telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

Somaliland:- Natiijada Hadhsan Ee Doorashooyinkii Dhowaan Oo Maanta La Filayo In lagu Dhawaaqo

Somaliland: Natiijada harsan ee doorashooyinkii dhowaan oo maanta la filayo in lagu dhawaaqo

Somaliland

Waxaa la filayaa in maanta lagu dhawaaqo natiijada degmooyinka harsan ee doorashada Aqalka Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka ee Jamhuuriyadda Goonni Isutaaggeeda ku Dhawaaqday ee Somaliland, halkaas oo shan gobol oo ka mid ah lixda gobol ee ay ka kooban tahay la shaaciyay naatiijooyinka hordhaca ah ee doorashadii golaha wakiillada.

Doorashada golaha wakiillada iyo golayaasha deegaanka ayaa la qabtay toddobaadkii tagay markaas oo boqollaal kun oo qof ay codkooda dhiibteen, iyadoo boqollaal musharraxiin ahna ay kuraasta kala duwan ku tartamayeen.

Illaa iyo haatan natiijooyinka hordhaca ah ee golaha wakiillada ee la shaaciyay ayaanay xildhibaannada ku soo baxay ku jirin wax haween ah.

Goleyaasha deegaanka oo ka kooban 20 degmo doorasho, ayaa si horudhac loo shaaciyay 18 degmo oo ka mid ah, iyadoo labada harsan ay kala yihiin Hargeysa iyo Gebilley oo maanta la filaayo in lagu dhawaaqo.

Aqalka wakiillada ilaa iyo haatan 26 mudane ayaa ku soo baxay shanta gobol ee la shaaciyay, iyadoo ay harsan yihiin labo mudane oo ka soo bixi doona gobolka Maroodi Jeex.

Doorashooyinka goleyaasha deegaanka iyo aqalka wakiillada oo ay ku tartamayeen 798 musharrax, waxaa haween ka ahaa 28 keliya

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom