telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

MAANSO:- “Qabiilna Qabiil Ma Dhaamo ” Erayadii Khadar Mawliid Tabaase

Maanso “QABIILNA QABIIL MA DHAAMO” Erayadii Khadar Mawliid Tabaase

Qardoofo markaad dareento
Markaad qisadaada sheegto
Qalooc iyo hadal is dhaafa
Quruxi Waa yeelkadeede
Ciddii qabanlayd dhibtaada
Khasaare halkaad ka qaaddo
Intaad qulqushood dhaqaaqdo
Dariiq qunyar qaadistiisa
Inaad qirataa hagaagsan

Naftaadu hadday qushuuca
Waxaan u qalmayn jeclaato
Quluubta inaad dawayso
Saxiyo qalad kala ogaato
Qiyaamiyo beeno waaska
Qoslaaye inaad ilawdo
Ogoow waa qayb u baahan
Inaad qaadataa go’aan sun

Waxaan qaadirkeen banaynin
Amaan qalin lagu saxeexin
Allaha qaadiraa caddeeyay
Inaan qiil loo helayne
Qumba la nacaa xumaadee
Quniyo maan haysu dhiibin

Qabiilna qabiil ma dhaamo
Wixii qoon kale ku ceeba
Ado qolo kale ku cayay
Markay qaybtaada joogto
Inay kula qurux badnaaato
Qalooca wanaaga mooddo
Miyuu dadka qaar rumaysan
Galoof iyo qaalmo maala

Qudhaan la hadlaay garawso
Wixii qormay way qormeene
Adoon qaaraha u qaadan
Adoon qarqarada xannuunay
Adoon qayb kale u sheegan
Adoon sii qalin xumaanta
Adoon qoys qoys ka dooran
Adoon qaarna garabka saarin

Gar Waa loowada islaame
Ka qaado go’aaga qaado
Gobaa badano ka buuxda
Gayiga hooyee ka raadi
Kollay gol qaniin ha yeelin

Adoon gondhacada tilmaamin
Qamuunyo halkaad ku raacday
Adoon qayrkaa la kaashan
Qumaati halkaad filayso
Inaan qosol beeni oolin
Garoo masna kaa qaniinin
Gafuur cadho waa ninkiiye
Adoon qoomanayn ka doono

 

 

Ereyadii: khadar mawliid Tabaase

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom