telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

War degdeg ah:- Faahfaahin kasoo Baxaysa Qarax Kadhacay Muqdisho

War degdeg ah: Faahfaahin ka soo baxaysa qarax ka dhacay Muqdisho

Muqdisho

Muqdisho(Gaaroodinews) Ugu yaraan labo qof ayaa ku dhimatay, 10 kalena way ku dhaawacmeen kuwaas oo ahaa dhammaantood rayid, qarax maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Qaraxa oo ahaa mid weyn ayaa la sheegay inuu ka dhacay Ex Control Afgooye.

Dadka deegaanka ayaa BBC-da u sheegay inay maqleen jug culus oo qaraxa ah, kaddibna ay arkeen dad goobta laga qaadayo.

Dadka dhaawacmay qaarkood ayaa oo qaaday isbitaalka weyn ee Madiina.

Lama oga ujeeddada laga lahaa qaraxan oo sida la sheegay ahaa miino dhulka la geliyay.

Booliiska oo aan la xiriirnay wax faahfaahin ah kama aysan bixin

BBC

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom