telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

Maamulka Degmada Maxamuud Haybe Iyo Golaha Deegaanka Caasimada Hargeisa Oo Ugu Baaqay Bulshada Kudhaqan Dagmadaasi Inay Kaqaybqaataan Ololaha Nadaafadeed Ee Laga Fulinaayo Caasimada + Muuqaal

Hargeisa(Gaaroodinews) Xubno Kamid Ah Golaha Deegaanka Caasimada Hargeisa Iyo Maamulka Degmada Maxamuud Haybe Ayaa Kulan Ay Maanta Xarunta Degmada Maxamuud Haybe Kuyeesheen Ayaa Bulshada Ugu Baaqay In La Iskugusoo Baxo Olole Nadaafadeed Oo Uu Kudhawaaqay Maayarka Caasimada Hargeisa

Ujeedada Kulankan Ayaa Ahaa Sidii Korloogu Qaadi Lahaa Nadaafada Isla Markaana Loo Fulinlahaa Goaankii Maayarka Caasimada Ee Kuwaajahnaa Sidii Loo Nadiifin Lahaa Guud Ahaan Caasimada Hargeisa

Gudoomiyaha Degmada Maxamuud Haybe Maxamed Cabdilaahi Abiibakar Oo Kulankaasi Kahadlay Ayaa Fariin Udiray Shacabka Kudhaqan Degmada Maxamuud Haybe Kaasoo Ugu Baaqay Inay Kaqaybqaataan Ololaha Nadaafada Ee Laga Fulinaayo Degmada Maxamuud Haybe

Xildhibaan Cabdikareem Cabdi Garas Oo Kamid Ah Mudanayaasha Golaha Deegaanka Caasimada Hargeisa Oo Isna Kulankaasi Kahadlay Ayaa Dadwaynaha Kudhaqan Degmada Maxamuud Haybe Kubooriyay Inay kaqayb Qaataan Ololaha Nadaafada Ee Maalinta Beri Ah Laga Fulinaayo Guud Ahaan Caasimada Somaliland Ee Hargeisa Gaar Ahaana Ay Kaqaybqaataan Degmo Ahaan

 

Daawo Muuqaalka Warkaas :-

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom