telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

Wasiirku Xigeenka Maaliyada Oo Xukuumada Somaliland Kadifaacay Eedo Uga Imanaaya Xildhibaanada Cusub Ee Golaha Wakiilada + Muuqaal

Hargeisa(Gaaroodinews) Wasiirku Xigeenka Wasaarada Maaliyada Somaliland Md Muuse Ibraahim Selef Kana Mid Ah Gudida Fulinta Xisbiga Talada Dalka Haya Ee Kulmiye Oo Maalintii Shalay Ahayd Waraysi Dhinacyo Badan Taabanaaya Siiyay Warbaahinta Maxaliga Ah Ee Dalka Ayaa Xukuumada Somaliland Kadifaacay Eedo Maalmihii Udanbeeyay Uga Imanaayay Xukuumada Xildhibaanadii Mucaaradka Ugasoo Baxay Golaha Wakiilada Taasoo Kuwaajahnayd In Ay Xukuumada Ku Eedeeyeen In Ay Dhaqaale Uqaybinayso Mudanayaasha Cusub Ee Golaha Wakiilada Hanashada Hogaanka Golaha Wakiilada Awgeed

Wasiir Muuse Ibraahim Selef Wasiirku Xigeenka Wasaarada Maaliyada Somaliland Waxaa Uu Sheegay Inaan Arinkaasi Aanay Waxba Kajirin Xukuumada Somaliland Ee Uu Gadhwadeenka Kayahay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Aanay Dhaqan Ulahayn Laaluushka Iyo Inay Codka Shacabka Ku Iibsato Laaluush

” Dawlada Uu Hogaaminaayo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Inaanay Dhaqan Iyo Caadi Ulahayn Inay Bixiso Laaluush Codka Shacabkana Ayku Baayacdo Laaluush Balse Ay Caanku Tahay Ilaalinta Sharciga Iyo Ilaalinta Xoolaha Umadda ” Wasiir Muuse Selef

Dhanka Kale Wasiir Muuse Selef Waxaa Uu Ku Eedeeyay Xisbiyada Mucaaradka Ah Inay Iyagu Wadaan Inay Dhaqaale Uqaybiyaan Xildhibaanada Golaha Wakiilada Ee Cusub

 

Daawo Muuqaalka Warkaas :-

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom