telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

Maareeyaha Shirkada Sompower Oo Sheegay Inay Dib Uhabayn Kusamaynayaan Adeegooda Laydhka + Muuqaal

Hargeisa(Gaaroodinews) Shirkada Bixisa Adeega Ugu Balaadhan Ee Laydhka Caasimada Hargeisa Ee Sompower Ayaa Sheegtay Inay Dib Uhabayn Kusamayn Doonto Adeega Laydhka Ee Ay Bixiso

Maareeyaha Guud Ee Shirkada Sompower Cabdilaahi Maxamuud Ibraahim Beershiya Oo Kahadlay Madal Balaadhan Oo Ay Shirkadu Kusoo Bandhigaysay Mashruuc Ay Dib Uhabayn Ugu Samaynayso Laydhkeeda Ayaa Yidhi :-

” Sidii Aan Horeba Usheegay Waxaynu Maanta Daboolka Kaqaadaynaa Ama Aynu Bilaabaynaa Mashruuc Balaadhan Oo Ay Shirkada Sompower Ay Ugu Talo Gashay Laga Bilaabo Maanta July 2021 Ilaa Mustaqbalka Dhaw Ee Soo Socda In Magaalada Dib Uhabayn Lagu Sameeyo ” Maareeye Cabdilaahi Beershiya

Maareeyaha Guud Ee Shirkada Sompower Md Cabdilaahi Beershiya Ayaa Sidoo Kale Kawarbixiyay Mashruuca Ay Maanta Daahfurayaan Kaasoo Uu Sheegay Inuu Yahay Laba Mashruuc Oo Is Huwan Waxaanuu Yidhi :-

” Mashruucan Aan Maanta Loojin Garanaynayaa Waxaa Uu Kakoobanyahay Laba Mashruuc Oo Isku Sidkan Ama Is Huwan Midi Waxa Weeye Kaa In Networkii 30kii Sano Ee Ugu Danbeeyay In Magaalada Hargeisa Iyo Magaalooyinka Kale Ee Aynu Kashaqaynaaba Laydhku Sibuu Udhismaayay …..Sompower Markan Waxay Iska Xilqaantay Mar Haduu Yahay Kambanigii Ugu waynaa Laydhka Ee Boqolkiiba 85 Magaalada Hargeisa Siinaayay Iyo Magaalooyinka Kale Ee Lamidka Ah Ay Tahay Xilka Koobaad Waxay Xooga Saartay Inaan Sidii Hore Waxwalba Usocon Oo Waxwayn laga Badalo Oo Dib Aan Uhabayno “

Dhanka Kale Maareeye Cabdilaahi Beershiya Waxaa Uu Bulshada Isticmaasha Adeegooda Uu Ufaahfaahiyay Faaiidoyinka Kadhalan Doona Adeegan Ay Daahfureen

” Faaiidooyin Fara Badan Ayay Dadku Kaheli Doonaan Insha allaah Waxayka Heli Doonaan Kow Waxaa Save Garaysmi Doonta Naftooda Oo Khatarka Kadhalan Doonta Laydhka Ayaa Meesha Kabixi Doonta Waxay Doormihiima Kaqaadan Doontaa Bilicda Magaalada ” Cabdilaahi Beershiya

 

 

Daawo Muuqaalka Warkaas :-

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom