telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

” Madaxweyne Biixi Isagaa Baabiiyay Kulmiye Dadkiina Ka Eryay ” Sheekh Saleebaan Siciid Cali + Muuqaal

Hargeisa(Gaaroodinews) Siyaasi Sheekh Saleebaan Siciid Cali Oo Kamid Ah Siyaasiyiinta Reer Somaliland Ayaa Madaxweynaha Somaliland Ku Eedeeyay Inuu Baabiiyay Xisbiga Kulmiye Isla Markaana Uu Ka Eryay Dadkii Taageersanaa Xisbigaasi

Sheekh Saleebaan Siciid Cali Oo Tvga HCTV Waraysi Dhinacyo Badan Taabanaaya Siiyay Ayaa Ugu Horay Shacabka Reer Somaliland Ku Amaanay Sidii Amniga Iyo Xasiloonidu Kudheehnayd Ee Ay Uga Qaybqaateen Doorashadii Isku Sidkanayd Ee Dhawaan Kadhacday Dalka Waxaanuu Yidhi :-

 ”  Dhamaan Muwaadininta Reer Somaliland Oodhan Marka Hore Waxaan Uhanbalyaynayaa Shacbiwaynaha Reer Somaliland Doorashadii Isasaarnayd Sida fiicane Amniga Iyo Xasiloonida Inoogu Dhacday Marka Labaad Xukuumada Iyo Hawlwadeenadeedu Aad Ayay Ugu Amaananyihiin ” 

Sheekh Saleebaan Siciid Cali Ayaa Sidoo Kale Wuxuu Jawaabka Bixiyay Sida Uu U Arko Loolanka Loogu Jiro Shir Gudoonka Golaha Wakiilada Iyo Isbahaysiga Ay Yeesheen Labada Xisbi Mucaarad Waxaanuu Yidhi :-

” Loobinkaa Imika Kasoconaaya Shir Gudoonkii Oo Aywaliba Xukuumadu Wado Maadaama Ay Wayday Tiro Kufilan Inay Shir Gudoonka Qabsato Xisbiyadii Mucaaradkuna Ay Midoobeen Anigu Runtii Waxaan U Arkaa In Madaxweynuhu Doorashada Ku Amaanan Yahay Qabsoomideeda Ceebaha Iyo Dhaliilaha Kaga Imanaayana Ay Kow Katahay Inuu Loobin Kagalo Shirgudoonka Maadaama Aanu Tiro Uu Kuhanto Shir Gudoonka Xisbigiisu Aanuu Haysan “

Siyaasi Sheekh Saleebaan Siciid Cali Agaasimihii Hore Ee Wasaarada Diinta Iyo Awqaafta Somaliland Ayaa Madaxweynaha Somaliland Ku Eedeeyay Inuu Baabiiyay Xisbiga Kulmiye Isla Markaana Uu Ka Eryay Dadkii Taageersanaa Xisbiga

” Madaxweyne Biixi Isagaa Baabiiyay Kulmiye Dadkiina Ka Eryay ” Sheekh Saleebaan Siciid Cali

 

Daawo Muuqaalka Warkaas :-

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom