telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

Doorka Qurbajoogga Somaliland Ee Codbixinta Doorashooyinka JSL 2021 “Tilmaamo Ku Socda Gudiyada Jaalliyadaha Iyo Guud Ahaan Qurbajoogga” Qalinkii Xasan Afgaab

Doorka Qurbajoogga Somaliland ee Codbixinta Doorashooyinka JSL 2021
“Tilmaamo ku socda Gudiyada Jaalliyadaha iyo guud ahaan Qurbajoogga” Qalinkii Xasan Ahmed Yousuf ( Xasan Afgaab) 

Hargeisa(Gaaroodinews) Dalka Jamhuuriyadda Somaliland Wuxuu U Dareerayay Doorashooyinka isku sidkan ee Tooska ah ee Golaha Wakiillada iyo Golayaasha Deegaanka Maalintii Isniinta Ee May 31, 2021 guud ahaan lixda gobol ee waaweyn oo leh 23 degmo doorasho  iyo 2,709 Goob Doorasho taasoo ay ka qaybgaleen Seddex Xisbi Qaran (UCID, KULMIYE, WADDANI), 1,065.847 Codbixiye, 789 Musharrax (246 Baarlamaan & 552 Deegaan,  ku jiraan 27 haween), 30,000+ Hawl-wadeen, inka badan 10,000 Gaadiid ah, kumanaan Ciidamada Ammaanka ee sida gaarka ah u tababaran ah oo goob walba ku sugnaa Hay’adaha Dawliga ah ee kala duwan , heer dawlad dhexe, illaa heer degmo, ururada bulshada ama Jilayaasha aan Dawliga ahayn iyo qaybaha bulshada Somaliland oo dhan ayaa xilku saarnaa ama door ku lahaa ka wada shaqaynta hawlaha doorashada, ilaalinta amniga, anshaxa iyo nidaamka wanaagsan ee hawsha doorashada isku sidkan

Warbaahinta Qaranka iyo Tamadaxabannaan ayaa iyaguna door weyn ka ciyaaray  Soo tabinta iyo baahinta wararka Xaqiiqada ku salaysan ee habsami Usocodkii hawlaha doorashada maalintii codbixinta iyo maalmaha xigaba. Sidii Caadada ahayd, Waxaa jiray goob- joogayaal maxalli ah oo Tegay goobaha codbixinta, dalkana ku wareegaayay
Sidoo kale, waxaa ka soo qaybgalay Doorashadan Goob-joogayaal caalami ah oo kala socda dhawr iyo  toban wadan weliba Afrika ay Oodaha Aoo Goosatay doorkan. Waxaa ka mid ah wadamada: Ethiopia, Kenya, Uganda, Ghana, Zimbabwe, Liberia, Tanzania, Namibia, Sierra Leone, Mozambique, South Africa, UK, USA, Canada,  iyo dalal kale, Danjirayaal ama Safiirro, iyo Ergooyinka u fadhiya intooda badan wadamada Midawga Geeska iyo Bariga Afrika, Ururo, Dawladeedyo, 31 Goob-Joogayaal Caalami ah oo intooda badan ka socda Afrika, Madaxweynihi hore ee Sierra Leone, Diblamaasiyiin farabadan, Siyaasiyiin, Aqoonyahanno, Hay’ado Caalami ah, Wariyayaal ka socda saxaafadda gobolka iyo dunida.
Doorshadan oo isku sidkan ee Golaha Wakiillada iyo Dawladaha Hoose ayay Xukuumadda talada haysa iyo shacabka Jamhuuriyadda Somaliland qabsanayeen dhaqaale ahaan iyo farsamo ahaan ba iyadoo aan cid kale waxba lala kaashan, waa doorasho si ballaadhan oo dhamaystiran dhinac walba loogu diyaar garoobayay. U diyaar garawga doorashadu wuxuu socday muddo sagaal bilood ah, ololihii doorashaduna wuxuu ku soo dhammaaday jawi qurux badan oo nabadgelyo, is qadarin, anshax ilaalin, bisaylnimo, wadaniyad, iyo midaysnaan badani ka muuqatay mudadii uu socday. Dhinaca kale, waxaa lagu sii talo galay doorashadan waxkasta oo dhici kara ama soo bixi kara sida loo maaraynayo ee garsoorka dalka iyo sharciga  waafaqsan. Waxaa tababarro la siiyay Hawl-wadeennada ka shaqaynaya codbixinta ee Koomishanka Doorashooyinka Qaranka, lana dhaariyay, waxaa sidoo kale la sii tababaray goob-joogayaasha maxalliga ah iyo Garsoorayaasha Maxkamadaha ikhtisaaska u leh wixii dacwado uga yimaada natiijooyinka doorashada haddiiba la arko.
Doorka muwaadiniinta Somaliland ee qurbaha ku baahsan ayaa isaguna noqonaya sidii dhaqanka iyo caadada ahayd inay wararka guusha Somaliland gaadhsiiyaan goonyaha caalamka. Hadaba iyadoo aan ka faa’iidaysanayno fursaddan qaaliga ah, waxaan ugu baaqayaa Qurbajoogga Somaliland, Gudiyada Jaalliyadaha sharafta leh, Ururada Jaalliyadaha dhisan, Ururada Xirfadleyaasha ah, Mutadawaciinta igman, Aqoonyahanka iyo guud ahaan qaybaha bulshada Jaalliyadaha Somaliland ee ku baahsan wadamada caalamka inay sidii lagu yaqaannay ee wadaniyadda iyo dal jacaylku ku dhehnaa isaga xilsaaraan oo ay ka qaybqaataan  weynaynta doorashadan taariikhiga ah maalinta codbixinta iyo todobaadka  shaacinta natiijooyinka iyo dhamaystirka doorashada lagu jiro iyagoo raacaya tilmaamahan:-
1)     Gudida Jaalliyad kastaa oo Somaliland ahi waa inay soo saaraan war saxaafadeed ku qoran afka koowaad ee luuqadda wadanka ay jaalliyaddu deggan tahay isla maalinta doorashada, isla markaana ay gudida jaalliyaddu ugu baaqdo xubnaha bulshada inay si weyn uga qaataan weynaynta munaasibadda doorashada Somaliland, lagu dhiirrigeliyo dhalinyarada, aqoonyahanka iyo dadka wax qori kara inay uga faa’iidaystaan fursadda doorashadan taariikhiga ah kor u qaadista wacyigelinta bulshada caalamka ee xaqiiqooyinka ka jira qarankan iskii wax u qabsaday;
2)     In Gudiyada Jaalliyaduhu u gudbiyaan codsiyo (Standard Petitions) hoggaamiyayaasha, goleyaasha iyo axsaabta ka jira wadamada ay joogaan iyagoo ka dalbanaya aqoonsiga iyo gargaarka horumarineed (Allaa gargaar leh) ee qarankani ka mudan yahay dunida, xubnaha jaalliyaduhuna si la mid ah u qoraan codsiyo xildhibaannada laga soo doorto deegaannadooda (Constituents) ee codkooda ku fadhiya goleyaasha baarlamaanka, gobollada iyo degmooyinka;
3)     In Gudiyada Jaalliyaduhu meelaha ay suurtagal tahay  qabtaan kulamo qaabilis ah (Receptions) ay ku soo martiqaadaan xubno kala duwan oo diblamaasiyiin, xildhibaanno, siyaasiyiin, suxufiyiin, qorayaal, maalgashadayaal iyo dhinacyo kaleba uguna soo bandhigaan guulaha qaranka JSL, xogta doorashooyinkan iyo qadiyadda gooni-isutaagga Somaliland ee 30 jirsatay, todobaadkan hore iyo mudada lagu jiro bisha June 2021 oo ku beegan Sannad Guuryada 61aad ee ka soo wareegtay markii ay Somaliland ka qaadatay madaxbanaanida Boqortooyadii Ingiriiska iyo Ireland June 26, 1966, haddii aanay qaban munaasabado dhaqan oo carruurta u baahan taariikhda dalkooda laga soo qaybgeliyo Xuska June;
4)     In la joogteeyo maqaallada ku qoran afafka kala duwan ee ku saabsan munaasibadda doorashada u qabsoontay Somaliland todobaadka ka dambeeya oo dhan, lalana wadaago laamaha warbaahinta elaktaroonigga ah, wargaysyada iwm;
5)     In xubnaha Gudiyada iyo dadka aqoonyahanka ah ee Jaalliyaduhu siiyaan waraysiiyo ku saabsan taariikhda dalka JSL, xaqiiqooyinka ku saabsan iyo dhacdada doorashada isku sidkan ee JSL  2021. Waraysiyada aad bixinaysaan ee aad warbaahinta wadamada aad joogtaan iyo kuwa caalamiga ah siin kartaan ayaa aad innooga muhiimsan oo ka waxtar badan kuwa aad siinaysaan warbaahinta Afka-Soomaaliga ku hadasha waayo bartil-maameedkeennu maaha dadka Af-Soomaaliga ku hadla ee dadweynaha caalamka oo dhan;
6)     In lagu baahiyo wararka, muuqaallada iyo sawirada la xidhiidha habsami u socodka codbixinta doorashada baraha bulshada internet-ka ay bulshada jaalliyaduhu isticmaalayaan idinkoo ku dadaalayaa inaad ku turjuntaan wararka muhiimka ah Afafka qalaad ee wadamada kala duwan lagaga hadlo, sidoo kalena, ay dhammaantood Qurbajooggu ka dhigtaan sawiradooda baraha bulshada Astaamaha Qaranka Somaliland iyo  sawirada khuseeya codbixinta doorashada;
7)     In bulshada Qurbajoogga Somaliland ee Jaalliyadaha wadamaada kala duwani sudhaan calanka Somaliland guryaha iyo meheradaha ay haystaan;
8)       In laga xigto wararka kaliya ilaha warbaahinta dadweynaha ee  hay’adaha qaranka ee ku shaqada leh warbaahinta iyo wacyigelinta bulshada gaar ahaan Wakaaladda Wararka JSL (SOLNA) https://warfaafintajsl.com/, https://www.facebook.com/slntvone/ www, slntv.tv oo markasta lagu hubo wararka xaqiiqada ku salaysan, sidoo kale, waxaad xigan kartaan mareegta Koomishanka Doorashooyinka Qaranka JSL https://slnec.org/, isla markaana waa inaad ka taxadirtaan wararka marin-habaabinta ah ee kuwa cadawga ku guusha Somaliland faafin karaan si ay “Like & Share” ugu raadsadaan nooc ay yihiin ba.
Maxay kaga duwan tahay doorashadani kuwii hore?
Illaa iyo intii ay Jamhuuriyadda Somaliland dib ula soo noqotay qaranimadeeda 1991, isla markaana la qaaday Aftida Dastuurka 2002, lana qaatay nidaamka dimuqraadiga ah ee Xisbiyada Badan (Multiparty system), waxay doorashadani u noqonaysaa tii seddexaad Goleyaasha Deegaanka kadib 2012kii (Municipal Elections) oo  isla wakhtigaas  markii labaad laga soo doortay Seddexda Xisbi Qaran ee immika jira Todoba Urur Siyaasadeed oo u tartamay Dawladaha Hoose sida waafaqsan Dastuurka in tobankii sanaba mar la doorto halka ay doorashadani u noqonayso tii labaad Golaha Wakiillada (House of Representatives) ee Sharci-dejinta oo markii u horraysay si toos ah loo soo doortay 2005tii. Sidoo kale, waxay Somaliland gashay seddex doorasho madaxtinimo (Presidential Elections) toos ah  2003, 2010 iyo November 2017 oo markasta oo si nabadgelyo iyo qori isu dhiib ah la isugu wareejiyay xilka. Dhacdooyinkan taariikhiga ah ee aaya-ka-tashiga iyo rabitaanka shacabka Somaliland ku salaysan, isla markaana ah dhaqan aan ka jirin gobolka iyo meelo badan dunida ayaa markasta lagu tilmaamaa mid mucjiso ah, indhaha caalamkana ku soo jeedisa Somaliland, waxtar badan iyo qiimo weynna ugu fadhida sii hirgelinta iyo hanaqaadka dimuqraadiyadda, dadaalka aqoonsi raadinta, siyaasadda arrimaha debadda iyo ka midho-dhalinta qadiyadda madaxbanaanida, nabadgelyada, siyaasadda, guud ahaan geeddi socodka horumarka iyo himilooyinka qarankani ku taamayo inuu gaadho.
Waxaa xusid  mudan in doorashadani kaga duwan tahay doorashooyinkii hore dhawr arrimood oo muhiim ah oo horumar iyo guulo qaran u ah bulshada Somaliland. Waa doorashooyin isku sidkan oo Golihii Wakiillada iyo Goleyaashii Deegaanka isku mar la soo dooranayo taasoo hawlo dheeraad ah ay Koomishanka Doorashooyinka, Hay’adaha Dawladda ee siyaabaha kala duwan ugu shaqada leh iyo bulshaduba u galayaan marka loo eego baaxadda cududa shaqaale ee qaybqaadanaysa, tirada goobaha codbixinta oo laba jibbaar ku dhaw, gaadiidka iyo tansiilaadka kale ee galaya. Waxaa ka qaybgalaya 1,065,847 Codbixiye oo ka badan 40.9% tiradii codbixiyayaasha ay KDQ Doorashadii Madaxtinimada November 2017 (704089) taasoo ka badan 361,758 codbixiye, waxaanay tirada codbixiyayaasha lixda gobol ee doorashadani uga badan yihiin doorashadii ka horraysay sidan: Maroodijeex 46.5%, Togdheer 32.9%,  Awdal 34.8%, Sanaag 32.6%, Sool 47.9% iyo Saaxil 47.3%.
Waa markii u horraysay ee ay Somaliland  iyadoo aan dhinacyo la kaashan xagga dhaqaalaha ku baxaya doorashada ku qabanayso  dakhligeeda iyo miisaaniyadda dawladda uun (80%+)  laba doorasho isku sidkan taasoo iyana ku tusaysa ama maragfur u ah isku tashiga umadda, koboca ama horumarka awoodda waxqabadka ee hay’adaha dawladda iyo ka-go’naanshaha (High Commitment) Madaxweynaha JSL,  Xukuumadda talada haysa iyo Axsaabta Qaranka in la ilaaliy  dastuurka, ku dhaqanka shuruucda dalka (Rule of law), lana xishmeeyo awoodda shacabka ee ka qaybgalka talada hoggaamineed wadanka.
U diyaar garawgii doorashadan, waxaa la xaqiijiyay dadaal iyo wakhti badan oo gaar ahaan golaha xukuumadda, sharci-dejinta iyo KDQ geliyeen dhamaystirka hawlaha doorashada, waxaa jiray wada shaqayn xooggan iyo wadatashi badan oo ka dhex jiray axsaabta qaranka iyo koomishanka doorashooyinka illaa laga gaadhayay ololihii doorashada kaasoo  lagaga arrinsanayay u diyaar garawga iyo qabashada doorashada. Ololihii doorashada ee musharrixiinta iyo axsaabta qaranku wuxuu ku dhacay jawi deggan oo bisayl siyaasadeed, anshax ilaalin iyo ku dhaqan sharci ka muuqdo, isla markaana muujiyay is dhexgal badan oo bulsho marka loo eego musharixiinta tirada badan iska sharraxay seddexda xisbi qaran ba, una baratayay taageerada bulshada.
Waxaa ka soo qaybgalay doorashadan Goob-joogayaashii ugu badnaa ee ka yimaada Qaaradda Afrika oo siyaasiyiin, diblamaasiyiin iyo aqoonyahan kaleba leh taasoo iyana tilmaamaysa horumarka laga sameeyay xagga diblamaasiyadda iyo istaraatiijiyadda siyaasadda arrimaha debadda. Tani waa astaan wanaagsan waayo in wadamada Afrika xog ogaal badan u noqdaan xaqiiqooyinka ka jira dalkan iyo xoojinta xidhiidhka iyo wada shaqaynta bulshada Afrika waxay aad iyo aad uga faa’iido badan tahay Somaliland Goob-joogayaal badan oo uga yimaada Yurub, Maraykan iyo Qaarada kale oo aan waxbadani innaga soo noqon waxay indhahooda ku arkeen. Laakiin is barashada Afrika waxay albaabada u furaysaa fursado siyaasadeed, dhaqan, is dhexgal gobol, iskaashi ganacsi iyo xidhiidhka caalamiga ah.

GUUL GOONI ISUTAAGGA SOMALILAND

Hassan Ahmed Yuusuf
La-Taliyaha Arrimaha Farsamada
Wasaaradda Arrimaha Debadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL
Hargeysa, Jamhuuriyadda Somaliland
Tell: 063 4081527, hassanafgaab@gmail.com

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom