telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

Maareeye Sayid Cumar Cabdilaahi Aadan Oo Magaalada Boorama Kafuray Kulan Lagaga Tashanaayay Xayndaabka Garoonka Diyaaradaha Ee Magaalada Boorama + Muuqaal

Hargeisa(Gaaroodinews) Maareeyaha Haayada Duulista Iyo Madaarada Somaliland Md Sayid Cumar Cabdilaahi Aadan Ayaa Magaalada Boorama Ee Gobolka Awdal Kafuray Kulan Lagaga Tashanaayay Xayndaabka Garoonka Diyaaradaha Ee Magaalada Boorama Kaasoo Mudooyinkii Udanbeeyay Ay Haayada Duulista Iyo Hawada Somaliland Ayku Hawlanayd Sidii Loo Hirgalinlahaa Xayndaab Uu Leeyahay Garoonka Diyaaradaha Ee Magaalada Boorama

Waxaana Kulankaasi Kasoo Qaybgalay Badhasaabka Gobolka Awdal Maxamed Ahmed Caalin Tiinbaro Madaxdhaqameedka Gobolka Awdal Maamulka Degmada Boorama Isu-Duwaha Haayada Madaarada Ee Gobolka Awdal Iyo Masuuliyiin Kale

Maareeyaha Haayada Madaarada Somaliland Md Sayid Cumar Cabdilaahi Aadan Oo Kulankaasi Kahadlay Ayaa Kawarbixiyay Sababta Ay Kulankan Uqabteen Haayad Ahaan Kasoo Sheegay Inuu Yahay Kulan Aykaga Wada Tashanayaan Xadaynta Xayndaabka Madaarka Magaalada Boorama Waxaanuu Yidhi :-

” Maanta Waxaynu Isugu Nimi Kulan Wada Tashiya Oo Aynu Kaga Tashanayno Xadaynta Madaarka Boorama Oo Haayada Duulista Iyo Madaaradu Ay Bixisay Qandaraaskiisa Mudana Xanibnaa kol Hadii Qandaraaska La Bixiyana Waa In Hawsha Lasocodsiiyaa “

Maareeye Cumar Sayid Aadan Cabdilaahi Waxaa Uu Intaasi Raaciyay In Arinta Xadaynta Madaarka Boorama Ay Mudo Soo Jiitamaysay Isla Markaana Loo Baahanyahay In Qandaraaskaa Lafuliyo Caqabada Hortaagan In Mashruucaasi  Fulana Ay Tahay Buu Sheegay Maareeyuhu Arinta Dhulka Waxaanuu Yidhi :-

” Arinta Xadaynta Madaarka Boorama Mudo Ayay Soo Jiitantay Caqabada Kaliyee Hortaaganina Waa Dhulka Caqab Labaadi Mahortaagna ” 

Dhanka Kale Maareeye Cumar Sayid Waxaa Uu Kawarbixiyay Muhiimada Ayka Leeyihiin Cabirka Madaarada Kaasoo Isbarbar Dhig Kusameeyay Cabirka Madaarka Boorama Iyo Cabirada Madaarada Kale Ee Dalka

 

Daawo Muuqaalka Warkaas :-

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom