telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

Gudoomiye Faysal Cali Waraabe Oo Hadhimo Sharafeed Sagootin Ah Usameeyey Safiirka Midowga Yurub Uqaabilsanaa Soomaaliya & Somaliland Danjire Nicolas Berlanga + Sawiro

Hargeisa(Gaaroodinews) Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng faysal Cali Waraabe, ayaa maanta hadhimo sharafeed sagootin ah u sameeyey Safiirka Midowga Yurub u qaabilsanaa Soomaaliya & Somaliland Danjire Nicolas Berlanga oo ay dhammaatay muddaddii shaqadiisa.

Waxaana kasoo qeyb-galay, Hoggaanka iyo masuuliyiinta Xisbiyada Mucaaradka ah ee UCID iyo WADDANI.

Gudoomiyayaasha Xisbiyada UCID Iyo WADDANI, Cabdiraxman Cirro Iyo Faysal Cali Waraabe, oo halkaasi ka hadlay, ayaa danjiraha uga mahadceliyey kaalintii uu ka geystay qabsoomidda doorashadii isku sidkaneyd ee ka dhacday JSL 31kii MAY 2021, iyo sida oo kale kaalmada dhaqaale ee ay Midowga Yurub ku bixiyaan mashaariicaha horumarineed ee laga fuliyo Jamhuuriyadda Somaliland.

Ugu dambeyn, Hoggaanka Xisbiyada Mucaaradka ah ayaa ku dardaaray Danjire Berlnage in ay halkaa ka sii wadaan kaalmada iyo taageerada Midowga Yurub ay la barbar taagan yihiin Jamhuuriyadda Somaliland

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom