telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

Shanta ciyaartooy ee Afrikaanka ah ee kalmeeya bulshada

.

Kubadda cagta ayaa si weyn looga jecel yahay guud ahaan dunida, si weyn ayaa loo xiiseeyaa, waxaana dawaada in ka badan 4 bilayn qof oo ku nool guud ahaan dunida.

Ciyaartooyda iyo dadka kale ee ku lugta leh kubadda cagta ayaa qaataa lacago malaayiin doolar ah.

Qaar kamid ah ciyaartooyda sida weyn loo yaaqaaano ayaa inta badan ka qeyb qaataa kaalmeynta dadka, waxaana kamid ah Cristiano Ronaldo, Mesut Ozil, Rihad MDavid Beckham, Lionel Messi, Riyad Karim Mahrez, Balotelli, Yakubu Ayegbeni, Neymar iyo Marcus Rashford.

Marka aan imaano Afrika waxaa ka qeyb qaataa caawinta bulshada ilaa shan ciyaartooy, waxaana kamid ah ciyaartooydaas:

1. Maxamed SaalaxMo Saalax oo la sawiran nin naafo ah

Mo Saalax oo la sawiran nin naafo ah

Maxamed Saalax ayaa kamid ah ciyaartooyda ugu wanaagsan guud ahaan caalamka, wuxuu kooxdiisa Liverpool ka qaataa mushaar dhan 14 malyan oo doolar sanadkiiba.

Maxamed Saalax wuxuu kumanaan Oksijiin ah ugu deeqay cisbitaallo ku yaalla Masar si wax looga qabto cudurka Covid-19.

Sanadkii 2019-kii, wuxuu xarun la taacaasho cudurka kansarka oo ku taalla Masar ugu deeqay 3 malyan oo doolar si dayactir loogu sameeyo halkaas kadib waxyeelleyn kasoo gaartay weerar argagixiso oo ka dhacay halkaas.

Sanadkii 2018-kii, wuxuu ku dhawaad nus malyan doolar ku bixiyay dhismaha mashruuca biyo lagu gelinayay xaafaddiisa Nagrig ee ku taalla Masar.

2. Samuel Eto’oSamuel Eto'o

Samuel Eto’o

Wuxuu horraan u dheeli jiray xulka qaranka Cameroon, kooxaha Barcelona, ​​Chelsea iyo Inter Milan.

Wuxuu inta badan diiradda saaraa barnaamijyo uu ku caawinayo carruurta iyo da’ yarta, wuxuu deeq isugu jirto raashiin iyo agab kale siin jiray da’yarta.

Wuxuu qaarkood ka caawiyay lacagaha waxbarashada.

Wuxuu ku lug lahaa barnaamijyo badan oo lagu taageerayay adeegyada caafimaadka ee qaaradda.

3. Sado ManeSadio Mane

Sadio Mane

Wuxuu ahaa ciyaartooygii ugu wanaagsanaa Afrika sanadkii 2019, haatan wuxuu u dheelaa kooxda ka dhisan Ingiriiska ee Liveerpool.

Waxaa lagu tilmaama ciyaartooyga ugu naxariista badan marka ay timaaddo arrimaha banii’aadanimada, waana ciyaartooy ku dhagan diinta Islaamka.

Inta badan lacagta uu qaato wuxuu dib ugu soo celiyaa dalkiisa Senegal si uu u caawiyo bulshadiisa.

“Waxaan soo maray nolol faqiirnimo ah, xitaa waxaan dheeli jiray kubadda anigo oo kabo la’aan ah, waxbarasho ma soo marin, maanta waxaa qaadanayaa mushaar badan, haatan waxaan caawin karaa bulshadeyda” ayuu yiri Mane.

Sado Mane magaaladii uu kasoo jeeday wuxuu ka dhisay iskuul, cisbitaal weyn iyo masaajid.

4. Didier DrogbaDidier Drogba

Didier Drogba

Wuxuu aasaasay hay’ad lagu magacaabo Didier Drogba Foundation, taas oo ka qeyb qaadata dhisitaanka iskuullo, cisbitaallo iyo xarumo lagu xanaaneeyo carruurta agoonta ah.

Wuxuu si weyn uga qeyb qaatay dadaallo lagu caawinayo shacabka gaar ahaan sanadkii 2007 oo ay dalkiisa kasoo afjarmeen dagaallada sookeeye.

5. Nwankwo KanuKanu oo carruur la sawiran

Kanu oo carruur la sawiran

Wuxuu u dheeli jiray xulka qaranka Nigeria iyo kooxda Arsenal.

Kanu wuxuu labo jeer ku guuleystay ciyaartooyga ugu wanaagsan Afrika.

Wuxuu sanadkii 2000 hirgeliyay hay’ad lagu magacaabo Kanu Heart Foundation taas oo ilaa iyo hadda caawisay kumanaan carruur Afrikaan ah.

Wuxuu Afrika ka hirgeliyay mid kamid ah cisbitaallada qaabila bukaanada uu ku dhacay wadno xanuunka, wuxuu sidoo kale qeyb ka ahaa olole lagu guuleystay oo qalliin loogu sameeyay carruur yar yar oo Afrikaan ah

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom