telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

” Xisbiyadu Yaanay Sas Kaqaadin Furista Ururada Siyaasada ” Xildh Cabdiraxmaan Dheere + Muuqaal

Hargeisa(Gaaroodinews) Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin (C/Raxmaan Dheere) Oo Kamid Ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada Ee Xilkoodu Dhamaaday Oo Maanta Warbaahinta Lahadlay Ayaa Wuxuu Kahadlay Xeerka Furista Ururada Iyo Asxaabta Somaliland Oo Ay Ansixiyeen Golaha Guurtida Somaliland Xeerkaasoo Hore Ugasoo Gudbay Mudanayaasha Golaha Wakiilada Ee Uu Katirsanyahay

Xildhibaan Cabdiraxmaan Dheere Ayaa Wuxuu Carabka Ku Adkeeyay Muhiimada Uu Leeyahay Xeerkani Isaga Oo Sheegay Inayka Duulayeen Sidii Loo Cusboonaysiin Lahaa Liisanka Asxaabta Qaranka Oo Waqtigiisu Gabaabsi Yahay

” Xeerkani Muhiimad Gaarabuu Qaranka Uleeyahay Samayntiisa Xeer Hore Ujirayna Wuu Ahaayoo Dhaqangalay Oo Shaqaynaayay Waxaase Uu Ubaahday Dib U Eegis Lagusameeyo ” Xildh Cabdiraxman Dheere

Dhanka Kale Xildhibaan Cabdiraxmaan Dheere Waxaa Uu Fariin Udiray Asxaabta Siyaasada Qaranka Kaasoo Sheegay Inaanay Saska Qaadin Furista Ururada Siyaasada Waxaanuu Yidhi :-

” Xisbiyadu Yaanay Sas Kaqaadin Furista Ururada Siyaasada ” Xildh Cabdiraxmaan Dheere

 

 

Daawo Muuqaalka Warkaas :-

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom