telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

Magaalada Hargeisa Oo Lagu Qabtay Munaasibad Qado Sharaf Ah Oo Ay ku kulmeen Madaxda iyo Hogaanka Xisbiyada UCID Iyo WADDANI + Sawiro

Hargeisa(Gaaroodinews) Waxaa Magaalada Hargeisa Lagu Qabtay Munaasibad qado sharaf ah Oo Ay ku kulmeen, Madaxda iyo Hogaanka Xisbiyada UCID Iyo WADDANI, Waxaana Kasoo Qaybgalay Mudanayaashii kasoo baxay Laba Xisbi Ee Golayaasha Deegaanka ee Degmooyinka Hargaysa Iyo Burco.

Waxaana lagu shaaciyey kulankaas musharraxa labada Xisbi isku raaceen ee maayarka caasimadda oo loo doortay Cabdikariin Axmed Mooge halka ku xigeenkana la isla gartay inuu noqdo Khadar Axmed Cumar.

Geesta kale waxa goobta lagu shaaciyey musharrixiinta ay labada Xisbi isku raaceen ee maayarka degmada Burco oo loo doortay Cabdirisaaq Hero iyo Ku xigeenkiisa oo loo doortay Mukhtaar Cabdi Maxamed.

Waxaana sidaas ku dhawaaqay siyaasi Ismaaciil Yare oo ka mid ah Guddida Isbahaysiga labada Xisbi mucaarad ee WADDANI iyo UCID.

Munaasibaddan qadada ah ayaa marti-qaadkeeda waxaa iska lahaa Xisbiga WADDANI.

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom