telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

Colaadda gobolka Tigray ee Itoobiya: Saddex arrimood ka ogow xaallada isbadbadalaysa ee gobolka Tigray

Fourteen-year-old Adan Muez is helped to sit up in his bed at Adigrat General Hospital in the town of Adigrat, Tigray region, Ethiopia, March 18, 2021Colaadda ayaanay cidina seegin – waa canug lagu dabiibiyo isbitaal

Dowladda Itoobiya ayaa gobolka Tigray uga dhawaaqday xabbad joojin – sideed bilood kaddib markii uu Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed uu halkaas ciidamo u diray si uu hoggaanka gobolkaas meesha uga saaro.

Ku dhawaaqista arrintaas ayaa waxa ay timid xilli dad goobjoogayaal ah ay sheegeen in ciidammada ka soo horjeeda dowladda ay joogaan waddooyinka caasimadda gobolkaasi ee Mekelle.

Dhammaan dhinacyada ayaa waxaa lagu eedeeyay inay gaysteen dilal badan iyo xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

In ka badan shan milyan oo qof ayaa waxa ay si degdeg ah ugu baahan yihiin raashin gargaar ah, waxaa sidaasi sheegtay Qaramada Midoobay, halka 350,000 oo qofna ay macalluul wajahayaan.

Isniintii, waxaa soo baxay warar sheegaya in dagaalyahannada Tigray-gu – kuwaas oo weerrar cusub soo bilaabay todobaadkii tegay – ay maamulkii ku meelgaarka ahaa ka saareen magaalada Mekelle.

Getachew Reda, afhayeenka Jabhadda Xorraynta Dadka Tigray (TPLF), ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in magaalada ay haatan gacantooda ku jirto.

Tira dad ah oo ku sugan magaaldaa Mekelle ayaa sidoo kale BBCda u sheegay inay u dabaaldagayaan bixitaanka ciidammada federaalka. Ila wareed aanan la magacaabin oo ka tirsan dowladda ku meelgaarka ah ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP “qofwalba waa uu baxay”, halka laba qof oo goobjoogayaal ah oo u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in askar Tigray ah lagu arkay gudaha magaalada Mekelle.

Dowladda Itoobiya ayaanan weli wax war ah ka soo saarin wararka sheegaya in ciidammadeeda ay dib u guranayaan.

Hasayeeshee bayaan la shaaciyay gelinkii dambe ee Isniinta ayaa waxaa lagu faafaahiyay xog dheeraad ah oo ku saabsan xabbad joojinta, iyadoo bayaanka lagu sheegay in xabbad joojintu “ay socon doonto illaa uu ka dhammaanayo xilliga beeraha”, in gargaarka loo ogolaado inuu gaaro dadka u baahan iyo in fursad la siiyo habkii xal siyaasadeed lagu gaari lahaa.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres, oo Isniintii khadka taleefan kula hadlay Mr Abiy, ayaa sheegay in “muhiim ay tahay in la ilaaliyo dadka rayidka ah, gargaarka uu gaaro dadka u baahan iyo in la gaaro xal siyaasadeed”. Sikastaba xaalku ha ahaadee, waxa uu ku “rajo waynaa” in xabbad joojin ay dhaqangasho.

Presentational grey line

Dabaaldegyo iyo calamo

Vivienne Nunis, weriyaha BBC Afrika ee Nairobi 

Maalin ay dhaceen dhacdooyin degdeg ah, ayaa waxaa lagu soo warramay in wakiillada dowladda ay isaga baxayeen magaalada Mekelle.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhallaanka ee UNICEF ayaa waxa ay soo saartay bayaan ay ku cambaaraynayso ciidammada qaranka Itoobiya kuwaas oo ay sheegeen inay galeen xafiisyadeeda ayna si xoog ah u kala daadiyeen qalabka satalaytka.

Ila wareedyo ku sugan magaalada Mekelle ayaa waxa ay BBCda u sheegeen in dadka ay ku dabaaldagayaan waddooyinka halka farriimaha la soo dhigayo baraha ay bulshada ku wada xiriiraan ay u muuqanayaan inay muujinayaan taageerayaasha fallaagada Tigray oo calamo wata.

TPLF ayaa dadka magaalada waxa ay ugu baaqeen inay isdajiyaan oo ay la shaqeeyaan ciidammadeeda.

Presentational grey line

Muxuu dagaal uga soconayaa gobolka Tigray?

Nofeembartii la soo dhaafay dowladda Itoobiya ayaa waxa ay qaadday weerrar ay awoodda uga tuurayso xisbiga hayay talada gobolkaas ee Jabhadda Xoraynta Dadka Tigray (TPLF).

Xisbiga ayaa waxa ay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed isku gafeen isbadallada siyaasadeed ee uu ku samaynayay hannaanka federaalka ee dalkaas ee ku salaysan qowmiyadda – walow qabsashada TPLF ee saldhigyada milateri ee Tigray ku yaal ay gundhig u aheyd weerrarka.

Qoraalka Muuqaalka,Colaadda gobolka Tigray ee Itoobiya: ‘Astaamaha colaadda ayaa si fudud lagu arki karaa’

Mr Abiy, oo ku guulaystay abaalmarinta Nobel Peace Prize, ayaa dhammaadkii bishii Nofeembar ku dhawaaqay in colaaddu ay dhammaatay, hasayeeshee dagaalku waa ii sii socday.

Kumannaan qof ayaa la dilay. Tobannaan kun oo qof ayaa u qaxay waddanka dariska ah ee Suudaan.

Dhammaan dhinacyada ayaa waxaa lagu eedeeyay xadgudubyo badan oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

TPLF ayaa waxa ay ciidammo isku darsadeen kooxaha kale ee Tigray si ay u samaystaan Ciidammada Difaaca Tigray.

Cabsida macaluusha

10-kii Juun, Qaramada Midoobay ayaa waxa ay xaaladda waqooyiga Itoobiya ku tilmaantay inay macaluul tahay.

Daraasad ay Qaramada Midoobay baritaaraysay ayaa waxaa lagu ogaaday in 350,000 oo qof oo ku sugan gobolka Tigray ee uu dagaalka ka socdo ay ku nool yihiin “dhibaato wayn”.

Sida lagu sheegay bayaanka, xaaladda cuntada ee gobolkaasi ayaa gaartay heer “musiibo ah”, taas oo caddaynaysa gaajada iyo dhimashada saamaynaysa dadka yar ay ku sii fidayso dhul ballaaran.A woman is taken to Ayder Referral Hospital, in Mekelle, after an airstrike in Togoga, Ethiopia's Tigray region June 22, 2021. Picture taken June 22, 2021.

Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay (WFP), Hay’adda Cunnada iyo Beeraha iyo midda dhallaanka ee UNICEF ayaa dhammaantood waxa ay ku baaqeen tallaabo degdeg ah oo wax looga qabanayo dhibaatada.

Hasayeeshee faalladaas ma aanay taageerin dowladda Itoobiya, taas oo diidday in ay macaluul ka jirto dalkeeda.map of Tigray showing worst affected areas

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom