telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

“Madaxweyne Jooji Sharci Darrada Aad Waddo Ee Aad Rabto In Dad Xisbi Kale Kasoo Baxay Ay Xisbigaaga U Codeeyaan” Gudoomiye Faysal Cali Waraabe

Hargeisa(Gaaroodinews) Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Ah Ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe Oo Shir Jaraaid Kuqabtay Magaalada Hargeisa Ayaa Ugu Horayn Shacabka Reer Somaliland Kuhanbalyeeyay 61 Guurada Kasoo Wareegtay Markii Dalka Somaliland Uu Xoriyadiisa Kaqaatay Dawladii Ingiriiska

Gudoomiye Faysal Cali Waraabe Waxaa Uu Eedaymo Usoo Jeediyay Madaxweynaha Somaliland Kaasoo Ku Eedeeyay In Madaxweynuhu Doonaayo Mudanayaal Xisbi Kale Kasoo Baxay Inay Mudanaha  Xisbigiisu Uu Wato Ay Ucodeeyaaan Waxaanuu Yidhi :-

Madaxweynaha Waxaan Leeyahay 30 Xildhibaan Ayaad Heshay Iimaanso, Labadii Xisbi Ee Kale Ayaa Helay 52 Xildhibaan, Shir-gudoonka Isbahaysiga Leh Xumaanna Maaha, Ee Waa Isku Dheeli-tirka Dhadhaarada Qaranka”

Gudoomiye Faysal Cali Waraabe Waxaa Uu Intaas Raaciyay

“Madaxweyne Jooji Sharci Darrada Aad Waddo Ee Aad Rabto In Dad Xisbi Kale Kasoo Baxay Ay Xisbigaaga U Codeeyaan”

Dhanka Kale Gudoomiye Faysal Cali Waraabe Waxaa Uu Fariin Udiray Xukuumada Somalia Kaasoo Sheegay In Aan Qaranka Somaliland Mardanbe Wada Hadal Lagali Doonin Dawlada Taagtadaran Ee Somalia Waxaanuu Yidhi :-

“Wada-hadal Dambe La Gali-mayno Somalia, Farmaajo-na Waxaan Leeyahay..,”

 

 

Daawo Muuqaalka Warkaas :-

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom