telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

Ugaaska Guud Ee Gobolada Hawd Iyo Hargeisa Ugaas Ahmed Cali Mahdi Oo Kahadlay Doorashadii Dalka Kadhacday + Muuqaal

Hargeisa(Gaaroodinews) Ugaaska Guud Ee Beelaha Deegaan Ahaankasoo Jeeda Gobolada Hawd Iyo Maroodijeex Ugaas Ahmed Maxamed Siciid ( Ahmed Cali Mahdi)  Ayaa Kahadlay Doorashadii Dhawaan Dalka Kadhacday Kaasoo Bogaadiyay Shacabka Iyo Qaranka Somaliland Waxaanuu Sheegay Ugaasku In Doorashadani Ay Sharaf Wayn Usoo Hoysay Qaranka Somaliland

” Doorashadii Aynu Soo Galnay Ee Bisha 31 Keedii Oo Aan Odhan Karo Waa Waji Cusub Oo Qurux Badan Oo Bilan Oo Sharaf Iyo Karaamo Usoo Hoysay Jam ×huuriyada Somaliland ” Ugaas Ahmed Cali Mahdi

Dhanka Kale Ugaas Ahmed Cali Mahdi Waxaa Uu Kahadlay Beesha Uu Kasoo Jeedo Oo Guud Ahaanba Aankusoo Bixin Kuraastii Golaha Deegaanka Caasimada Hargeisa

“Waxaan Waydiinaya Siyaasiyiinta Reerka Ee Saddexda Xisbi kujira Sababta Keentay In Ay Dhamaantood Ay Daataan Waa Suaal Ay Taagerayaashu Ay Waydiinayaan Iyo Dadwaynaha Reer Somalilanba Inay Inamadeenu Ay Inoogasoo Jawaabaan Wixii Intaa Kadanbeeya Ayaanu Markaa Talaabada Kuhaboon Qaadan Doonaa

Sidoo Kale Ugaas Ahmed Cali Mahdi Waxaa Uu Soo Dhaweeyay Oo Uu Taageeray Isbahaysiga Ayku Dhawaaqeen Labada Xisbi Mucaarad Ee Somaliland

 

Daawo Muuqaalka Warkaas :-

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom