telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

Maamulka Degmada Maxamuud Haybe Oo Kahadlay Doorka Ay Degmo Ahaan Kaqaateen Ololaha Nadiifinta Dooxa Wayn Ee Caasimada Hargeisa + Muuqaal

Hargeisa(Gaaroodinews) Ololaha Nadaafadeed Ee Maanta Sirasmiya Uga Bilaabmay Dooxa Wayn Ee Caasimada Hargeisa Aya Waxaa Siwayn Uga Dhexmuuqday Isla Markaana Uga Qaybqaatay Degmada Maxamuud Haybe Ee Caasimada Hargeisa

Gudoomiyaha Degmada Maxamuud Haybe Maxamed Cabdilaahi Abiibakar Iyo Xoghayaha Degmadaasi Cabdiqani Xaaji Ahmed  Oo Warbaahinta Lahadlay Ayaa Qeexay Muhiimada Uu Ololahani Uleeyahay Caasimada Iyo Fayo Dhawrka Deegaankaba Iyo Doorka Ay Degmo Ahaan Kaqaadanayaan Ololahan Nadaafadeed Ee Laga Bilaabay Dooxa Wayn Ee Caasimada

Gudoomiyaha Degmada Maxamuud Haybe Maxamed Cabdilaahi Abiibakar  Oo Halkaasi Kahadlay Ayaa Ugu Horayn Halkaasi Kajeediyay Kalmado Dardaaran Iyo Wacyigalin Ah Waxaanuu Shaqaalewaynaha Dawlada Hoose Uga Mahadnaqay Sida Wayn Ee Ay Uga Qaybqaateen Ololaha Nadiifinta Caasimada Hargeisa

” Saaka Waa Arooryo Suuban Waxaa Loo Shaqaynayaa Qarankii Fayras Soo Jimicsanaayiyo Jeermis Soo Gurguurtiyo Yaanu Jarrin Caruurtee Ayaanu Leenahay…Aad Iyo Aad Waxaanu Ugu Mahadnaqaynaa Shirkadaha Ururada Bulshada Gudida Nabadgalyada Shaqaalewaynaha Dawlada Hoose Ama Xafiiska Maxamuud Haybe Kahawlgala ” Gudoomiyaha D/Maxamuud Haybe

Dhanka Kale Xoghayaha Degmada Maxamuud Haybe Cabdiqani Xaaji Ahmed Oo Isna Halkaasi Kahadlay Ayaa Yidhi :-

” Siduu Maayarku Kudhawaaqay Oo Aynu Samaynayno Hawlgalkii Nadiifinta Caasimada Oo Laga Bilaabay Degmada Maxamuud Haybe Iyo D/Gacanlibaax Dhexdooda Biriijka Wixii Bari kasoo Xiga Ayaa Anaga Nagu Hagaagay Waxaanu Leenahay Waa Intaasoo Looga Sii Dhawaado Dadwaynaha Dhamaan Shirkadaha Waxaanu Kuwacyigalinaynaa Inayka Qaybqaataan ” Xoghaye Cabdiqani Xaaji Ahmed

Daawo Muuqaalka Warkaas :-

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom