telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

” Dawlada Iyo Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi Uu Hogaaminaayo Runtii Dadaal Wayn Iyo Qacan Wayn Ayayka Gaysatay Dhismiha Maktabada Salaxley  ” Wasiir Muuse Selef

Hargeisa(Gaaroodinews)Wasiirku Xigeenka Wasaarada Horumarinta Maaliyada JSL Md Muuse Ibraahim Selef Ayaa Kaqaybgalay Munaasibad Ay Maktabada Qaranka Ee Siilaanyo National Library Ay Maktabada Degmada Salaxley Ugu Deeqaysay Deeq Buugaaga Oo Isku Jira Buugaagta Fasalada Dhexe Iyo Sare Ee Manhajka Somaliland  Waxaana Deeqdan Buugaagta Ahi Ay Dhanayd Shan Iyo Labaatan Kartoon

Wasiirku Xigeenka Wasaarada Horumarinta Maaliyada JSL Md Muuse Ibraahim Selef Oo Munaasibadaasi Hadal Kajeediyay Ayaa Ugu Horayn Umahadnaqay Maamulka Maktabada Siilaanyo National Library Ee Deeqda Buugaagta Ah Ugu Deeqay Maktabada Salaxley

Sidoo Kale Wasiir Muuse Selef Waxaa Uu Umahadnaqay Isla Markaana Uu Dadaalkooda Ku Amaanay Gudida Dhalinyarada Ah Ee Gacanta Waynka Gaystay Hirgalinta Ururinta Iyo Kashaqaynta Maktabada Degmada Salaxley Waxaanuu Yidhi

” Runtii Salaxley Arintaa Libraryga Nimankaas Ayaa Kusuntan Haday Tahay Ururinteeda Haday Tahay Kashaqaynteeda Runtii Waanu Uga Mahadcelinaynaa Waana Waajib Ay Lahaayeen Oo Ay Guteen Waxaanan Kudardaaraynaa Inay Halkaasi Kasii Wadaan ” Wasiir Muuse Selef

Wasiir Muuse Selef Waxaa Kale Oo Uu Sheegay In Xukuumada Uu Hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Ay Kaalin Waynka Qaadatay Hirgalinta Maktabada Salaxley

” Dawlada Iyo Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi Uu Hogaaminayaana Runtii Dadaal Wayn Iyo Qacan Wayn Ayayka Gaysatay Dhismihii Hore Iyo Extentionka Maktabada Salaxley  ” Wasiir Muuse Selef

Gabagabadiina Wasiirku Xigeenka Wasaarada Horumarinta Maaliyadu Waxaa Uu Dardaaran Usoo Jeediyay Dhalinyarada Sida Iskaa Wax Uqabsada Ah Uga Shaqaysay Maktabada Salaxley Waxaanuu Shacabka Reer Salaxley Usoo Jeediyay Inay Kafaaiidaystaan Maktabada Degmada Salaxley

Daawo Muuqaalka Warkaas :-

 

 

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom