telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

” Waxaan Aad U Hambalyaynayaa Ciidamada Kala Duwan Oo Hawshaa Uqabtay Sifirfircoon Oo Dhiiranaana Oo Karti Iyo Dadaal Badan Iyo Daacadnimo Muujiyay ” Taliye Dabagale + Muuqaal

Hargeisa(Gaaroodinews) Taliyaha Ciidanka Policeka Somaliland Sareeyo Guuto Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale) Ayaa Waxaa Uu Dhambaal Hambalyo Ah Udiray Dhamaan Ciidamada Kala Duwan Ee Policeka Somaliland Ee Kaqaybqaatay Sugida Nabadgalyada Maalintii Doorashada Isku Sidkanayd Ee Wakiilada Iyo Deegaanka Ee Dalka Kadhacday 31 May

Taliye Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale) Waxaa Uu Ciidamada Kala Duwan Ee Policeka Somaliland Ku Amaanay Sida Ay Uga Soo Baxeen Hawshaa Qaran Ee Loo Igmaday ” Waxaan Aad Iyo Aad Ugu Hambalyaynayaa Ciidamada Kala Duwan Oo Hawshaa Uqabtay Sifirfircoon Oo Dhiiranaana Oo Karti Badan Iyo Dadaal Badan Iyo Daacadnimo Muujiyay ”

Dhanka Kale Generaal Dabagale Waxaa Uu Sheegay Inay Ciidamada Dalku Ay Muujiyeen Qaranimo Isla Markaana Ay Kufilanyihiin Dalkooda

” Waxaan Leeyahay Waxaad Muujiseen Hawlkarnimo Qaranimo Waxaanad Muujiseen Inaan Qarankeena Dhinac Walba Kaga Filanahay “ Generaal Dabagale

Sidoo Kale Taliye Maxamed Aadan Saqadhi Dabagale Waxaa Uu Shacabka Reer Somaliland Ku Amaanay Sidii Qiimaha Lahayd Ee Nabadgalyada Ahayd Ee Ay Uga Qaybqaateen Doorashada Somaliland Waxaanuu Yidhi :-

” Waxaan Leeyahay Wada Policebaynu Noqonay Waynu Dadaalnay Waad Shaqayseen Waxaad Muujiseen Dulqaad Wayn Waxaad Muujiseen Sidaan Qarankeena Diyaarka Ugu Wadanahay Majirto Dalkaa Dhan Deero Deero Hirdiday Iyo Dhibdhacday Xiitaa Oobiiyadaan Waxba lagalinin Cidla Xidhay Daaye Dadku Si Akhlaaqa Ayay Iskusoo Taageen Si Akhlaaqana Way Ufooteeyeen Si Dareen Iyo Xamaasad Qaranimo Ah Ayaad Ufootayseen Ayaan Leeyahay Aad Iyo Aad Ayaan Idiin Hambalyaynayaa ” Taliye Dabagale

 

 

Daawo Muuqaalka Warkaas :-

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom