telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

Gudoomiyaha Dalada Guud Ee Jaaliyadaha Yurub (SSE) Marwo Nuura Cali Oo Shacabka Reer Somaliland Ku Hambalyaysay Doorashada Golaha Deegaanka Iyo Wakiilada

Hargeisa(Gaaroodinews) Hambalyada labada doorasho ee golaha degaanka iyo golaha wakiilada
2021-ka
Aniga oo ah gudoomiyaha dalada guud ee jaaliyadaha yurub SSE Marwo Nuura Cali
Dhuxul kuna hadlaya magaca dalada guud ee jaaliyadaha Yurub Somaliland
Societies in Europe (SSE).
Waxaan halkan hambalyo farxadi ku dheehantahay iyo bogaadin ku aaden
labada doorsho ee degaanka iyo golaha wakiilada ee sida nabadgalyada ah u
dhacdey uga dirayaa guud ahaan qaranka Somaliland gaar ahaana
madaxweynaha qaranka Somaliland Muse Biixi iyo xukuumadiisa , komishanka
qaranka ciidamada qalabka sida gaar ahaan ciidamada amaanka, sadexda xisbi
qaran guud ahaan musharaxiintii degaanka iyo wakiilada kuwa soo
baxey iyo kuwa aan soo bixinba iyo shacabka
Somaliland ee sharafta leh ee sida xilkasnimada ,muwaadinimada,
ilbaxnimad iyo nabadgelyada leh u ololeeyey una codeeyey bacadkana u
taagna wakhtigana ku bixiyey. ILLAAHEY baana mahadaa leh.
Hadaanu nahay dalada SSE iyo guud ahaanba jaaliayadaha yurub waxaanu ku
dadaalidoona sidii aanu u iibgeynlahayn aduunka iyo wadamada yurubna ugu
gudbinlahayn sumcada iyo guushaa dimuqraadiyadeed ee somaliland ka soo
hoysey labadii doorasho isku sidkanaa ee golaha degaanka iyo
golaha wakiilada, waxaanan markale iyo markale ku hambalyeynaya guud
ahaan Somaliland sumcada iyo guusha labadan doorasho ee 31 May 2021-ka
Somaliland guul

 

Marwo Nuura Cali Dhuxul
Gudoomiyaha dalada guud ee jaaliyadaha Yurub Somaliland Societies in
Europe (SSE)

Hambalyada labada doorasho ee golaha degaanka iyo golaha wakiilada 2021-ka – SSE

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom