telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

Agaasimaha Waaxda Ciyaaraha Ee Wasaarada Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha SL Oo Kaqaybgalay Xaflada Qori Tuurka Tartanka Horyaalka Kooxaha Heerka 1aad Ee Kubadda Cagta Ee Gobolka Sool + Muuqaal

Laascaanood(Gaaroodinews) Waxaa Maanta Ka Qabsoomay Magaalo madaxda Gobolka Sool Ee Laascaanood Xaflada Qori Tuurka Tartanka Horyaalka Kooxaha Heerka 1aad Ee Kubadda Cagta Ee Gobolkaasi

Munaasibada Qori Tuurka Tartanka Horyaalka Kooxaha Heerka 1aad Ee Kubadda Cagta Ee Gobolka Sool Waxaa Ka Qaybgalay Agaasimaha Waaxda Ciyaaraha Ee Wasaarada Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha Somaliland Md Cabdirashiid Caydiid Yaasiin Gudoomiyaha Xidhiidhka Kubada Cagta Ee Somaliland Fuaad Ahmed Cali Maamulka Gobolka Sool Iyo Sideeda Kooxood Ee Kaqaybgalaaya Qori Tuurka Tartanka Horyaalka Kooxaha Heerka 1aad Ee Kubadda Cagta Ee Gobolkaasi

Agaasimaha Waaxda Ciyaaraha Ee Wasaarada Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha Somaliland Md Cabdirashiid Caydiid Yaasiin Oo Munaasibadaasi Kahadlay Ayaa Kawarbixiyay Qorshayaasha Tartanada Ciyaaraha Oo Dhamaan Gobolada Dalka Ay ka Fulinayaan Qaarkoodna Aysocdaan Qaarna Ay Hada Wasaaradu Isku Aadkoodi Ay Qacanta Kuhayso

” Sharafwayn Bay Iitahay Inaan Maanta Aanu Kafulinayno Gobolka Sool Tartankii Horyaalka Isku Aadkiisii Kaasoo Aanku Rajo Waynahay Inuu Qabsoomo Waqtigu Ugu Dhaw Ee Kuhaboon Ee Kumunaasibka Ah ” Agaasime Cabdirashiid Caydiid Yaasiin

Daawo Muuqaalka Warkaas :-

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom