telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

Doorashada Soomaaliya:- Ma u muuqataa in 60 maalmood gudahood lagu qabto doorasho ?

Soomaaliya

Maamulka Galmudug oo ugu dambeeyay ayaa shalay soo gudbiyay xubnaha guddiga doorashada iyo xallinta khilaafaadka ee laga sugayey. Haddaba, waxaa la is weydiinayaa in doorashada ay ku qabsoomi doonto lixdankii maalmood ee lagu heshiiyey.

Intii u dhaxaysay 22-26 bishii May ee sanadkan, waxaa magaalada Muqdisho kulan ku yeeshay madaxda maamul-goboleedyada, kuwa dowladda federaalka Soomaaliya oo uu hoggaaminayey Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda, Maxamed Xuseen Rooble.

Qodobbadii lagu heshiiyey waxaa ugu weynaa qabsoomidda doorashada dalka oo la isku raacay inay ku dhacdo 60 maalmood gudahood.

Hase yeeshee, waxaa shirka ka soo baxay shan qodob oo muhiim ah oo ay madaxdu qalinka ku duugeen, waxaana ka mid ah:

Tubta xallinta cabashada la xiriirta guddiyada maamulka doorashooyinka ee labada heer, taasoo iminka u muuqata inay gabagabo marayso maaddaama ay maamul-goboleedyadu soo gudbiyeen xubnihii guddiyada doorashooyinka iyo guddiga xallinta khilaafaadka, hase yeeshee afar qodob oo mid kasta waqti iyo juhdi badan uu qaadan doono ayaa harsan, waxayna kala yihiin:

  • Hanaanka xallinta khilaafka gobolka Gedo
  • Xal u helidda guddiga maamulka doorashada xildhibaannada gobollada Waqooyi, oo heshiiskii kaddib misna imika cabasho kale ay ka soo baxayso
  • Qoondada haweenka oo sida ay noqon doonto la arki doono iyo
  • Qabashada doorashada

Soo gudbinta guddiyada

Waxaa xusid mudan in dhowr iyo labaatan maalmood lagu mashquulsanaa soo gudbinta magacyada xubnaha gudddiyada, waxaana hadda harsan 37 maalmood oo la doonayo in qodobbada aan weli xalka laga gaarin laga heshiiyo, isla markaana ay doorashadu ku dhacdo 60-kii maalmood ee lagu ballamay gudahooda.

Xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi oo xubin ka ah Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa qaba in aysan haatan muuqan in muddadaas ay doorasho ku dhacdo.

“Waxaa laga leexday jidkii saxda ahaa ee ah in doorasho qof iyo cod ah iyo xisbiyo la aado. Iyadoo laga baqayo in haddii arrintaas ay dhacdo ay madaxda dowladda iyo maamul-goboleedyada uu qof walba ka waayo wixii uu doonayay, haddana waxay arrintaas luggooyo weyn ugu jirtaa dadka iyo dalka Soomaaliyeed,” ayuu yiri.

Dhanka kale Dr. Cabdinuur Xaaji Maxamed oo soo noqday wasiirka waxbarashada haddana ah musharrax madaxtinnimada dalka, ayaa qabo in ugu yaraan muddadaas gudaheed ay doorasho ku bilaabato.

“In guddiyada la soo dhammeystiro; in madaxda qaranka ay mar labaad shiraan, kana heshiiyaan waxyaabaha yaryar ee hor yaalla, kaddibna waddanka doorasho loo jiheeyo; intaas haddii aan ku guuleysanno, waxaan aaminsanahay in aan wax weyn gaarnay,” ayuu yiri.

Ma jiraan caqabado doorashada ku keeni kara dib u dhac?Soomaaliya

Dr Cabdinuur ayaa qabo inay jiraan caqabado hor yaalla in doorashada ay ku dhacdo muddadii lagu heshiiyay.

Wuxuu sheegay in caqabadda ugu weyn ay tahay dhammeystirka guddiyada doorashada iyo arrinta Gedo oo uu sheegay in aan illaa iyo hadda si dhab ah looga heshiinin.

Waxaa jira dad kale oo qaba in ay adag tahay in 60 maalmood gudahood ay doorashada ku dacdo, waxaana ka mid ah Dr Hodan Ciise oo ah macallimad cilmiga maamulka ka dhigta Jaamacadda Buffalo ee waddanka maraykanka

Waxay sheegtay in muddadaas ay tahay qiyaas la sameeyay balse aysan suurtogal ahayn in doorasho ay ku dhacdo.

“Ugu yaraan lix bilood way qaadan kartaa, caqabadaha way iska badan yihiin. 60 maalmoodna suurtogal maaha, balse waxaa bogaadin mudan in heshiis la gaaro maaddaama dalka uu in badan dhibaato ku jiray,” ayay tiri.

Marxaladihii uu soo maray khilaafkii doorashada

2020, 17 September – Waxaa lagu heshiiyay hannaan doorasho dadban oo goleyaal ay soo dooranayaan xubnaha baarlamaanka iyo Aqalka sare, kuwaas oo sii dooranaya madaxweynaha. Waxaa hannaankaas ansixiyay Baarlamaanka Soomaaliya.

2020, 4 November – Wuxuu Ra’iisul Wasaare Rooble magacaabay xubnaha guddiga doorashada. Waxay ahayd tallaabo uu ka soo horjeestay Gudoomiyaha Aqabla Sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi. Wuxuuna Rooble ku eedeeyay, in xubnihii uu horey u soo magacaabay gudoomiyaha ee Somaliland laga tagay.

2020, 8 November – Musharrixiinta mucaaradka ayaa sheegay in ay qaadici doonaan doorashada, waxayna madaxweyne Farmaajo ku eedeeyeen in uu faraha kula jiro hannaanka. Waxay ku adkeysteen in wax laga bedelo guddigii doorashada oo ay tilmaameen in ay ka mid yihiin xubno ka tirsan Madaxtooyada.Guddiga Doorashooyiinka ee la isku khilaafay ee Soomaaliya kjuwaas oo hadda isbedel lagu sameeyay.Guddiga Doorashooyiinka ee la isku khilaafay ee Soomaaliya kjuwaas oo hadda isbedel lagu sameeyay.

2020, 5 December – Guddigii doorashada ee la soo dhisay waxay iska doorteen gudoomiye. Dhanka Musharrixiintii mucaaradka waxay ku dhawaaqeen guddi kale oo ay ku magacaabeen “guddiga badbaadada doorashooyiinka”.

2021, 3 February – Kullankii Dhuusamareeb ee lagu xallin lahaa khilaafka ayaa bilowday ka dib markii halkaas ay gaareen madaxda Jubaland iyo Puntland.

2021, 5 February – Wadahadalladii Dhuusamareeb ee Madaxweynaha iyo madaxda maamul-goboleedyada ayaa fashilmay.

2021, 6 February – Madaxweyne Farmaajo oo la hadlay Golaha Shacabka, wuxuu Puntland iyo Jubaland ku eedeeyay masuuliyadda fashilka shirkii Dhuusamareeb.

2021, 7 February – Musharrixiinta Mucaaradka waxay sheegeen in Farmaajo aysan u aqoonsanayn madaxweynaha dalka, ka dib marka uu dhammaado muddo xileedkiisii afarta sano ee ku ekeyd 8 February 2021. Waxay sheegeen in aysan “ogolaaneynin muddo kororsi xoog ah”. Waxayna ku baaqeen in la dhiso gole kumeel-gaar ah oo ka kooban Labada gole ee Baarlamaanka, madaxda maamul-goboleedyada iyo wakiillo ka socda mucaaradka u taagan xilka madaxweynaha. Golahaasna in ay shaqadiisa noqoto qabanqaabada doorashada.

2021, 8 February – Soomaaliya kama aysan dhicin doorashada, waxaana maalintaa dhammaatay muddo xileedkii madaxweyne Farmaajo oo afar sano ahayd.

2021, 9 February – Wuxuu Farmaajo ku baaqay shir ay isugu yimaadaan madaxda maamul-goboleedyada, 15 February 2021. Wuxuu sheegay in kullankaas uu ka dhacayo Garowe. Madaxweynaha Puntland, wuxuu soo jeediyay in kulanka uu ka dhaco Muqdisho – waxay ahayd tallaabo uu taageeray madaxweynaha Jubaland.

2021, 15 February – Shirkii uu madaxweynaha ku baaqay ma uusan qabsoomin, ka dib khilaafkii ahaa meesha uu ka dhacayo.

2021, 16 February – Guddi ka kala socday maamullada iyo dowladda dhexe oo 14 xubnood ahaa, ayaa ku shiray Baydhabo, si ay xal uga gaaraan khilaafka doorashada.

2021, 25 February – Madaxda Puntland iyo Jubaland, waxay soo dhoweeyeen heshiis ay Muqdisho iskula gaareen musharrixiinta Mucaaradka iyo Ra’iisul Wasaare Rooble.

2021, 25 February – Madaxweyne Farmaajo wuxuu bogaadiyay dedaalka Rooble iyo heshiiska uu la gaaray mucaaradka ee la xiriiray hannaanka doorashada. Wuxuu sidoo kale amaanay Qoorqoor, Guudlaawe iyo Filish, kaalintii ay ku lahaayeen kulankaas.

2021, 1 March – Farmajo wuxuu markale, shir ku marti qaaday madaxda maamul goboleedyada in ay isugu yimaadaan 4 March 2021, “si loo gebagebeeyo” meelmarinta heshiiskii 17 September 2020.

2021 March – Beesha caalamka waxay soo dhoweysay heshiiskii 25 February ay Muqdisho ku wada saxiixdeen Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Musharrixiinta Mucaaradka, ka dib rabshadii 19-kii February ka dhacay caasimadda.

2021, 2 March – Ra’iisul Wasaare Rooble wuxuu ogolaaday in la sameeyo guddi isku dhaf ah oo baara qalalaasihii dhacay xilligii ay isku dheceen mucaaradkii dibadbaxayay iyo ciidamada dowladda ee 19-February 2021. Sidoo kale waxay isku raaceen in 6 March 2021, ay mucaaradka qabsadaan isu soo bax nabdoon.

2021, 2 March – Madaxda maamullada Jubbaland iyo Puntland waxay xaqiijiyeen in ay ka qeybgali doonaan shirka uu ku baaqay madaxweyne Farmaajo, balse waxay ku xireen shardi ah in lagu qabto meel ‘nabadgelyo ah’, iyo in ay beesha caalamka goobjoog ka noqoto. Waxay si gaar ah u dalbadeen in kulanka uu ka dhoco garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, iyo in amniga ay sugto AMISOM

2021, 9 March – Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam, wuxuu u safray Muqdisho si uu uga qeybgalo kulankii loo ballansanaa ee arrimaha doorashada.

2021, 11 March – Madaxweynaha Jubaland, wuxuu la kulmay safiirkii Mareykanka ee Soomaaliya, Donald Yamamoto, oo uu kala hadlay dib u dhaca doorashada.Shirkii 22 March ee Muqdisho, kama aysan qeybgalin madaxda Puntland iyo Jubalan.Shirkii 22 March ee Muqdisho, kama aysan qeybgalin madaxda Puntland iyo Jubalan.

2021, 22 March – Wasiirka Warfaafinta, Cusmaan Abuukar Dubbe, wuxuu shaaciyay in shirkii madaxda Federaalka iyo kuwa maamul-goboleedyada uu si rasmi ah u furmay, in kastoo ay ka maqnaayeen madaxda Puntland iyo Jubaland oo Muqdisho ku sugnaa.

2021, 7 April – Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Cusmaan Abuukar Dubbe, ayaa sheegay in shirkii uu fashilmay, wuxuuna arrintaa ku eedeeyay madaxda Puntland iyo Jubaland. Wuxuu Dubbe sheegay in “madaxdaas aysan diyaar u ahayn in doorasho dhacdo”.

2021, 12 April – Golaha Shacabka wuxuu kordhiyay muddo xileedkii madaxweyne Farmaajo oo laba sano ay ku dareen. Wuxuu sidoo kale golaha ansixiyay xeer xukuumadda ku amrayay in dalka loo diyaariyo doorasho qof iyo cod ah oo ku dhacda labadaas sano gudahooda ah. Waxaa arrintaas ka soo horjeestay musharrixiinta mucaaradka. (Muddada xilka baarlamaanka waxay dhammaatay 27-kii December 2020, sidoo kale xilka madaxweynaha wuxuu dhammaaday 8 February 2021)

2021, 25 April – Waxaa Qeybo ka mid ah Muqdisho lagu arkay ciidamo militari ah oo ka gadooday muddo kordhinta dowladda. Waxay fariisimo ka sameysteen qeybo ka tirsan caasimadda. Ka dibna waxaa magaalada ka dhacay dagaal u dhexeeyay ciidamadaas iyo kuwa dowladda.

2021, 27 April – Ka dib, kulan ay yeesheen madaxda Hirshabelle iyo Galmudug, waxay soosaareen qoraal ay ku sheegeen in dalka loo diyaariyo doorasho iyo in wax laga bedelo hannaanka amniga doorashada. Arrintaas waxaa ku waafaqay madaxdii kale iyo Ra’iisul Wasaaraha.Madaxweyne Farmaajo ayaa 1 May, Golaha Shacabka ka codsaday in dib looga noqdo muddo kordhintii labada sano ahaydMadaxweyne Farmaajo ayaa 1 May, Golaha Shacabka ka codsaday in dib looga noqdo muddo kordhintii labada sano ahayd

2021, 1 May – Madaxweyne Farmaajo oo la hadlay Golaha Shacabka ayaa ka dalbaday in ay ka noqdaan xeerkii muddo kordhinta, wuxuuna amniga hannaanka doorashada ku wareejiyay Ra’iisul Wasaare Rooble. Ka dib Golaha Shacabka waxay u codeeyeen in la tuuro muddo kordhintii labada sano ahayd, laguna noqdo heshiiskii September 2020.

2021, 3 May – Ra’iisul Wasaare Rooble wuxuu ku baaqay in madaxda dowlad-Goboleedyada ay ka soo qeybgalaan shir Muqdisho ka dhaca 20 may 2021, si looga wadahadlo khilaafka doorashada dib uga dhacday wakhtigeeda.

2021, 21 May – Waxaa Muqdisho ku wada sugnaa dhammaan madaxda maamul Goboleedyada iyo ra’iisul wasaaraha, si uu u bilwodo kullankii lagu ballansanaa ee arrimaha doorashada.

2021, 22 May – Waxaa magaalada Muqdisho si rasmi ah uga furmay kullanka wadatashiga arrimaha doorashada ee Ra’iisul Wasaare Rooble uu ku baaqay, waxaana ka qeybgalaya madaxda maamul Goboleedyada iyo gudoomiyaha Gobolka Banaadir.

2021, 27 May – Ra’iisul Wasaaraha iyo madaxdii ku shirtay Muqdisho waxay saxiixeen heshiiskii ugu dambeeyay ee la isla gaaray kaas oo illaa iyo hadda meelmarintiisa ay socoto

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom