telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

Agaasimaha Waaxda Ciyaaraha Ee Wasaarada Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha JSL Oo Shir Kusaabsan Horumarinta Ciyaaraha Kula Yeeshay Degmada Sheekh Gudida Ciyaaraha Degmadaasi + Sawiro

Sheekh(Gaaroodinews) Agaasimaha Waaxda Ciyaaraha Ee Wasaarada Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha Somaliland Md Cabdirashiid Caydiid Yaasiin Oo Maalmihii Udanbeeyay Safaro Shaqo Oo Uu Kufuraayay Wareegyada Ciyaaraha Heerka Koobaad Ee Gobolada Sool Sanaag Iyo Togdheer Ayaa Safarkaasi Shaqo Oo Guul Kusoo Dhamaaday Kadib Waxaa Uu Magaalada Sheekh Waxaa Uu Kulan Shir Ah Kula Yeeshay Bahda Ciyaaraha Gobolka Saaxil Gaar Ahaan Degmada Sheekh Kulankaasi Oo Sida Uu Kawarbixiyay Agaasimaha Waaxda Ciyaaruhu Waxaa Uu Kusaabsanaa Dhiirigalinta Horumarinta Ciyaaraha Ee Degmadaasi

Kulankan Waxaa Agaasimaha Waaxda Ciyaaraha Kuwehelinaayay Gudoomiyaha Xidhiidhka Kubada Cagta Somaliland Fuaad Ahmed Cali Isuduwaha Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Gobolka Saaxil Shaafici Jaamac Aadan iyo Masuuliyiinta Ciyaaraha Ee Heer Degmo

Hadaba Agaasime Cabdirashiid Caydiid Yaasiin Oo Barta Uu Bulshada Kala Xidhiidho Ee FB Waxaa Uu Kaga Warbixiyay Kulankaasi Waxaanuu Yidhi :-

” Shir aanu ku yeelanay magaalada Sheekh kaas oo ku saabsanaa horumarinta ciyaaraha ee degmadaasi, waxa ka qayb galay Agaasimaha Waaxda Ciyaaraha Cabdirashiid Caydiid Yaasiin, Gudoomiyaha Xidhiidhka Kubbadda Cagta Fiaad Axmed Cali, Isuduwaha Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Gobolka Saaxil Shaafici Jaamac Aadan iyo masuuliyiinta Ciyaaraha ee heer degmo ” Agaasime Cabdirashiid Caydiid Yaasiin

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom