telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

Guddiga Doorashada Gobolada Waqooyi Oo Labo Garab U kala Jabay

Guddiga doorashada gobolada Waqooyi oo labo garab u kala jabayGuddiga doorashooyinka ee gobollada waqooyi ee Somaliland

Guddiga doorashada ee maamulaya doorashada kuraasta Gobolada Waqooyi ayaa u kala jabay labo garab kadib markii shalay si kala gooni gooni ah u doorteen labo guddoon.

Guddiga oo markii hore xubnihii ay soo kala xuleen Ra’isulwasaare ku xigeenka Soomaaliya Mudane Mahdi Khadar iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi, ayaa xubnihii Guddoomiye Cabdi Xaashi waxa ay sheegeen in ay doorteen guddoomiye iyo ku xigeen iyaga oo garabka kale ku eedeeyey doorasho aanan lala ogeyn oo iskood ah.

Qoraal shalay lasoo dhigay bogga guddiga doorashada Heer Federaal ayaa lagu sheegay in guddoonka guddiga Somaliland loo kala doortay Khadar Xariir Xuseen iyo Najiib Xuseen Samaale.

Isla shalay shir ay qabsadeen xubnihii uu Cabdi Xaashi soo xuley ayaa guddoomiye u doortay Suleeymaan Caydiid Cusmaan, wuxuuna guddoomiyaha cusub BBC-da u sheegay in uusan aqoonsanayn guddoonka ay garabka kale

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom