telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

Maxay Tahay Sababta Magaalada Diridhaba Dawladda Dhexe Loo Hoos Geeyay ?

Qayb ka mid ah magaalada Diridhaba

Magaalada Diridhaba waxaa la aasaasay 1902-dii marki magaalada uu soo gaaray iyada oo caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa u jirta 525 km.

Odayaasha waaya aragga ah ee magaaladaasi waxay sheegeen wixii ka horreeyey 1902-dii magaaladu ineysan ahayn wax magaalo lagu tilmaami karo, balse ay ahayd tuulo yar oo ay dhirtu ku badan tahay biyana ay ka burqanayeen.

Waxayna maamul ahaan magaaladu ka kooban tahay 4 degmo hoosaad, 24 xaafadood oo magaalada ah iyo 28 tuulo oo miyi ah.

Shacabka magaaladaasi ku noolna waxay ku hadlaan afafka Soomaaliga, Oromada, Amxaariga, Guraaga iyo Harari.

Magaaladaasi afka Soomaaliga waxaa loogu yeeraa Diridhaba ama Diridhabe, Afka Oromadana Dirre Dhawaa, halka afka Amxaarigana looga yeero Dire-Dawa.

Odayaasha deegaanka waxay BBC u sheegeen in magaca magaaladaasi looga yeeri jiray sida Dir-dhab ah iyo Dirir-dhab ah.

Waxaana magaaladaasi ku nool dad gaaraya 493,000 oo qof oo 277,000 oo ka mid ah ay magaalada ku nool yihiin inta kalana ay ku nool yihiin dhulka Miyiga ee maamulka magaaladaasi hoostaga.

Magaaladaasi oo cimiladeeda tahay kuleyl heer kulkeeduna celceis ahaan wuxuu gaaraa 31.1 °C, sanadkina waxay heshaa celcelis ahaan roob gaaraya 792.mm.

Magaalada Diridhaba waxay in muddo ah ahayd magaalada labaad ee dalka Itoobiya ugu weyn balse sanadihi u dambeeyey maadaamaa ay soo baxeen magaalooyin waaweyn oo si xowli ah ku kobcaya waxay Diridhaba haatan ku jirtaa kaalinta toddobaad ee magaalooyinka ugu waaweyn dalkaasi.

Balse waxaa weli magaaladaasi lagu sheegaa iney safka hore uga jirto magaalooyinka ugu quruxda badan ee ku yaalla dalka Itoobiya.

Magaaladuna waxay leedahay ismaamul Magaalo oo ku saleysan Charter ama Heshiis iyada oo si dadban u hoos tagto dowladda dhexe ee ItoobiyaXaruunta tareenka Diridhaba

Maxaa keenay iney magaaladu ismaamul magaalo noqoto ama dowladda Federaalka la hoos geeyo?

Jabhadihi ku bahoobay EPRDF waxay magaalada Diridhaba qabsadeen 31 bisha May 1991-kii, balse xilligaa waxaa dagaal kala hortagay jabhadda Xoreynta Ciisa iyo Gurgura ee loo yaqaannay IGLF dagaalka labada dhinaca magaalada Dirdidhaba ku dhex maray oo ay ku dhinteen boqollaal qof. Dagaalka oo socday ilaa iyo 1993-kii.

Dagaalkaasi oo ka dhashay EPRDF iyo Soomaalida marki ay isku khilaafeen gacan ku haynta magaalada iyada oo ay TPLF ay aad uga careysneyd cuqdadna u qaadday dagaalka Soomaalidu ay la galeen dadkii lagaga dilay.

Wixii xilligaa ka dambeeyeyna dhanka TPLF waxay billaabeen waxkasta oo ay magaalada Diridhaba gacanta Soomaalida kaga bixinayaan iyaga oo Oromo garabsanaya.

Sida ay odayaasha deegaankuna ay sheegayaan magaaladaasi ilaa iyo boqortooyado Xayla Sillaase qof aan Soomaali ahayn inuusan magaalada mas’uul ka soo noqon.

Deegaanka Soomaalida marki la aasay 1993-kina wuxuu caasimad ka dhigtay magaalada Diridhaba. Tallaabbada deegaanka Soomaalida uu qaaday waxaa ka hor yimid deegaanka Oromada oo iyaguna aaminsan iney magaalada Diridhaba Oromo leedahay.

Dowladda dhexe ee Itoobiya ee markaasi jirtay uu horjoogaha u ahaa Meles Zeenaawii si ay uga hortagto isku dhac labada qowmiyadoodood magaaladaasi ku dhex maro gacan ku haynta iyo maamulka magaalada Diridhaba waxay kala wareegtay Labada dowlad deegaan ee isku haysta si toos ahna waxaa loo hoos geeyey dowladda dhexe.Qayb ka mid ah magaalada Diridhaba

Ilaa magaaladaasi looga sameynayey heshiis (Charter) lagu maamulo oo ay maamul magaalo ku noqoneyso qowmiyadaha magaalada isku haystana ay awood qaybsi siman ay ku heli karaan.

Ugu dambeyntina 2004-tii ayaa la go’aamiyey magaalada Diridhba iney noqoto ismaamul magaalo oo heshiis (charter) ku dhaqanto.

Golaha wakiillada shacabka ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalkana wuxuu meel mariyey bayaan arrintaasi lagu sharciyeynayo.

Markasta oo magaalada Diridhaba la soo hadal qaado waxa ugu horreya oo qof ku soo dhacaya waxay tahay waddada Tareenka ee isku xirta Addis Ababa iyo Jabuuti oo magaaladaasi sii marto.

Shacabka magaaladaasina ku dhawaad hal qarni noloshooda iyo dhaqdhaqaaqooda ganacsiba wuxuu ku tiirsan yahay tareenka isaga goosha Itoobiya iyo Jabuuti.

Sharcigee loo cusakaday in magaalada dowladda dhexe la hoos geeyo?

Inta uu baarlamaanka sharcigan meel marin doorasha magaaladaasi ka dhacday waxaa doorashada si aqlabiyad leh kuraasti dowladda dhexe iyo kuwa magaaladaba ku guuleystay Soomalida sida ay BBC u sheegeen odayaal goob joog u ahaa doorashadaasi.

Xaaladdu marka ay halkaa mareyso dowladd dhexe waxay soo jeedisay tala ah in maamulka magaalada loo qaybiyo Soomaali iyo Oromo., Maayarkana ay laba qowmiyadood labada sanaba mar ay ku kalleytamaan balse maamulka intiisa kale ay u qaybsadaan 40% Soomaali iyo 40% Oromo iyo Qowmiyadaha kale ee magaaladaasi ku noolna 20% la siiyo muddo 17 sana ahna magaaladu waxaa lagu maamulaa saami qaybsigaasi xilligaasi la dajiyey oo aan ku saleysneyn tiro balse ahaa mid siyaasadeysan, sida ay odayaashu degaanku sheegayaan.

Labada xildhibaan ee heer Federaal oo ka soo baxaya magaaladaasina ay u qaybsadeen min hal xildhibaan.

Wixi intaa ka dambeeyeyna Soomaalida iyo Oromada oo ah labada qowmiyadood ee isku haystay maamulka magaaadaasi ayaa si siman awoodda u qaybsanayey iyada oo seddexdi sanaba mar ay qowmiyad Mayarka magaalada qabato.

Bayaankaasi qodobkiisa 5-aad waxaa lagu qeexay afka maamulka magaalada Diridhaba uu ku shaqeynayo inuu yahay Afka-Amxariga balse afafka Soomaaliga iyo Oromadana loo adeegsadado manaahjita waxbarasho iyo warbaahinta maamulkaasi.

Maamulka Diridhabana wuxuu leeyahay gole la soo doorto oo magaaladaasi u gaar ah iyada oo xildhibaannada golahaasina shanti sanaba mar la soo doorto.Magaalada Diridhaba waxay ka mid tahay magaalooyinka ugu blicdasan dalka Itoobiya

Maamullada magaalada Diridhaba soo maray laga billaabo 1991-kii:

  • Ismaaciil Aw Adan1991-1995
  • Solomon Hailu 2003-2006
  • Fisseha Zerihun 2003-2006
  • Abdulaziz Mohamed 7-da August, 2006-2008
  • Adam Faarax IbrahimJune 2008-2010
  • Asad ZiyaadJune 2010-2015
  • Ibraahim CusmaanJune 2015-March 2019
  • Mahdi Giirre2019 muddo yar ayuu hayey
  • Axmed Maxamed Buux 2019- Maamulaha hadda xilka haya

Shaqsiyaadka caanka ah ee magaaladaasi ka soo jeeda waxaa ka mid ah:

  • Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle
  • Xuseen Ismaaciil, siyaasiga caanka ahaa ee Soomaaliga ah oo xilalka badan ka soo qabtay dowladdii Mangiste
  • Oday Cabdalla Gadiid odayaashi magaca ku lahaa magaalada
  • Cabsiye Warsame Gasla madaxii shirkadda tareenka
  • Siyaasiga caanka ee Talyaaniga u dhashay Luciano Violante

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom