telesom
GAAROODI NEWS NETWORK

Maxaad Kala Socotaa Madaxda Afrikaanka Ah Ee London Usoo Duulay Iyagoo Loo Sheegay Inay Shirka Kaga Soo Qaybgalaan Hab Online Ah ? Qalinkii Kaysar Cabdilaahi

Kuuma yeedhine aduun baa yimi !

Maxaad kala socotaa Madaxda Afrikaanka ah ee London usoo duulay iyagoo loo sheegay inay shirka kaga soo qayb galaan hab online ah? Qalinkii Ex.wasiir Kaysar Cabdilaahi

London(Gaaroodinews) Shirweyne Caalami ah oo ay ujeedadiisu tahay sidii kor loogu qaadi lahaa Waxbarashada carruurta, gaar ahaan kuwa dunida saddexaad ayaa ka qabsoomaya magaalada London maanta iyo berri 28/29 July.

Hadaba shirkan oo ay wada guddoominayaan Raiisal Wasaaraha UK iyo Madaxweynaha Dalka UK Uhuru Kenyatta waa Virtual conference loogu talo galay inay madaxda dunidu ay kaga soo qayb galaan hab online ah iyaga oo dalalkooda jooga, marka laga reebo Boris Johnson Iyo Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo iyagu shirka hagaya.

Waxaa dad badan la yaab ku noqotay markii ay diyaaradaha usoo fuuleen magaalada London madax badan oo Afrikaan ah oo ay ka mid yihiin Madaxweynaha Nigeria Muhammadu Buhari, Raiisal Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, Hogaamiyaha dalka Ghana Akufu Addo iyo madax kale oo badi afrika ka yimi.

Qaban-qaabiyayaasha shirka ayaan in badan u sheegay inay madaxdaasi dalalkooda joogaan oo ay shirka uga soo qayb galaan hab Zoom online ah iyada oo la eegayo xaalada Covid-19 ka ee lagu jiro.

Dabcan waxay ka tahayba Madaxdaas Afrikaanka ah ee uu Raiisal Wasaare Rooble ku jiraa waxay usoo dhoofeen London iyaga oo soo galay soona khasaariyay kharash dhaqaale oo aan daruuri ahayn oo uu dadkoodu u baahnaa, waxaanay imika raajicis ugu jiraan sidii ay ula kulmi lahaayeen Raiisal Wasaaraha UK iyo madaxda UK. Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa isaga si weyn loo qaabilay oo lana kulmay dhaxal sugaha Boqortooyada Prince Charles oo Boqorada ka wakiil ah iyo Raiisal Wasaare Boris Johnson.

Jaaliyadaha Soomaalida ah ee UK ku nooli way jeclaan lahaayeen haddii Raiisal Wasaare Rooble uu fursad u helo inuu la kulmo Boris Johnson inuu kala hadlo Liiska Cas (Covid-19 Red list) oo saaran Soomaaliya Iyo Somaliland kaasoo culays ku ah Jaaliyada, go’aankaas oo ah mid siyaasadeed in ka badan mid Caafimaad.

Shirkan waxaa lagu wadaa in lagu uruuriyo qaadhaan lacageed oo lagu caawiyo sidii Carruurta Wadamada soo koraya ay u heli lahaayeen Waxbarasho.

 

Qalinkii

Amb Kaysar Maxamed

Gaaroodi News Online – Nagala soo xidhiidh Emailkan:  GAAROODINEWSNET@GMAIL.COM

 



telesom