telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

Deegaanka Soomaalida Itoobiya Oo Aaney Maanta Ka Dhaceyn Doorasho

Deegaanka Soomaalida Itoobiya oo aaney maanta ka dhaceyn doorashoBoorka guddiga doorashada

Deegaanka ismaamulka Soomaalida Itoobiya, ayaan maanta loogga dareerin doorashada guud ee dalkaasi ka dhaceysa.

Deegaanku wuxuu leeyahay 23 goob doorasho, wuxuuna kamid yahay 64 goob doorasho oo guud ahaanba dalka aaney ka dhaceyn wax doorasho ah.

Guddiga doorashada Itoobiya ayaa ku tilmaamey sababta dibu dhaca ku keentay doorashada ka dhici laheyd maamulka Soomaalida iney tahay dhanka saadka, iyo qalad ka yimid sawirada murashaxiinta ee lagu daabacey waraaqaha codbixinta.

Maamulada Soomaalida iyo Hararida maanta kama dhaceyso doorasho. Sidoo kale gobolka Tigreega wax doorasho ah kama qabsoomeyso, sababo amni xumo dartood.

Goob doorashooyinka aaney ka dhaceyn codbixinta waxaa lagu qiyaasaa 5%, tirada guud ee goobaha doorashada oo dhan 547 goobood

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom