telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

Ra’iisul Wasaare Rooble Oo Guddi Usaaray Xubnaha Guddiga doorashada

Ra’iisul Wasaare Rooble oo guddi u saaray xubnaha guddiga doorashada

Rooble

Ra’iisul Wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddi heer wasiirro ah u saaray xaqiijinta xubnaha maamulka guddiga doorashada ee labada heer ee ay cabashadu ka taagan tahay.

Arrintan ayaa qeyb ka ahayd heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran ee dhowaan lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Maxaa lagu heshiiyay?

Tubta xallinta khilaafka Guddiyada maamulka doorashooyinka :

Golalaha Wadatashiga Qaran ayaa go’aamiyey, iyadoo la tixraacayo soo jeedintii Guddiga Farsamada Baydhabo, in Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka loo soo gudbiyo xubnaha Guddiyada maamulka doorashada ee labada heer ee cabashadu ka jirto muddo 3 maalmood gudahood ah si loo badalo. Wakhtigu wuxuu ka bilaabanayaa markii ay Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranku saxiixaan heshiiskaan.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya markii ay soo gaarto xogta xubnaha cabashada laga qabo, uuna xaqiijiyo cadeymaha xogtaas wuxuu u gudbinayaa ciddii soo magacawday si loo keeno badalkeeda, loona faafiyo muddo 2 maalmood gudahood ah.

Guddiyadu waxay iska dhex dooranayaan guddoonkooda kadib markii ay soo dhameystirmaan

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom