telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

Maareeyaha Haayada Madaarada Somaliland Oo Ka Jawaabay Cabashadii Dhalinyarada Berbera War Farxadlehna Hawada Umariyay + Muuqaal

Hargeisa(Gaaroodinews) Maareeyaha Haayada Duulista Iyo Madaarada Jamhuuriyada Somaliland Md Sayir Cumar Cabdilaahi Aadan Ayaa Wuxuu Kahadlay Cabasho Maalmihii Udanbeeysay Kasoo Yeedhaysay Dhalinyarada Magaala Xeebeedka Berbera Kuwaasoo Kacabanaayay Qaabka Loo Qaadanaayo Shaqaalaha Madaarka Cusub Ee Berbera

Maareeye Cumar Sayid Cabdilaahi Aadan Waxaa Uu Ugu Horayn Warbixinka Bixiyay Madaarka Magaalada Berbera Iyo Halka Ay Marayso Dhismihiisa Iyo Xiliga Lafuraayo Wuxuu Yidhi :-

” Madaarka Berbera Dawlada Somaliland Waxay Heshiis Kula Gashay Shirkad Caalamiya Oo Runtii Kshaqaysay Inuu Madaarkaasi Uu Noqdo Madaarada Geeska Afrika Midka Tilmaaman Iyadoo Qalabayntiisa Loo Dhamaystiray Insha Allaahuna 21 Novembar Lafuri Doono “

Maareeye Cumar Sayid Cabdilaahi Aadan Waxaa Kaloo Uu Jawaab Cad Kabixiyay Cabashada Maalmihii Udanbeeysay Kasoo Yeedhaysay Dhalinyarada Magaala Xeebeedka Berbera Kuwaasoo Kacabanaayay Qaabka Loo Qaadanaayo Shaqaalaha Madaarka Cusub Ee Berbera Kaasoo Gabi Ahaanba Meesha Kasaaraysa Inay Shirkada Qacanta Kuhaysa madaarka Inay Shaqaale Qoranayso Isla Markaana Loo Baahin Doono Dhamaan Dhalinyarada Reer Somaliland

” Shirkadaas Ayaa Runtii Shaqaale Is Tidhi Shaqaale Qorta Iyadoo Wadankana Kucusub Procedurekana Aan Fahansanyn Wixii Halkaa Kasoo Noqdayna Waala Isla Saxay Maamulkii Gobolka Iyo Dawlada Dhamaan Waanu Wada Hadalnay Waxaanuna Isla Garanay In Dhamaan Shaqaalaha Dib Loo Baahiyo Dibna Loo Xayaysiiyo Dhamaan Dhalinyarada Somalilanda Soo Applygarayn Doonaan ” Maareeye Cumar Sayid

 

Daawo Muuqaalka Warkaas :-

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom