telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

Doorashada Somaliland:- Codeyntani Maka Caawin Kartaa In Ay Aqoonsi Hesho ?

Shacab ku labbisan calanka Somaliland

Shacabka Somaliland ayaa rajeeynaya doorashada Isniinta maanta ah bilalabatay inay sare u qaaddo fursadaha Jamhuuriyadda iskeed madax banaanida ugu dhawaaqday ay ku hesho aqoonsi caalami ah, sida ay qortay Mary Harper oo falanqeysa arrimaha Geeska Afrika.

“Ma sugi karo inaan codkeyga dhiibto,” ayey tiri Yasmin Cabdi oo 15-jir ah. “Waxaan dareemayaa inaan hadda ahay qof qaan gaar ah, waxaanna dareemayaa inaan dal leeyahay.”

Iyada oo qofka 15 jirka ah loo oggol yahay inuu codeeyo maadaamaa loo arko inuu qaan gaaray, Yaasmiin waxay jirtaa kala bar inta ay jirto Somaliland oo ah 30 sano, iyada oo 30 guuradi ka soo wareegtay gooni iisu taaggeeda u dabbaaldegtay 18-kii bisha May.

Tani iyo markii ay Somaliland ku dhawaaqday iney xorriyaddooda ka qaateen Soomaaliya, Somaliland ma helin aqoonsi caalami ah oo qarannimo looga aqoonsado, iyada oo ay leedahay Baasboor, Lacag, Calan, Dowlad iyo Ciidan u gaar ah.

“Somaliland waa meesha keli ah ee Gobolka Geeska Afrika ay ka dhacdo nooc ka mid ah doorasha Dimuqraadiyad u dhow sanadihii ay soo jirtay,” ayuu yiri agaasimaha machadka Rift Valley Mar Bardbury.

Guddoomiye-ku-xigeenka xisbiga talada haya ee Kulmiye, Axmed Dheere, wuxuu qabaa dareen la mid ah Mr Bradbury. “Kuuma sheegi karo sida ay muhiim u yihiin doorashooyinkaan,” ayuu yidhi. “Waxaan noqon doonnaa qoraxda Geeska Afrika hadii aan helno doorashooyin guuleysta.”Qaar ka mid ah taageerayaasha xisbiga mucaaradka Caddaaladda iyo Horumarka ee SomalilandShacabka ku nool Somaliland 70% da’doodu waxaa lagu qayaasaa iney 30 jir ka yar tahay

Somaliland ayaa u muuqata mid ay dimuqraadiyaddeeda ka wanaagsan tahay waddamada kale ee gobolka, balse nidaamkeedu waa mid hufnaan ka fog.

Doorashada baarlamaanka ayaa wakhtigii la rabay iney ku dhacdo kaddib dhacday muddo 10 sana ah. Halka ay doorashada Golaha Deegaankana ay dhacday afar sana ka hor.

Xirsi Cali Xaaji oo ka tirsan xisbiga mucaaradka ee Waddani wuxuu xildhibaannada uu ku eedeeyey iney iyagu sabab u yihiin dib u dhaca doorashada.

“Xildhibaanno badan ayaa ah daneystayaal hunguri uu wado. 15-kii sano ee ay golaha ku jireen wey ku naaxeen mana doonayaan iney kuraasta banneeyaan. Waxaan sidoo kale eedeynayaa dowladda maxaa yeelay waxay ka faa’iideysatay xaaladda hadda jirta. “

Suxufiyiinta la xiray

Waxa kale oo jira dhibaatooyin kale. Golaha Wakiilada Somaliland ayaa waxaan xubno ah ku lahayn beelaha laga tirada badan yahay, haweeney keli ah ayaana ka mid ah golaha ka kooban 82 mudane, inkasta oo haween badan ay hadda doorashada ka tartamayaan.Shan musharrax oo mucaaradka ah ayaa la xiray ka hor codbixinta. Aragtida dowladda ee ku wajahan warbaahinta ayaa qallafsan, iyadoo saxafiyiinta la dhibaateeyey lana xiray, xafiisyadii warbaahintana la xiray.Barkhad Jamac Xirsi Batuun, oo ka tirsan xisbiga mucaaradka ee Waddani oo ku ololeynaya cagafcagafBarkhad Jamac Xirsi Batuun, oo ka tirsan xisbiga mucaaradka ee Waddani ayaa ah musharraxa keli ah ee ka soo jeedo dadka laga tirada badan yahay

Dadaallo ayaa la sameeyay si looga hortago in xisbiyada siyaasaddu ay aad ugu dhawaadaan qabaa’illada , iyadoo seddex keliya loo oggol yahay inay ku tartamaan doorashooyinka sharci dejinta.

Balse guddoomiyaha xisbiga Caddaaladda iyo Horumarka, Feysal Waraabe wuxuu ka digayaa iney weli qabyaaladdu halisteeda leedahay.

“Nidaamka qabaliga ee aan leennahay ma aha mid ku wanaagsan dimuqraadiyadda. Waa inaan qabyaaladda suulinnaa. Haddii kale Somaliland waxay ku dambeyn doontaa sida Yemen, oo ay beelihi ku tartamayey naftoodana halligeen dalkoodana kala qaybiyeen,” ayuu yiri.

Feysal wuxuu doonayaa inuu baabi’iyo golaha guurtida ama odayaasha oo ay ka tirsan yihiin hoggaanka sare ee beelaha ugu muhiimsan ee Somaliland.

“Tani iyo 1993-kii dadki joogay unbaa jooga, haddii uu hoggaamiye dhaqameed uu dhintana wiilkiisa ayaa lagu beddelaa. Taasina ma aha dimuqraadiyad,” ayuu yiri.

Xaaladda Somaliland in la barbardhigo xaaladda Somalia wey adagtahay.

“Iyada oo ay jiraan caqabado jiro, hadda Somaliland (marka la eego sida ay dadkeeda u daneyneyso) waxay hal milyan oo mayl ay ka fogtahay Soomaaliya, taas oo sii adkaysanayso inaan qayb ka nahay dhulkeeda, haddana aan awoodin inay qabato xitaa doorashooyin dadban, “ayuu yidhi Cabdi Axmed, oo arday ka ah Jaamacadda Hargeysa.

line

Somaliland iyo Soomaaliya

Diyaarad dagaal oo uu Ruushka sameeyey oo la adeegsan jiray 1989-yadii ayaa la suray bartamaha magaalada Hargeisa taasoo loogu talagalay iney xusuus u noqoto shacabka Somaliland.
  • Gobollada Waqooyi oo ay guumeysaneysay Britain, Somaliya waxay la midoowday 1-da July 1960-kii.
  • Waxayna gooni iisu taaggooda ku dhawaaqeen 1991-kii marki xilka laga tuuray keligii taliskii Maxa’ed Siyaad Barre
  • Arrintaasi oo timid marki ay dhaceen dagaallo ay tobannaan kun ku dhinteen magaalooyinna dhulka lala simay.
  • Somaliland waxaa ku nool dad gaaray 3.5 malyan, halka ay Soomaaliyana 15 malyan ay ku nool yihiin.
Presentational grey line

Madaxweynaha Soomaaliya Max’ed Cabdullaahi Farnmaajo, wuxuu ballan qaaday doorasha qof iyo cod ah inuu 2020-ka qabanayo, balse taa weli ma dhicin.

Dalku hadda wuxuu u turunturoonayaa dib-u-dhac aad u badan oo ku yimid geeddi-socod ah ay ku lug leeyihiin odayaasha qabaa’ilka taasoo aakhirka horseedi doonta iney wakiilladu doortaan madaxweyne cusub.

Farmaajo markuu isku day uu sameeyey uu ku guul darreystay, oo uu ku darsaday laba sano oo muddo kororsi ah waxaa ka dhalatay iney ciidamada ammaanku qaybsamaan iyada oo qaarna ay madaxweynaha taageereen qaarna ay mucaaradka la safteen.

Kooxo hubeysan ayaana la wareegay qaybo ka mid ah caasimadda Muqdisho, iyada oo ay daba socdeen mudaaharaadyo kooban oo rabshado watay.Ciidamo ka tirsan millatariga Soomaaliya ee taageeraya hoggaamiyayaasha mucaaradka oo dawladda ka soo horjeedda ayaa is urursaday ka hor inta aysan u ambabixin xeryahooda Muqdisho, Soomaaliya, sawirkan oo la qaday Maajo 7, 2021Khilaafkii doorashada Soomaaliya ayaa horseeday iska hor imaad hubeysan oo ka dhacay magaalada Muqdisho

Dadka ayey layaab ku noqon kartaa in dal aan cago badan ku taagneen uu qabanayo doorashadiisii toddobaad tan iyo markii uu ka go’ay Soomaaliya, oo ah waddan aan muddo 50 sano ka badan aanay ka dhicin codbixin dimuqraadi ah – waxyar uun ka hor sanadkii 1969 Siyaad Barre markuu xukunka inqilaab kula wareegay.

Calamo shisheeya ayaa ka babbanaya Somaliland

Iyada oo ay Soomaaliya muddo 30 sana ah la daalaa dhaceyso dagaallo beeleed iyo mid ay ku hayaan kooxa Islaami ah, Somaliland ayaa iyadu ah mid aad u nabdoon.

Doorashadi ugu xamaasadda badneyd ee sida weyn looga loollamayna waxay ahayd, tii dhacday 2003-dii oo uu Daahir Riyaale Kaahin uu madaxweynanimo ugu guuleystay cod aad u yar oo dhowr boqol ah ama ku dhawaad 0.01%.

Doorashadi madaxweynanimada Somaliland waxaa la qabtay 2017-kii. Iyada oo madaxweyne uu xilka hayn karo oo keli ah laba middo xileed oo halki muddo xileedba uu yahay shan sano, iyada oo doorashada xigto ay dhici doonto 2022-ka.Ololaha taageerayaasha xisbiga KulmiyeOlola doorasha oo dhacaya iyada oo uu taagan yahay faafitaanka fayraska korona

Ictiraaf raadinta Somaliland ee 30-ka sano jirtay ayaan weli jawaab helin iyada oo ay ku dhaceysay dhago aan wax maqal.

Quwadaha shisheeye waxay ku doodayaan in maqaamka Somaliland ay go’aan ka gaadhi karaan Midowga Afrika, oo ka cagajiidaya inuu arko dawlado kala go’ay maadaamaa ay u arkaan xuduudahaba iney yihiin kuwo ay Afrikaanku dhex dhigeen guumeystayaasha.

Inkasta oo aanay si rasmi ah dal ahaan ugu jirin, haddana waxaa soo badana waddamada xiiseynaya ay ay soo jiidatay Somaliland ee ka imanaya qaybaha kala duwan ee adduunka.

Calammada shisheeya ee ka babbanayo Hargeisa ayaa sii kordhaya, iyada oo ay waddamabadan ay Qunsullo iyo Xafiisyo matala ay ka furteen.

Waddamadaasina waxaa ka mid ah Jabuuti, Itoobiya, Turkiga, Uk, Denmarka, Iisu tagga Imaaraadka Carabta (UAE), iyo Taiwan oo u aragto iney Somaliland “Walaal” u yihiin, maadamaa ay labaduba wadaagaan iney helin aqoonsi caalami ah.

Kenya oo khilaaf siyaasadeed oo xooggan uu kala dhaxeeyo Somaliya iyo Masarna waxay qorsheynayaan iney iyaguna dhawaan ka furtaan.

xiisaha sii kordhaya ee Somaliland loo qaboKhariidadda Somaliland

1px transparent line

Somaliland ayaa ku taalla meel Istiraatiiji oo aad muhiim u ah oo ku beegan meel ka mid ah meelaha adduunka ugu adag. Waxayna ku beegan tahay marinka laga galo Facanka cadmeed iyo Badda Cas.

Gigada diyaaradaha ee Berbera Midwogii Soofiyeeti wuxuu ka dhisay waddada ay diyaaraddu soo caga dhigato oo dhererkeedu yahay 4 km taasoo ka dhigeyso mid ka mid ah kuwa ugu dheer Afrika, xilliga uu socday dagaalki qaboobaa ee kala dhaxeeyey Mareykanka.

Heshiiski dekadda ee Imaaraadka

Malaha qalalaasaha ka jira Itoobiya ayaa ka dhigaya Somaliland xitaa mid aad u soo jiidasto quwadaha shisheeye, iyada udub dhexaad u noqon doonto xasilonida maadaamaa gobolka intiisa badan ay dhibaatoyin ka jiraan.

Sida oo kale waxaa jiro fursado dhaqaale.

2016-kii UAE waxay Somaliland la gashay heshiis qiima ahaan uu ku kacayo $500 oo malyan oo doolar oo ay ku hormarineyso dakadda Berbera, oo loo arko “Kan ugu muhiimsan ee Geeska Afrika ku yaalla”.

Waddada isku xidho Berbera iyo Itoobiya ayaa la dhisay si ay Itoobiya ugu noqoto fursad kale oo ay deked ku isticmaali karto maadaamaa dekadaha Jabuuti uu cidhiidhi badan ka jiro.neef Geel ahSoomaalidu Geela aad ayey u jeceshahay oo xataa wey u gabyaan

Somaliland oo hodan ku ah xoolaha nool sida Geela, Ariga iyo weliba Idaha ayaa u iibgeysa waddamada Khaliijka.

Malaayiin xoolaha nool ayaa sanad walba la dhoofiyaa, Geela maraakiibta waxaa laga saaraa dusha sare halka adhigana qaybaha hoose lagu qaado.

Sida oo kale wuxuu leeyahay kheyraad kale oo dabiici ah sida keyd shidal oo aan weli la shaacin, dhuxul iyo dhagaxaannta qaliga ah. Badduna sida oo kale waxaa ka buuxa kheyraad kalluun oo aad u badan.

Dadka qaar waxay rajo ka qabaan waxa ay doorashooyinkan Soomliland ku soo kordhin doonaan.

Axmed Dheere o ka tirsan xisbiga Kulmiya wuxuu aaminsan yahay in codbixinta ay Somaliland ka caawin karto iney gaaro himilaeeda ugu dambeysa.

“Haddii aan helno xuquuqdan, waxaan u maleyneynaa in nala aqoonsan doono,” ayuu yidhi.

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom