telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

1-da luulyo: Haddii aynan koonfur la midoobi lahayn, xilligan horumar ayaan gaadhi lahayn

.

Maanta oo kale 61 sannadood ka hor waxaa midoobay labadii gobol ee Koonfur iyo Waqooyi oo ay kala maamuli jireen gumaystayaashii Britain iyo Talyaaniga.

Xaflado iyo Munaasabado lagu maamuusayo xuska 1-da Luulyo oo ku beegan 61- guuradii ka soo wareegtay markii Gobollada Koonfureed ay xornimada qaateen 1960-kii iyo israacii gobollada Waqooyi iyo Koonfur ayaa ka dhacday magaalada Muqdisho iyo meela kale oo si joogto ah dabbaaldgyada nocan ah lagu qabto.

Caadi ahaan shacabka iyo Jamhuuriyadda Iskeed Madax-banaanida ugu Dhawaaqday ee Somaliland ayaan haseyeshee u dabaal degin sanadguuradii ka soo waregtay israaca labada gobol.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ee UCID, Faysal Cali Waraabe, ayaa waraysi uu siiyay telefishinka Horn Cable wuxuu 1-da Luulyo ku tilmaamay maalin “hoog” aan shacabka Somaliland ku haboonaynayn.

“1-da Luulyo waxay Somaliland ku tahay maalintii hooga waxayna noqotay maalintii midoobayd ee shacabka reer Somaliland xornimadoodii ay baaba’day oo ay hoos galeen maamul iyo awood juhala ah.” Ayuu yiri gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe.

Caadi ahaan Soomaaliland waxa laga xusaa 26 June oo ah markii gobollada waqooyi ay xorriyada ka qaateen gumeystihii Igniriiska. Sanadguuradan ayaa sidoo kale laga xasuaa qeybaha kale ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda goonni isutaageeda ku dhawaaqday ee Somaliland ayaa sheegay in gardarro aan geed loogu soo gabban ay tahay in Muqdisho laga xuso markii ay xorriyadda qaateen gobollada waqooyi oo ku beegan 26 June.

Shacabku sidey u arkaan?

Qaar ka mid ah shacabka magaalada Hargaysa oo ay BBC-da makaroofanka la dhex qaaday ayaa ka hadlay aragtitooda ku aadan xuska munaasabadda 1 Luulyo.bb

” Waxaan u arkaa maalintaas maalin la lu’go’ay ayey ahayd, haddii aynan la midoobi lahayn oo aan Xamar la aadi lahayn xilligan horumar ayaa la gaari lahaa, iminkana waxaan leeyahay yaan dib loogu noqon wadadii maalintaa qaldanayd ee la maray”. Ayuu yiri Cadnaan Jibriil Daahir oo ku sugan magaalada Hargaysa.

“Waxaan u hambalyeynayaa walaalaheenna jaarka ee Soomaaliya, todobaadkii xoriyadda ayey ku jiraan inkasta oo ay iyaga ku doodayaan midnimada muqadaska walow aysan xitaa iyaga aysan marnaba oran midnimo ma jirto oo ay dhahaan midnimada ayaa jirta waxaan leeyahay hambalyo,” ayuu yiri sidoo kale mid ka mid ah dhalinyaradii la hadlay BBC.Calanka Soomaaliland oo lagu sharraxay goobta ay ka dhaceysay xafladda lagu xusayay 26-ka Juun

Jaamac Cali oo isgana ku sugan magaalada Hargaysa ayaa yiri, ” Xuska 1-da Luulyo ma ahan wax jira maanta oo laba dowladood oo kala madax-banaan oo Somaliland iyo Soomaaliya la kala dhaho marka midnimadaan la xusayo waa wax dhalanteed ah oo aan aniga riyo u arko, marka waxaan rajaynayaa inay tahay wax un la isku maaweelinayo oo jiilaalkaan soo socdo taariikhda lagaga badelayo.”bbc

Somaliland ma waxay mar ahayd dal madax bannaan oo gooni u taagan?

Jamhuuriyadda Iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland oo ka kooban gobolladii Waqooyi ee ka xoroobay gumeysiga Britain waxay gooni isu taagtay ka dib burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

Tan iyo xilligaas waxay mas’uuliyiinteeda raadinayeen aqoonsi caalami ah, waxaana halkaas ka hirgalay nabadgalyo aan ka jirin Soomaaliya inteeda kale.

Dad badan ayaa su’aalo iska weydiinaya qodobka ay mar kasta ku doodaan madaxda Somaliland ee ah in ay dal madax bannaan ahaayeen ka hor intii aysan Soomaaliya ku biirin.bbc

Sida aan kor ku soo xusnay, shirkii ay dalalka reer galbeedka ku yeesheen caasimadda Jarmalka, waxaa saddex qeybood loogu kala gooyay dhulkii la isku oran jiray Soomaaliya, waxaana mid walba maamulkiisa la wareegay saddex gumeysi oo kala duwan.

Taas waxay ka dhigneyd in saddexdaas gobol ay kala madax bannaanaayeen, mid kastana uu xorriyaddiisa u qaadanayay si gaar ah.

Waxaana meeshaa ka maqnaa NFD iyo Soomaali Galbeed oo Britain ay gumeysaneysay, ka dibna lagu kala daray dalalka Kenya iyo Itoobiya.

Tusaale ahaan Jabuuti markii ay madaxbannaanideeda ka heshay Faransiiska waxay shacabkeeda xaq u yeesheen in laga qaado afti lagu kala xaqiijinayo inay Soomaaliya dib uga mid noqdaan iyo in ay gooni isu taagaan.

Marka la eego arrintaas waxaa muuqata in gobolladii Waqooyiga ay xorriyaddooda ka qaateen gumeystihii Ingiriiska, ayna ka madax bannanaayeen Soomaaliya inteeda kale.

Hase yeeshee taas waxaa la soo afjaray dhowr maalmood kaddib markii ay gobollada Waqooyi ku biireen gobollada Koonfureed, sidaasna ay ku noqdeen Jamhuuriyadda Soomaaliya

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom