telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

Maayar Cabdixakiin Nuur Muuse Oo Kalmado Fariin Iyo Dardaaran Ah Usoo Jeediyay Xildhibaanada Cusub Ee Oodwayne Iyo Shacabka Magaaladaasi + Muuqaal

Oodwayne(Gaaroodinews) Maayarka Xilka Sii Haya Ee Magaalada Oodwayne Ee Caasimada Gobolka Daad-Madheedh Mayar Cabdixakiin Nuur Muuse Oo Warbaahinta Lahadlay Ayaa Wuxuu Fariin Udiray Golaha Deegaanka Cusub Ee Loo Doortay Degmada Oodwayne Iyo Bulshawaynta Kudhaqan Gobolka Daad-madheedh

Mayar Cabdixakiin Nuur Muuse Waxaa Uu Kadigay Inay Gudaha Magaalada Oodwayne Kadhacaan Rabshado Iyo Mudaharaado Kutacaluqa Khilaafka Kataagan Hogaaminta Talada Golaha Deegaanka Degmada Oodwayne

Sidoo Kale Mayar Cabdixakiin Nuur Muuse Waxaa Uu Cadeeyay Khilaafka Dib Udhigay Inay Mudanayaasha Golaha Deegaanka Degmada Oodwayne Ay Ufadhiistaan Inay Doortaan Maayar Iyo Maayarku Xigeenka Magaaladaasi

” Golaha Deegaanka Degmada Oodwayne Oo Kukala Aragti Duwanaaday Hogaaminta Talada Waxaan Usoo Jeedinaya Oonka Digayaa Horta Wax Rabasha Ama Mudaharaada Oo Kadhici Kara Magaalada Inaanay Jirin Sababtoo Ah Xildhibaanadu Inay Ixtiraamaanbaa Wacan Dadkii Cadceeda Usoo Istaagay ” Mayar Cabdixakiin Nuur Muuse

Dhanka Kale Maayar Cabdixakiin Nuur Muuse Waxaa Uu Ladardaarmay Mudanayaasha Golaha Deegaanka Degmada Oodwayne Kaasoo Usoo Jeediyay Inay Isku Tanaasulaan Qacmahana Isqabsadaan Isla Markaana Iskasoo Dhex Doortaan Xildhibaanadii Sii Wadi Lahaa Horumarka Baaxada Leh Ee Deegaanka Kasocda Waxaanuu Yidhi :-

” Waxaan Leeyahay Xildhibaanadiina Golaha Deegaanka Degmada Oodwayne Xujaa Sudhan Taasoo Odhanaysa Sidaa Ay Doorshadiinu Uga Danbaysay Degmooyinka Dalka Ayaa Horumarkiinuna Uga Danbayn Doonaa Horumarka Dalka Amba Waxaad Noqon Doontaa Rag Xaga Danbe Iska Wanaajiyay Oo Runtii Horumar Iyo Horusocod Noqda Waxaa Degmada Kasocda Horumar Balaadhan Oo Ayka Wado Xukuumada Uu Gadhwadeenka Kayahay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Waxaan Rajaynayaa Xildhibaanadii Kasii Tisqaadi Lahaa Kana Sii Hana Qaadi Siina Wadi Lahaa Hawshaa Inaad Iska Soo Dhex Xushaan ” Mayar Cabdixakiin Nuur  Muuse

 

Daawo Muuqaalka Warkaas :-

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom