telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

Xisbiga Kulmiye Po Si kulul Uga Hadlay Isbahaysiga Ay Samaysteen Axsaabta UCID Iyo Waddani

Somaliland

Xisbiga Kulmiye ee haya talada Jamhuuriyadda  Somaliland, ayaa sheegay in labada xisbi ee mucaaradka ah ee UCID iyo Waddani ay baal mareen hannaanka loogu tartamo guddoonka baarlamaanka iyo midka golayaasha deegaankaba.

Hadalkan ayaa imanaya kaddib markii labadaasi xisbi ay shalay shaaciyeen in ay doonayaan in ay dhisaan isbahaysi ay ku doonayaan in ay awoodda hogaanka goleyaasha deegaanka iyo baarlamankaba kula tartamaan xisbiga talada haya ee Kulmiye.

Cabdinaasir Muxumad Xasan Buuni, afhayeenka xisbiga Kulmiye ayaa sheegay in arrintaasi ay baalmarsan tahay habkii dimuqraadiga ahaa ee ay mudanayaasha la soo doortay guddoonkooda u dooran lahaayeen: “Dimuqraadiyadda waxaa ka mid ah mudanaha bulshada Somaliland ay soo dooratay ayaa awooddiisii la qaaday oo xisbiyo intay hoteel fariisteen ku heshiiyeen, taa ayaa ah mid dimuqraadiyadda lagu curyaaminayo,”Cabdinaasir Muxumad Xasan Buuni, afhayeenka xisbiga KulmiyeCabdinaasir Muxumad Xasan Buuni, afhayeenka xisbiga Kulmiye ee Somaliland

Waxa uu Buuni intaasi ku daray “Waxa ay aheyd in sida xisbiga Kulmiye oo kale ay bannaanka ka joogaan arrintaas oo inta waqtiga qaanuunku jideeyay eegaan oo mudanayaasha loo daayo awooddooda sharci ee ah in marka golaha ay soo fariistaan ay cidda ay rabaan doortaan.”

 

Isbahaysiga labada xisbi mucaarad ee Waddani iyo UCID ayaa ku yimid maadaama aanu xisbi keli ahina helin aqlabiyad buuxda oo uu ku heli karo xilka gudoomiyaha baarlamanka.

Waxaana sidaasi ku bilaabmay xidhiidho siyaasi ah oo xisbi weliba doonayo inuu ka kale ku soo jiito si ay u qabtaan hogaanka golaha iyaga oo is xulufaysanaya.

Sidey xisbiyadu ugu kala guulaysteen doorashadii 31-ka May?Doorashada Somaliland oo saf loogu jiro

Doorashada Somaliland oo saf loogu jiro

Doorashooyinkii goleyaasha baarlamanka iyo deegaanka ee Somaliland ka dhacday 31 May 2021 ayaa natiijadoodii hordhaca ahaa la wada shaaciyay oo ay saddexda xisbi ee Somaliland ku kala calaf qaadeen.

Marka la eego keli keli xisbi waliba tirada kuraasta heer deegaan ee ka helay degmooyinka Somaliland waxa ugu kuraas badan oo kaalinta koobaad ku jira xisbiga talada haya ee Kulmiye, kaalinta labaadna waa xisbiga mucaaradka ah ee Wadani iyo xisbiga UCID oo kaalinta saddexaad galay.

Waxa se xiise gaara leh oo ay shacabka Somaliland aad u hadal hayaan waa natiijada kuraasta golaha wakiilada Somaliland oo xisbiga Wadani kaalinta koobaad galay oo uu ka helay 31 kursi baarlamanka oo ah 82 kursi halka xisbul xaakimka Kulmiye isna kaalinta labaad ku jiro oo uu helay 30 kursi iyo xisbiga mucaaradka ah ee UCID oo 21 kursi helay.

Maxay Waddani iyo UCID ku heshiiyeen?.Gudoomiyeyaasha labada xisbi mucaarad ee Waddani iyo UCID

Gudoomiyeyaasha labada xisbi mucaarad ee Waddani iyo UCID

Haddaba labada xisbi ee mucaaradka ah ee Wadanni iyo UCID ayaa durba shaaciyey in ay doonayaan in ay dhisaan isbahaysi ay ku doonayaan in ay awoodda hogaanka goleyaasha deegaanka iyo baarlamankaba kula tartamaan xisbiga talada haya.

Labada gudoomiye ee labada xisbi ayaa magacaabay gudi farsamo oo ka kooban toban xubnood oo ka kala socda labada xisbi si ay uga soo talo bixeyaan qaabka uu noqonayo isbahaysiga ay labada dhinac ku heshiiyeen iyo sida ay qudhoodu u qaybsanayaan hogaanka goleyaasha deegaannada iyo baarlamanka maadaama oo ay iyagu noqonayaan kuwa ugu kuraasta badan marka ay is kaashadaan.Faysal Cali WaraabeGudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, Inj. Faysal Cali Waraabe

Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID, Eng Faysal Cali Waraabe, oo BBC-da waraysi siiyey ayaa sheegay in ujeeda ay ka leeyihiin isbahaysigood tahay in ay helaan awoodda hogaanka baarlamanka.

“Waxaanu jecelnahay in aanu soo celino nidaamkii aanu qaadanay ee dimuqraadiyadda ku dhisnaa. Ee ahaa in xukunku kala soocnaado wada shaqeeyona. Markaa dalkay u dan tahay in aanu gacanta u gelin xisbi keliya powers-ka oo dhami” ayuu yidhi.

Dhankiisa afhayeenka xisbiga Kulmiye ee haya talada Somaliland, Cabdinaasir Buuni, ayaa sheegay in labadaasi xisbiga ay khalkhalgalinayaan nidaamkii dimuqraadiyadda oo ay mudanayaasha la doortay ka qaadayaan xaqii ay lahaayeen.

“Xisbiyada maanta layliga ah oo qaarkoodba maanta doorashada wawiillada ay kow u tahay ayaa ah kuwa qaanuunka dhinac maraya khalkhalkuna uu soo wajahay, oo iyadoo aan la gaarin in la doorto shir guddoon suuqa ku sii heshiiyay oo awooddii golaha iyo mudanayaasha soo socda ee qiimaha badan ee maanta Somaliland oo dhan u riyaaqsan tahay inay laba nin iyo dad ay wataan ku sii heshiiyaan waa taa tan khalkhalka keenaysaa,” ayuu yiri Buuni.Magacyada gudida ay labada xisbi magacaabeenMagacyada gudida ay labada xisbi magacaabeen

Faysal Cali Waraabe oo sii faahfaahinaya faa’iidooyinka togan ee ay ka filayaan in laga heli doono isbahaysiga labada xisbi mucaarad, ayaa waxa uu sheegay in filashadu tahay in ay si buuxda u soo noqoto ilaalayntii baarlamanku ku lahaa fulinta oo sifo hufan loo wada shaqeeyo, xisbiga talada hayaana aanu noqon doonin sidii markii hore uu ahaa ee uu aqalabiyada golaha isku hallayn jiray.

“Isbahaysiga waxaanu ka rajaynayanaa in dalku dhaqaaqo, waxaanu jecelnahay in aanu ka bilowno Local Council ka iyo baarlamanka markaasuu Executive-kuna shaqayn doonaa waxba ku xumayn mayno dalkaa lagu hagaajinayaa danta ummada weeyi” ayii yidhi.

Hasayeeshee arrintaasi waxaa gaashaanka u daruuray Cabdinaasir Muxumad Xasan Buuni, afhayeenka xisbiga Kulmiye, oo sheegay in “taa waxa ay ku gafeenba, isbahaysigu laftirkiisu ma xuma inay fikir isku geeyaan laakiin waxaa [heshiiskooda] ku qoran inay ku midoobeen shir guddoonka iyo maayirrada dalka guddigii ka shaqeyn laheyd, taana dad suuqa joogaa kama shaqeeyaane, dadka la soo doortay iyaga ayaa awood qaanuuni ah u leh markay golaha fariistaan cidda ay dooranayaan annaguna ma faragalinayno.”

Hore xisbiyo ma isu-kaashadeen?Safafka dhaadheer ee doorashada Somaliland

Safafka dhaadheer ee doorashada Somaliland

Ma aha markii ugu horraysay ee ay tan oo kale ka dhacdo Somaliland. Sannadkii 2005 markii la doortay golaha baarlamanka ee haatan kuraasta bannaynaya, ayaa ay sidan oo kale dhacday oo waxa isbahaysi samaystay labadii xisbi mucaarad ee waagaas oo kala ahaa xisbiga Kulmiye iyo xisbiga UCID.

Waxaanay labadaa xisbi ku heshiiyeen waagaa in ay xisbul xaakimkii UDUB ka riixdaa xilalka gudoomiyaha baaralamanka iyo ku xigeennadiisa. Sidaasna waxa ugu suurto gashay sidii ay doonayeen oo xisbigii UDUB oo ugu kuraas badnaa saddexda xisbi hase yeeshee aanay aqlabiyadiisu u goynayn inuu qabto hogaanka golaha ay kaga adkaadeen.

Waxa markaa gudoomiyaha golaha wakiilada qabtay xisbiga UCID oo u doortay gudoomiyaha haatan ee xisbiga Waddani, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, oo waagaa ka tirsanaa xisbiga UCID gudoomiye ku xigeenkiina waxa helay xisbiga Kulmiye ee haatan talada haya berigaa se ahaa xisbi mucaarad ah oo waxa loo doortay Cabdicasiis Maxamed Samaale

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom