telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

Xildhibaan Siciid Cabdisamad Cudhay Oo Si Adag Uga Hadlay Warar Been Abuur ah Oo Uu Sheegay In Laga Baahiyey

Xildhibaan Siciid Cabdisamad Cudhay Oo Si Adag Uga Hadlay’ Warar Been Abuur ah Oo Uu Sheegay In Laga Baahiyey

Hargeisa(Gaaroodinews) Xildhibaan Siciid Cabdisamad Axmed (Cudhay) oo ka mid ah 17ka Xildhibaan ee Cusub Golaha Deegaanka Caasimadda Hargeysa uga soo baxay Doorashadii dhawaan Dalka ka qabsoontay’ kana Mid ahaa Xubnihii ka soo baxay Xisbiga Mucaaridka ee UCID ‘ ayaa Xildhibaanka oo Hankiisii uu hore u shaaciyey ee Mayornimo in uu shalay uga Tanaasulay Xildhibaanka Abdikarim Ahmed Mooge waxa uu si adag u Beeniyey Warar been abuur ah oo laga baahiyey isaga ‘kuwaas oo lagu sheegay in uu Hankiisa uu Lacag dhaafsaday arintaas oo mid aan Gebo ahaan waxba ka jirin oo Cidii warka ka baahisay uu dad Ujeedooyin kale leh ku tilmaamay.

Xildhibaan Siciid Cabdisamad Axmed (Cudhay) oo Qoraalka uu warka Lagaaga Been Abuurtay ku Beeninaayo kaga hadlay Bartiisa uu Barkulanka Facebook ku leeyahay ku soo qoray waxa uu Qoraalkiisu u dhigna sidan hoos ku Qoran :-

Asc
Anigoo ah Siciid Cudhay kana tirsan Xisbiga Ucid waxaan maalintii shalay u tanaasulay Cabdikarim Axmed xilkii maayarnimo een u tartamayay anigoo tixgalinaya codka shacabka.
Ujeedooyinka aan isu sharaxay waxaanan ugu horeeya wax qabad iyo ladagaalanka musuqmaasuqa doonayana inaan wax wayn ju soo kordhino gabi ahaanba dalka.
Waxaan maqlayaa in la sheegayo tanaasulka aan sameeyay lagu bixiyay dhaqaale se aananu waxba ka ogayn arintaa tahayna arimaha noocaasa in lala dagaalamo kolkaa waxaan ka codsanayaa in la ila baadi doono cida sheegatay inay dhaqaale bixisay iyo cida qaadatay si aynu dhamaan beenta iyo musuq labadaba ula dagaalano.

Xildhibaan Siciid Cabdisamad Axmed (Cudhay)

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom