telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

Maayirka Caasimadda Hargeysa Oo Shacabka Ugu Baaqey In Maalinta Khamiista Ah Ay Isugu Soo Baxaan Olole Lagu Nadiifinayo Dooxa Hargeysa + Muuqaal

Hargeisa(Gaaroodinews) Maayirka Caasimadda Hargeysa Md Cabdikareem Ahmed Mooge  Oo Xafiiskiisa Shirjaraaid Kuqabtay Ayaa Shacabka Caasimada Hargeisa Ugu Baaqey In Maalinta Khamiista Ah Ay Isugu Soo Baxaan Olole Iskaa Wax Uqabso Ah Oo lagu Nadiifinayo Dooxa Wayn Ee Caasimada Hargeysa Oo Mudooyinkii Udanbeeyay Uu Buux Dhaafiyay Qashin Fara Badan Kaasoo Caafimaad Daro Iyo Bilic Xumoba Kuhayay Dadwaynaha Kudhaqan Caasimada Hargeisa

Maayar Cabdikareem Ahmed Mooge Ayaa Waqtigii Uu Kuguda Jiray Ololihii Doorashada Golaha Deegaanka Caasimada Hargeisa Waxaa Uu Shacabka Reer Hargeisa Uu Ubalanqaaday Inuu Waxka Qaban Doono Dooxa Hargeisa Oon Muhiimad Badan Ulahayn Maamulkii Hore Ee Dawlada Hoose

Talaabadan Uu Qaaday Mayor Mooge Ayaa Noqon Doonta Talaabo Ay Mahadiso Caasimada Hargeisa Gaar Ahaan Dhanka Caafimaadka Dadwaynaha Kuganacsada Suuqa Waaheen Ee Udhaw Dooxa Sidoo Kale Goaankan Maayarku Wuxuu Wayn Katari Doonaa Bilicda Caasimada Hargeisa

 

Daawo Muuqaalka Warkaas :-

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom