telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

Xildhibaan Mustafe Axmed Oo Gobalka Sool Uga Soo Baxey Kulmiye Oo Ku Biirey Isbaheysiga

Hargeisa(Gaaroodinews) Xildhibaan Garyaqaan Mustafe Axmed oo Gobolka Sool uga soo baxay Xisbiga KULMIYE oo Magaaladda Hargeysa Warbaahinta Kula Hadlay Ayaa Sheegay Inuu Kubiiray Isbahaysiga Mucaaradka Waxaanu yidhi: ” Kulmiyaan ka soo baxay Kulmiyaan ahaanaya, waxa aan diiday in aan Madaxweynaha arko inta doorashada shir-guddoonku dhacayo. Waxaa aan halkan ka cadeynaya in aan imika wixi ka dambeeya u coddeeyo Abdirisak khaliif, Omer Jama, iyo Cali Xaamud ”

Xildhibaan Mustafe oo caawa ku biiray Isbahasiga Mucaaradka waxa uu sheegay in la af-duubay oo la doonayey in lagu hayo Dalka Itoobiya

“Waxaan ka soo bad baaday af-duub ugub ku ah siyaasada Somaliland.”

Waxa kale oo uu sheegay xildhibaanku inuu ka soo baxsaday Addis-ababab oo Mobiladiisii iyo dharkiisiiba uu kaga yimi gurigii la dejiyey.

“Maanta duhurkii ayaan soo galay Hargeisa waxaan ka soo bad baaday af-duub ugub ku ah siyaasada Somaliland oo arimihii Localka ahaa ee laysku hayey iyo loolankii Shirgudoonka anigoo ah xildhibaan qaran oo shacab isoo doortay laygula kacay afduub.” ayuu yidhi Xildhibaan Mustafe Axmed

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom