telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

Saddex arrimood oo ku saabsan booqashada Ra’iisul Wasaare Rooble ee Kismaayo

.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, maanta markii uu ka ambabaxayay magaalada Kismaayo waxa uu sheegay inuu socdaal ku mari doona guud ahaan magaalooyinka loo asteeyay in ay ka dhacaan doorashooyinka soo socda ee dalka.

Wuxuu sheegay in uu qiimeynayo diyaargarowga howlaha doorashada iyo ammaanka magaalooyinkaasi.

Ra’iisul Wasaare Rooble waxa uu sheegay in safarka uu ku tagay magaalada Kismaayo uu qeyb ka ahaa arrimaha doorashada Soomaaliya ee isagu “uu mas’uulka ka yahay.”

Wuxuu goordhaw gaaray magaalada Garbahaarrey ee Gobolka Gedo, waxaana halkaas ku soo dhaweeyay maamulka gobolka.

Doorashada

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble wuxuu sheegay in safarkan u ku tegay Jubaland ay gogol xaar u tahay arrimaha doorashada.

“Safarkan waxaa uu ka mid yahay safaradda gogol xaarka u ah ee aan ku kala bixinayo dhammaan goobaha ay ka dhaceyso doorashooyinka oo ay maanta ugu horreyso Kismaayo,! ayuu yiri.

Ra’iisul Wasaaraha oo maanta gaaray Garbaaharrey, wuxuu sheegay, intii Kismaayo uu ku sugnaa, in uu uga usii gudbi doono Baydhabo, Baraawe, Jowhar, Beledweyne, Dhuusamareeb, Galkacyo.”

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, waxa uu dhanka kale carabka ku adkeeyay in Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), “uu mas’uul ka yahay doorashooyinka ka dhici doona magaalooyinka Kismaayo iyo Garbahaarrey,” isagana uu kala xisaabtami doono, maadaama mas’uuliyadda doorashada ay isaga saaran tahay.

“Labada degmo Kismaayo iyo Garbahaarreey oo mas’uuliyadeeda ay qaaday dowlad goboleedka Jubaland oo aan kala xisaaabtami doono.”

“Marka madaxweyne waxaan kaa rabaa shacabka soomaaliyeed iyo shacabka Jubaland u sheegaya InshaaAllah in Ilaahey uu kula garabgalo doorashooyinkaas ka dhacaya Kismaayo iyo Garbaaharrey oo mas’uuliyadeedu adiga toos kuu hoos imaaneyso, aniga ay tahay in aan dusha kala socdo”.

Waxyaaabaha u sameeyay intii uu Kismaayo joogayRa'iisul Wasaare Rooble oo booqday saldhigga taliska qeybta 43-aad ee militeriga Soomaaliya ee ku yaalla Kismaayo

Ra’iisul Wasaare Rooble oo booqday saldhigga taliska qeybta 43-aad ee militeriga Soomaaliya ee ku yaalla Kismaayo

Maxamed Xuseen Rooble markii uu Kismaayo gaaray, meelihii uu booqday waxaa ka mid ahaaa saldhigga taliska ciidamada qeybta 43-aad ee militariga Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in sababta uu halkan u tagay ay aheyd in uu dhageysto cabaqadaha heysta ciidamada iyo sidii wax looga qaban lahaa arrimahaas.

“Sababah aan u imid Kismaayo waxaa ka mid ah in aan idiin arko, indhaheyga aan ku arko xaaladda aad ku nooshihiin, duruufta aad ku nooshihiin, in aan dhageysto cabashadiina, in aan dhageysto tabashadiina”, ayuu yiri.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ballan qaaday in uu wax ka qaban doono cabashada iyo dhibaatooyinka heysta ciidamadan oo ay u gudbiyeen xukuumaddiisa.

“Waan qoranayaa waxaana dib ugu noqonayaa wasaaradda gaashaandhigga iyo taliska xoogga dalka Soomaaliyeed, waana xallinayaa sida ugu dhakhsiyaha badan”.

Soo dhaweynta

Intii uu booqashada ku joogay Kismaayo, waxaa Ra’iisul Wasaaraha si diiran loogu soo dhaweeyay halkaas. meelihii uu booqday waxaa ka mid aheyd Goobweyn.

Waxaa la arkayay Ra’iisul Wasaaraha iyo madaxweynaha Jubaland oo wada cabaya biyaha qumbaha.

Goobweyn waxay hadda noqotay goob dalxiis oo inta badan dadka taga magaalada Kismayo ay booqdaan, ayna isaga soo qaadaan sawiro, gaar ahaan halka ay isaga darsamaan biyaha wabiga Jubba iyo kuwa badweynta Hindiya...

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom