanka milateriga.

Shabakadda The global fire power oo inta badan wax ka qorta awoodaha milateri ee dalalka caalamka ayaa warbixin ay soo saartay sanadkan 2020 ku sheegtay in milateriga Masar uu yahay kan 9-aad ee ugu awoodda badan dunida, halka milateriga dalka Itoobiyana uu yahay kan 60-aad ee ugu awoodda badan dunida.

Awoodda milateri ee Masar

CN

XIGASHADA SAWIRKA,CN

Wargeyska The Forbes ayaa milateriga waddanka Masar ku tilmaamay kan ugu awoodda badan dalalka bariga dhexe marka laga soo tago Turkiga oo ah dalka ugu awodda badan gobolkaas.

Shacabka dalka Masar oo ku dhow boqol milyan oo qof ayaa tirada dadka dagaalami kara waxaa uu wargeyska Global fire power ku qiyaasay in ay yihiin 43 milyan oo qof, halka kuwa hawgalka hore ka geli kara ay yihiin 36 milyan oo qof.

Ciidanka milateriga ee dhulka ee u diiwangashan Wasaaradda Gaashaandhigga ee Masar ayaa tiradoodu waxaa ay gaareysaa 920 kun oo askari, halka ciidammada hadda ka hawl gala ay tiradoodu gaareyso 440 kun oo askari. Dowladda Masar ayaa sidoo kale heysata ciidamo keyd ah oo gaaraya 480 kun, kuwaas oo haddii loo baahdo dagaal gali kara saacad walba.

Global Fire Power waxaa uu soo wariyay in Masar ay heysato 4,295 oo ah taangiyada dagaalka, 11,700 oo ah baabuur gaashaaman, 2,189 oo ah gantaallada goobta laga rido iyo 1,084 oo ah madaafiicda wax duqeeya.

Egypt Daily

XIGASHADA SAWIRKA,EGYPT DAILY

Dhanka ciidammada badda ee Masar waxay shabakadda global Fire Power ku sheegtay in agabka ay heystaan uu guud ahaan gaarayo 316.

Ciidanka badda ee Masar ayaa heysta laba markab oo ah kuwa qaada diyaaradaha, kuwaas oo ay adag tahay in la helo dal kale oo Afrikaan ah oo heysta.

Waxaa ay xukuumadda Qaahira heysataa oo kale 2 markab oo ah kuwa dagaalka, siddeed gujis oo ah kuwa badda hoosteeda mukhuurta, 45 markab oo ah kuwa kormeera xeebaha iyo 31 maraakiib oo ah nooca badda ku aasa miinooyinka ama burburiya miinooyinka badda lagu aaso.

Milateriga Masar ayaa sanadkiiba waxaa lagu kharash gareeya lacag dhan 3 bilyan oo doolar, waxaana qeyb ahaan lacagtaas bixiya Dowladda Mareykanka.

Ciidanka cirka ee Masar ayaa heysta 215 diyaaradood oo ah nooca dagaalka, 59 diyaaradaha milateriga ee xamuulka qaada ah, 387 oo ah diyaaradaha lagu tababaro cidamada cirka, 294 oo ah diyaaradaha qumaatiga u kaca ee helikobtarka loo yaqaano iyo 81 oo ah helikobtarada wax weerara.

Awoodda milateri ee Itoobiya

All Africa

XIGASHADA SAWIRKA,ALL AFRICA

Itoobiya oo kamid ah dalalka geeska Afrika ugu awoodda badan ayaa tirada dadka ku nool waddankaas waxa ay gaarayaan 108 milyan oo ruux.

Dadka awoodi kara inay dagaallamaan ayaa lagu qiyaasay 41 milyan oo qof, halka kuwa dagaal geli kara ee hataan u diiwaan gashan Wasaaradda Gaashaandhigga ee dalkaas ay gaarayaan inta u dhaxeysa 162 kun ilaa 300 oo kun oo askari.

Milateriga dalka Itoobiya ayaa GFP uu kusoo wariyay in uu heysto 400 oo taangiyada dagaalka ah, 114 oo ah baabuurta gaashaaman ee dagaalka, 67 gantaallada dhulka lagu rakibo ee artilariga loo yaqaanno iyo 183 oo ah madaafiicda wax duqeeya.

Ciidamada cirka ee Itoobiya waxaa la sheegaa in ay yihiin kuwa awood badan, marka loo eego kuwa geeska Afrika, waxaana dhawaan ciidankooda ay ku xoojiyeen hannaanka gantaallada difaaca cirka oo ay kasoo iibsadeen dalka Faransiiska.

Diyaaradda dagaalka ee Itoobiya ayaa lagu qiyaasay 24 diyaaradood oo ah kuwa miigga loo yaqaanno, 9 diyaarad oo ah kuwa xamuulka qaada, 20 diyaarad oo ah kuwa lagu tababaro ciidamada cirka, 33 diyaaradood oo ah nooca qumaatiga u kaca ee helikobtarka iyo 8 noocyadaas ah oo ah kuwa wax duqeeyaFana broadcasting

XIGASHADA SAWIRKA,FANA BROADCASTING

Itoobiya ma lahan wax ciidan bad ah, maadaama aysan lahayn bad.

Qaar ka mid ah warbaahinta Itoobiya ayaa sanadkii hore kusoo warramay in dowladda Faraniiska ay Itoobiya ka caawineyso dib u dhiska ciidanka badda oo la kala diray sannadkii 1991-kii, ka dib markii Eritrea ay ka madaxbanaanaatay Itoobiya, halkaas oo saladhig u ahayd ciidanka badda ee Itoobiya.

Inkastoo Dowladda Itoobiya aysan si rasmi ah u shaacinin halka uu noqonayo saldhigga ciidamadooda badda, haddana sannadihii la soo dhaafay waxaa jiray warar sheegayay in saldhig looga dhigi doono dalalka Eritrea, Jabouti ama Sudan, iyadoo dadka qaarna ay hadal hayeen Soomaaliya.

Wargeyska oo soo xiganaya ilo dowladda ah ayaa sheegay in Itoobiya ay go’aansatay in saldhigga ciidanka badda laga dhiso dalka Jabuuti.

ETV

XIGASHADA SAWIRKA,ETV

Sida uu wargeyskaas qoray arrintan waxaa lagaga hadlay kulan Abiy Axmed iyo Ismaaciil Cumar Geelle ku dhexmaray dalka Jibuuti.

Hasayeeshee, wararkaas waxaa beeniyay safiirka Jabuuti u fadhiya dalka Itoobiya, Maxamed Idiris Faarax, oo yiri: “Warkaas waa war jaraa’iddada Itoobiya dhex socda, kuwaas oo sheegaya in ciidanka badda ee Itoobiya ay saldhig ku yeelanayaan Jabuuti, warkaasi ma ahan war rasmi ah,” ayuu yiri.

Maxamed Idiris Faarax ayaa intaas ku daray: “Ma heyno wax heshiis ah oo labada dowladood ay isla gaareen, haddii ay noqoto in heshiis la gaarana wuxuu noqonayaa heshiis saddex geesood ah oo dhexmara Faransiiska, jabuuti iyo Itoobiya”

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom